Wada-Hadallada Soomaliland Iyo Soomaaliya - Ma Garnaqsi Baa Mise Waa Dib-U-Heshiin?

0
Monday June 01, 2020 - 09:36:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada-Hadallada Soomaliland Iyo Soomaaliya - Ma Garnaqsi Baa Mise Waa Dib-U-Heshiin?

    W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed



 

Bishan May 18keedii 2020, ayaa madaxweynaha Soomaliland, Muuse Biixii, ku baaqay in uu qaddiyadda Soomaliland hor geyn doono maxakamadda adduunka ee loo yaqaan International Court of Justice (ICJ); haddii wada-hadalka Soomaliland iyo Soomaaliya uu ictiraafka Soomaliland (SL) ka soo bixi waayo.

 

Madaxweyne Biixi wuxuu si kale u yidhi sida aan rabaa waa inay ka soo baxdaa wadahadalka, haddii kale waa maxkamad. Cajiib.

 

Waxa ka daba-qaatay 29kii bisha May 2020 khabiir Maraykan ah, John Rosenberg, oo uga digey md Biixi in dariiqadaas wax midho ah laga keeni doonin.

 

Waxase ka horaysa, maxay qabataa maxkamadda ICJ? Jawaabta koobani waa: waxay u gar-qaadaa dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay (QM). Kolkaa dariiqaasi ma ba aha dariiq furan, ilayn SL xubin kama aha QM e'.

 

Ku darsoo golaha amniga ee QM (security council), go'aano badan buu ka soo saaray lama taabtaanimada xuduudaha qaranimo ee Jamhuuridda Soomaaliyeed. Taas baana ah qaanuun caalami ah, ilaa hadda.

 

Su'aasha, markaa, looga gudbi karaa waa wada-hadalladu ma garnaqsi baa mise waa dib-u-heshiisiin?Waa hal daw ah, laakiin falanqayn baa ka furan, inagoo caawimo bidi doona sida loo qeexo erayada wadahadal iyo garnaqsi.

 

Wada-hadal waa is-dhaafsi fekrado iyo tibaaxo iyadoo la isu hor fadhiyo fool-ka-fool, kuna dambaysa tafaawud (negotiation); oo ah dariiqo ku hagi karta wada-hadalka heshiis iyo is-af-garad. Muranka ka dhex-aloosan labo dhinac ee mufaawado ku jira, waxa laga samayn karaa masaalaxo (conciliation), taas oo ah in dhinac 3aad u fudaydiyo isku soo dhowaynta labada dhinac ilaa inta laga gaadhayo heshiis labada dhinacba ku raali yihiin. Dariiqada noocan ahi ma laha sifo sharci ah oo maxkamadeed.

 

Waxa iyana jirta dariiqo labaad oo loogu yeedhi karo "kala-saarid",  arbitration, taas oo loo baahan yahay in uu marka hore jiray heshiis sharci ahi (legally binding agreement) oo u dhexeeyey labo dhinac. Waxa dariiqadan aad u adeegsada nooca maxkamadaha loo yaqaan "tribunals-ka". Go'aanka ay ridaana, dabcan, racfaan waa ka furan yahay.

 

Ta saddexaad-na waa dariiqada "garnaqsiga", taas oo ah in daraf kastaa u soo bandhigo maxkamadda caddaymo la taaban karo iyo markhaatiyo taageeraya dooddiisa ama dedafayntiisa, oo ku aaddan muranka markaa taagan. Go'aanka ka soo baxaana waa gartii-oo-la-naqay (adjudication).

 

Haddaba marka aad raacdo eray-bixintaa kore, wada-hadallada u dhexeeya Soomaliland iyo Soomaaliya:

 

(1) Ma noqon karaan garnaqsi ilayn Soomaalilandma aha dal la aqoonsan yahay oo caalamka ku leh is-ahaansho sharci ah (persona juridico). Somaliland kama mid aha QM. Golaha Ammaanka ee QM hore ayuu arrinka uga garnaqay, macnihii ka soo saaray qaraaro ku baaqaya ilaalinta qaranimada iyo xuduudaha Soomaaliya.

 

(2) Mana noqon karto kala-saarid (arbitration), ilayn Soomaliland iyo Soomaliya, ma jiro heshiis ama cahdi ay wada-galeen oo la yaqaanaaye.

 

Waxa ay isugu soo dhuran in dariiqada keliya ee suuragal ah ee furani tahay "wada-hadal iyo mufaawdo", beesha caalamakuna ku garab-gasho, masaalaxana ka dhex samayso labada dhinac, waana sidaas sida beesha caalamku ku talisay, madaxda Soomaliland-na ku qanacday. Ha ka didin musaalaxo, diintaa suubban ayaa ina fartaye.

 

Md Biixi wuu ogyahay in wada-hadalku yahay dib-u-heshiin, waanu ku qancay, waanu socdaa. Haddaba, goorma ayuu shacabkiisa runta u sheegi doonaa? Waxa la joogaa waqtigii madaxda SL ay khariidada siyaasadda ee hortaal uga warami lahaayeen shacabka oo ah: wada-hadalka SL iyo Soomaaliya waa dib-u-heshiin, ma aha kala tag. Khatarteeda ayey leedahay mugdi ku haynta shacabku. Hadal waa run kama rays.

 

Tixraac:https://www.caasimada.net/khabiir-shaaciyey-waxa-ka-dhalan-karo-haddii-qadiyada-somaliland-la-geeyo-icj/

 

Wa Bilahi Towfiiq

 

W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...