Soomaliland: Bisha May iyo Xaaladda Covid-19.

0
Monday June 01, 2020 - 09:11:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliland: Bisha May iyo Xaaladda Covid-19.

    W/Q: Fu'aad Abdisalaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'aad Abdisalaam


Cudurka Corona virus oo December 2019 kii markii koowaad laga helay magaaladda wuhan ee dalka china ayaa muddo yar oo kooban adduunka si weyn ugu faafey, Cudurka ayaa Somaliland waxaa uu soo gaadhey 31 March 2020 markaas oo wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomalilaan ku dhawaaqdey labadii qof ee ugu horeeyey ee  xanuunka laga helo.



Xukuumadda oo ka jawaabeysa xaaladda cudurka ayaa magacowda guddi u gaar ah dadaaladda lagula jiro xanuunkan, iyadoo markii hore wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadku gudoomiye u ahaa, balse markii danbe madaxweyne ku xigeenka Soomalilaan gudoomiye u noqdey guddi heer qaran.


SIdoo kale mudadaas waxay xukuumadda qaadey talaabooyin u muuqdey in lagu xakameyn karo cudurka, iyadoo marka loo eego dunidda kale ee cudurkani saameeyey la qaadey taloobooyinkii ugu haboona, inkastoo fulinta go’aamadaas bulshaddu su’aalo iska weydiineyso.


Waxaa ugu muhiimsanaa in la xidho goobihii waxbarashadda dalka, cafis uu madaxweynuhuhu u fidiyey maxaabiis jeelasha ku xidhnaa, joojinta qaadka muddo kooban iyo dadaalo badan oo fayo dhawr iyo wacyigalin u badnaa kuwaas oo ku koobnaa magaalooyinka waaweyn.


Hadaba, Bisha May 2020 waxaa laga bartey casharo badan oo isbarbar socdey oo xaaladda covid-19 ay keentay oo Soomaliland ka dhacay, waxaa intaas dheereyd in bishani mudnaan gaar ah ku leedahey in ay ku beegantay munaasibadado isku lamaan oo bulshaddu isku imaantinkeedu ka badan yahay wakhtiyadda kale, sida xuska maalinta qaranimadda Soomalilaan iyo waliba  bisha ramadaan aakhirkeeda oo bulshaddu iskugu timaado suuqyadda iyagoo u diyaar garoobaya ciida, waxaa intaas dheera farxadii saddexda cisho ee ciida oo sida dhaqanka dadku isku imaantinkeedu badnaa inkastoo bulshadda looga digay.


Hadaba,inagoo ka duuleyna xogta wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomalilaan si maalinle ah u soo saari jirtey ayaa waxaa xusid mudan qodobadan.


1.   Marka la eego xogta wasaaradda horumarinta caafimaadka,  Bisha May Dadka laga helay cudurka covid-19 Waxaa u badan da’da 20 ilaa 30 jir. Tani dhinacna marka laga eego waxay waxay kordhineysa dadka ka soo ladnaan kara cudurka, madaama ay unugul yihiin dadka da’da ah iyo dadka xanuunadda la nool.


2.   Maalintii ugu tiradda badneyd dadka uu cudurka laga helay waxay aheyd 25 May oo dhameyd 35 qof. ( Eeg shaxda hoose).


3.   Maalin qudha tirada qof ee la soo hadlay xarunta guddida heer qaran ayaa gaadhay ku dhawaad Saddexyo toban kun oo qof. Halkaas waxaa ka muuqanaya sida uu cudurku bulshadda u saameeyey iyo wacyi ay bulshaddu heysatey.


4.   Shan cisho oo bisha may ka mid ah may jirin haba yaraatee tiradda dad ah oo laga helay cudurka covid-19 siday wasaaraddu inala wadaagtey.
 
Waxaana Iyana barbar socdey in ku dhawaad toban cisho aaney jirin cid ka bogsatey xanuunka.

5.    11% ayaa ka bogsadey cudurka guud ahaan Soomalilaan.


6.   7% dadkii uu ku dhacay covid-19 ayaa u dhintey cudurka soomaliland bisha may 2020.


7.   Wacyigalinta ugu weyn ee cudurka covid-19 Soomaliland waa telefoonadda gacanta lagu qaato, kuwaas oo fariimo caafimaad gudbiya marka aad qof wacitaan sameeyo.


8.   Bilowgii dowladdaha hoose ee dalka dadaalo ay saameeyeen oo dhinaca ka hortaga ayaa ayaa hoos u dhacay, iyadoo ay muuqato in intii danbe oo cudurku kordhayey la dhayalsanayo dadkuna isakala qabsadeen, taas oo halisteeda leh.


9.   Cabashadda ugu badan ee bulshadda Soomalilaan ka imaneysa waxaa u badnaa dadka danyarta ah iyo adeegyadda caafimaad ee dalka oo qeylo dhaan badan ka timi.


10. Ku dhawaad 16 wadan oo qaaradda afrika ku yaala ayaa Soomalilaan ka hooseeya tiradda dadka laga helay cudurka qaaradda afrika.


11. Wadamadda Tanzania iyo Mauritania ayaa Soomaliland ka mideysan yihiin tiradda dhimadashadda Cudurkan.


Kama danbeystii, Dadaalo is barkan oo ka bilaabmaya naftaada ayaa lagaga hortagi karaa cudurka covid-19. 


Tusan

W/Q: Fu'aad Abdisalaam
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...