Dhimasho Hor Leh Oo Cadaado Ugu Geeriyooday Cudurka COVID-19

0
Sunday May 31, 2020 - 15:13:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho Hor Leh Oo Cadaado Ugu Geeriyooday Cudurka COVID-19

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saddex qof oo da' ah ay ku geeriyoodeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saddex qof oo da' ah ay ku geeriyoodeen



Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeriyoodeen dad looga shakiyay inay qabeen Cudurka halista ee Coronavirus.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saddex qof oo da’ ah ay ku geeriyoodeen Magaalada Cadaado, kuwaasi oo la tilmaamay inay la xanuunsanayeen Cudurka, iyagoona ku dhintay guryahooda.

Sidoo kale Maamulka Xarunta Xakamaynta Cudurka COVID-19 ee Cadaado ayaa bulshada ka dalbaday inay dadka xanuunsan ay keenaan goobta Caafimaad ee loogu talagalay.

 

Dad badan oo ku sugan Cadaado ayaa waxaa laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay, waxaana sidaas xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Galmudug.


Loading...
Loading...