'' Kenya Vs Somaliland ''.

0
Monday June 01, 2020 - 09:50:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Kenya Vs Somaliland ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Maanta waxay ku beegan tahay sanad guuradda 57aad ee kasoo wareegtay maalintii Boqortooyadda Ingiriisku u ogolaatay wadanka Kenya in uu yeesho maamul hoosaad u gaara oo uu iskii isu maamulo , maalintaas oo ahayd 1-june 1962 , Maalintaas oo loo yaqaano Madaarka Day .

 

12-December 1963 , ayaanay Kenya noqotay wadan madaxbanaan oo ay u dabaal degtay xornimo buuxda , maalintaasna waxaa loo yaqaano Jamuuri day , ama Uhurro day .

 

Somaliland iyadda waxaa doorashadii baarlamaanku ka dhacday 14-Febuary 1960 , maamul hoosaadkeedana waxay haysatay ilaa 26-june 1960 , maalintaas oo ay qaadatay xornimo buuxda .

 

Maanta Kenya waxay u dabaal degeysaa 57 guuro iyadoo haysata dawladnimo buuxda oo ay kusoo caano maashay ilaa waagaas , Halka Somaliland 60 sanno ka dib , aynu maqlayno Dawladda Mogdisho go aansatay in Baarlamaanka Somaliland matalaya laga soo doorto xaafadaha Mogdisho , arrintaas oo ah ihaanadii ugu xumayd ee umad loo gaysto .

 

Si kastaba ha ahaatee , Kenya iyo Somaliland midba madaxdii kusoo beegantay ayaa geeyay halkay joogto , lixdankaa sanadood midhaha ay gurteena waa uun wixii madaxdoodu u beereen .

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...