Qosol & Qiirro : Beesha-Caalamka & Oday Miyi!

0
Monday June 01, 2020 - 09:30:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qosol & Qiirro : Beesha-Caalamka & Oday Miyi!

    W/Q: Axmed-Assad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad

Oday beeleed reer-miyi ah oo abaar ba'ani hayso ayay kuwo yar-yari ku yidhaahdeen "adeer,  baaq inoo dir si kaalmo maatada loola soo gaadho". Hadda garro oo videona way ka duubayeen!



Wuxuu yidhi, "Bismillahi Raxmaani Raxiim, eeeen, Gaalada waxaan ka baryayaa inay cunto nala soo gaadhaan, dadkii bakhti bay ku dhaw yihiine "kkkkk


Yar-yarkii gaajaysnaa ayaa qosol jidhaanta ka dhigay, waxayna ku yidhaahdeen, "Adeer, ku noqo oo si yarahe farsamaysan waxaad u tidhaahdaa, "beesha caalamka waxaanu ka codsanaynaa inay kaalmo bini-aadamimo nala soo gaadhaan"! 


Oday kalena wuxuu yidhi, "Bulxanoow, baaqa ha canda-dawline inaga hagaaji oo gaalo & muslimba umadaha aduunka oo dhan inoo gaadhsii codsiga".


Odaygii intuu muunsooday ayuu yidhi, "adeer, dadkii baryada xirfadeeda lahaa ee wax dhoob-dhoobi jiray maad raadsataan? Teeda kale, anigu meeshii Gaalo 'beesha-caalamka' sida beelaha deriska ah loogu bixiyay maan ogayn" wuxuuna sii raaciyay "Adiguse Gurxanoow, gaalada baryada haka xumaynine,


hadaynu iyaga barinno, Carabaha aad sheegayso iyagaa inoo soo khasbayee adigu ha degdegin, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa, nin ragga reerkiisa looma gacan dhaafee, gaallo & cawaankeeda isu daah!"


Wuxuuse oday Bulxan hadalkiisii ku soo xooriyay, "hadayse idinla fool-xumaatay baryo xumaantaydu, waxaan leeyahay: Illaahoow adigaan ku baryayaa oon gacmaha kuu hoorsanayaa, oo gaalada ka gacan-weyn kana naxariisto badane, dulinimadaa aan dhex-galay adigu iga soo furo, oo raxmadaada degdeg noola soo gaadh".


Goobtii oon laga kicin, ayuu buudhkii isu badelay daad! Waxaana xigtay, "waar xooluhu waa caatee roobka ka jiriyaaaaaay, iyo ee guryaha moosaaay!"


Cajadii beesha caalamka ama 'Gaalada' loogu talo galayna, iyadoon weli la baahin 5 sanno ka hor, baa iigu war dambaysay. Malaa waxa laga xishooday in maadaama hee ........! adba iska garro!

W/Q: Axmed-Assad
FB: @AhmedAssad
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...