Nimaan Xaal qaadan Xeerna ma qabto

0
Monday June 01, 2020 - 09:06:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nimaan Xaal qaadan Xeerna ma qabto

    W/Q: Diiriye Cabdi Toosiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Diiriye Cabdi Toosiye

 

Nimaan Xaal qaadan Xeerna ma qabtoWaxaan qalinka u qaatay hadaladii uu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga  Caddaalada iyo daryeelka UCID ee Somaliland Mudane Faysal Cali Waraabe kaas oo sidduu gudoomiyuhu sheegtay laga dhigay Hadal nin si u yidhi nina si u qaaday, sidda uu kaga dhawaajiyey Gudoomiye Faysal  in hadalkiisaa la candadoolay uu Dib u saxay uu hadana ku sameeye, iyada oo taasi jirto, ayaa Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye uu xaal bixin ka bixiyey goob warbaahineed oo gode iyo debedba laga maqlay. Sidda dhaqanku uu ahaa Mar hadii arin xaal laga bixiyo xagaas ayaa lagu ilaawi jiray, xaalka suldaana qadarin dheeriya ayuu mudnaa , se may dhicin siddaa awgeed Saddex baan ka odhanaaya. 

 

Baashe midbaan odhanayaa Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa isaga oo waji rogan oo u jawaabaaya Gudoomiye Faysal ayuu soo Fadhiistay warbaahinta wuxuuna ku miisay Hadalo CADHO Hadal ah oo aan meelba haysan, markaa Gudoomiye Baashow runtu Fanto maaha xubin Baarlamaanbaad ahayd Mudo iminkana Gudoomiyihii Baarlamaanka weligaana ciddi khad farkuumay gelin iminkana haday doorasho xor iyo xalaal ahi dhacdo lagama yaabo in ciddi khad farkuudari waayo rag kaa xil kasan ayaa jira oo deegaanka heegan ku ah oo sugaaya doorashada aad ka cago jiidayso inay dhacdo, waxaana hubaal ah in iyaga farbaad sheegaysaaye Jeeniga khad loo marsanaayo hamuumka loo qabo Cid metesha oo daacad ah owgeed, Takale ee tidhi Faysal cidbaa dooran weyday, kula yaabimaayo oo Cidbaan adiga ku doorane haddii kursi loo loolamo oo Saddex u orodo mid uunbaa  ku guuleysta, taas macnaheedu maaha kuwii kale Cid baan u codayn se waa laga cod batay weeye, markaa halaguugu dhaarto Gudoomiye Baashow Mudane Faysal xisbigiisa in  codayn loocodeeyey uu ku soo baxay oo codayn loo codeeyey uu Madaxweyne ugu tartamay oo codayn loo codeeyey uu Gudoomiye ku noqday, oo iminkana wuxuu doonaayo cod dayaar loola yahay, se waa deelqaaf Gudoomiye Xisbi qaran cod kuyimi in adigoo oo aan weligaa loo codayn oo siddii lasheegayey isxambaar ku yimi inaad tidhaahdo Faysal Gudoomiye uma aqoonsani dee Xisbiga Ucid iyo axsaabta kalana Xisbiyo uma aqoon sanid, adigoo Gudoomiyihii Baarlamaanka ku sheegan waa nasiib daro in aad waxaas ku tiraabto, Gudoomiye Cirro ayaa la ogaa in aad Gudoomiye baarlamaanka kama tihid aad ku tidhi maantana Gudoomiye Xisbi qaran hubaal haddii aad cod shacab aad ku iman lahayd siddaa umaad  hadasheen, aniga oo ah muwaadiniintii u codeeyey Faysal iyo xisbigaba iyo Gudoomiye nimadiisaba waxay Nagu tahay meel ka dhac qayaxan ee naga Dow bax,Beeshiisa Midbaan odhanayaaSiddii xeerka iyo dhaqanku ahaan jiray haddii arin xaal laga bixiyo lagama dabategi jirin oo weliba haduu Waayeel masuul ah oo duub xidhani uu ku dhawaaqo xaal waa la xumayn jiray se arinkan siddii Xaydho-weyn dab aragtey maykarafoonkii Afka loo wada saaray waa xaajo ugub oo Xeer noqon doonta, waayo ragan sida  dhaqanka baal marsan intay waxay doonaan yidhaahdaan sida jeesjeeska leh ee afgobaabsiga ah leh suldaanka xaal marinsiisaan ku dhaafaynaa lehow, wadhi nin walba siduu kuugu maalaa loogu hanbeeyaa ogaada walee in aan garaad iyo suldaan cumaamadii xaal u tuuray ciddi u Joojin doonin idinkana bilaabmay ee Ogsoonaadana. 

 

Puntiland Midbaan leeyahay Ragbaan arkaayey lahaa in uu Faysal puntiland wax ka sheego maahaa, Puntiland dagaal badheedh ah oo joogto ah ayey Somaliland ku haysaa, Dhanka Somaliland na waa inagu waajib in cidkastoo cadow ku ah Qaranka Somaliland Af, Cudud iyo Tushuushba ay uga meel taal in muwaadin walboo reer Somaliland ku caabiyo cadawga Somaliland, Puntiland iyada a docodocaynta afxumada dagaalka bilowday siddaa laajigeed waa ku munaasib Puntiland in siyaasiyiinta iyo godoomiyaasha Xisbiyadu ku miisaan, se in Cidi ku dhaleecayso masuul qaran waa wax aan banaaneyn oo reeban se Hubaal hadii walaaltinimo iyo wanaag inoola iman lahaayeen in aan cidi kala masiigteen, se hadeer afsan inama dhex yaalo puntiland,  Dhamaan beelaha Reer Somaliland isku dhaqan iyo isku Xeer Bay ahaayeen si wax u wada xeerin jiray oo u wada xaali jiray se Waxaad moodaa in maanta laga talaabsaday xeerarkii milgaha iyo sharafta lahaa ee soo jireenka ahaa ee laysku maamuusi jiray ee Tolow beri Maxaa Xal noqon doona ileen Nimaan Xaal Qaadan  Xeerna ma Qabtee?!.

 

W/Q: Diiriye Cabdi Toosiye

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...