30 Sano Oo Uu Hayey Xukunka Dalka Suudaan, Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Al-Bashiir?

0
Thursday April 11, 2019 - 16:00:13 in News by
  • Visits: 2305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Sano Oo Uu Hayey Xukunka Dalka Suudaan, Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Al-Bashiir?

    30 Sano Oo Uu Hayey Xukunka Dalka Suudaan, Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Al-Bashiir?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

30 Sano Oo Uu Hayey Xukunka Dalka Suudaan, Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Al-Bashiir?


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayay xilka ka degay, islamarkaana Ciidanka Milatariga Suudaan ay la wareegeen Awoodda dalka ayna doonayaan in ay dejiyaan dadka Shacabka.


sida ay ku warameen wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters Shirkii deg degaa ee ay yeesheen hogaanka ciidanka milatarigu ayaa lagu shaaciyay in General Ahmen Awad Ibn Auf si rasmi ah uu ula wareegay Hoggaaminta tallada Laamaha Ammaanka dalka Suudaan, islamarkaana uu sii noqon doono Hoggaamiyaha dalka.




Madaxweyne Al-Bashiir wali ma hadlin, waxaa la aamisan yahay in uu yahay xabsi guri,islamarkaana la xidhay raggii ka agdhawaa ee ahaa saraakiisha Ciidanka .


Waxyaabaha lagu xasuusan doono Al-Bashiir oo kooban:


Ciidadama Masar ayuu kala qayb galay dagaalkii Arabta iy Israel u dhaxeeyay 1973.


Awooda xukunka Sudan wuxuu la wareegay 1989 asigoo garab ka helaayo Koox Islaami ah oo uu hogaamiye u ahaa.


Waa masuulka ugu darajada sareeyay ee maxkamada dambiyada dagaalka ICC 2009 soo eedeyso balse wuu beeniyay inuu dambiyo dagaal ka geestay gobolka Darfur.


Wuxuu nabad dhex dhigay ama la heshiiyay mucaaradkii Koonfurta Sudan ka jiray sanadii 2005.


Wuxuu awooda iska wareejiyay dhanka Koonfurta Sudan sanadii 2011 maamul ahaan gacantiisa ku jirtay waxayna markaas Sudan lumisay afar meelood sedex meel ka mid ah dhulka shidaalka laga qodo.


Bashir noloshiisa wax badan lama ogo balse wax caruur ah ma uusan dhalin.


Taarikhda hoggaamineed ee militariga Suudaan


Ciidammada xoogga dalka Suudaan ayaa kaalin weyn ka qaatay siyaasadda tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1956-dii.


Militariga ayaa lagu eedeeyaa inay ka faa’ideystaan cabashooyinka waawayn ee shacabka, iyaga oo jaranjar uga dhigta sidii ay awoodda kula wareegi lahaayeen, ka dibna iska indho tira rabitaankii shacabka gadooday.


Sannadkii 1958-kii, 2 sanno ayaa kasoo wareegtay markii Suudaan ay xoriyadda qaadatay, madaxii ciidammada miliariga Janaraal Ibraahim Cabuud ayaa awoodda dalka kula wareegay afgembi uusan wax dhiig ah ku daadan.


Kacdoon ballaaran oo ka qarxay Suudaan ayaa militariga ku qasbay inay xukunka wareejiyaan sannadkii 1964-tii.


Militariga waxaa xukunka si afgembi ah kala sii wareegeen janaraal Jacfar Al Nimeyri sannadkii 1969-kii.


Sannadkii 1985-kii, Cabdel Raxmaan Swar Al Dahab ayaa horkacay saraakiil militari ah si ay u afgembiyaan dowladdii u hoggaaminayay Al Nimeyri.


Sannad kaddib, Al Dahab waxaa uu awoodda ku wareejiyay dowladdii lasoo doortay uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Al Sadiiq Al Mahdi.


Saddex sanno kaddib, bishii June ee sannadkii 1989-kii, saraakiil militari uu madax u ahaa Cumar Al Bashiir ayaa afgembiyay dowladdii Al Mahdi.


30 sanno kaddib, Al Bashiir wuxuu sii hayay xilka, wuxuu la kulmay caqabadooyin dhowr ah.

Loading...
Loading...