Soomaalidii Hore Iyo Siday Odayada U Qadarin Jireen. Q1aad.

0
Sunday May 31, 2020 - 10:49:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidii Hore Iyo Siday Odayada U Qadarin Jireen. Q1aad.

    W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)  

Qadarinta waayeelku waa mid laga qadariyo meelo badan oo dunida kamid ah hadana soomalidii hore lamay mid ahayn marka loo eego hidaha ay mudada qarniyada ah kala dhaxlayeen.



Siyaabo kala duwan ayaa maamuuskaasi hideheenii hore ee soomaalida uga muuqan jiray waxaan ka mid ahaa:

·       Hadii shir la gudoonsado oo odayada reeraha geed hadhaca kusoo ururaan, xaajo xumaatay fardaaminteeda laysugu qayshado, odayga ugu da’a weyn ayaa hadalka furi jiray.

 

·       Hadii aan goobtaas ugaas joogin ama wadaad joogin odayga ugu da’da weyn ayaa ducayn jiray ama mid la mid ah.


·       Hadii meel shir lagu yahay odaygu kusoo beegmo fadhiga ayaa looga kici jiray meeshaasna kobta ugu wanaagsan ayaa laga fadhiisin jiray.


·       Hadii xoolaha la doono in lagu alle baryo, hilbaha neefka inta ugu wanaagsan ayaa odayada lagu maamuusi jiray, dhalinyarada iyo haweenkuna waxay soo reebaan ayaa ay ka dhursugi jireen.


·       Hadii raga qaar inta ay coloobaan si uun anafo u kala gaadho ase aanay Rabin inay xaajadu halkaas meel ka xun gaadho waxay odhan jireen odayada inoo geeya, markay iyagu wax kala yidhaahdaana way ku qanci jireen oo waa ay ku kala tegi jireen isagoo mid waliba ku laab qabow waxa odayadu go’aamiyeen.


·       Hadii deegaanada midood wax foolxumi ka dhacaan isla markaasna aan waxba laga qaban waxa ay iswaydiin jireen waar miyaan odayo Meesha joogin hadii markaa layidhaahdo awhebel iyo awhebel ayaa jooga waxa lagu odhan jiray  inta ay haaraamaan( habaaraan) kaasi odayna maahee nacab ama nacas ayuu midkood yahay.


·       Colaadu sebenka ay aloosan tahay Nin waliba Kama taliyee odayada oo qudha ayaa ka talin jiray iyagaana go’aamin jiray hadii la dagaal galayo iyo hadii la nabdaayo labadaba.


·       Gabdhaha lama bixin jirin hadii aan goobta lagu bixinayo odayada reerkoodu waxka joogin sidoo kale barbaarka isna gabadha looma meherin jirin hadii aanu odayadiisu joogin goobta gabadha lagu meherinaayo.


·        Odayada reeraha marka lala hadlaayo waxa loola hadli jiray hab maamuus iyo sharafi ku dhan tahay waxaana la taaban jiray garabka isagoo markaa la odhan jiray (aw hebel hadii ay waayeel dumar tahayna waxa lagu odhan jiray (ay heblaay tusaale ahaan aw axmed ama aw geedi iyo ay faay ama ay faadumooy i.w.m).

Intaas oo dhan oo aynu kor kusoo xusnay iyo qaar kale oo badan waxay inoo tilmaamayaan sida odayada loo qadarin jiray.

 

Hadii oday taag dareeyey oo socodka gabay ay ka daba yimaadaan dhalinyaro xoogaysatay oo markaa jooga xiligii ay ugu kartida badnaayeen oo markaas 20 gu ilaa 30 gu dhamaystay, markaas kusoo baxaan oday da’a ah oo aayar soconaaya kamay dheerayn jirine intay talaabadiisa mid la mid ah debin kula socdaan cabaar markay is waraystaan ayey ku odhan jireen awoowo dhul dheer baanu ku soconaaye jilibkayaga fur (macnihii waa aanu iska socono ee na fasax) kolkaas buu intu u duceeyo fasaxi jiray.

 

Soomalidii hore waxay odhan jireen odhaah murtiyeed aad u qiimo badan waxaanay ahayd (cirro ciso mudan, Gobi gudoon mudan, culimo duco mudan, garri xeerbeegti mudan, guurna hidde mudan) aan idiin sharxo waxa loola jeedo murtidaas:


·       CIRRO CISSO MUDDAN: waxa loola jeedaa in waayeelka da’ada ahi uu cidwalba oo kasta uu isagu ka mudan yahay xurmada iyo maamuuska.


·       GOBI GUDOON MUDAN: waxa loola jeedaa ugaaska, boqorka, suldaanka, malaaqa, beel daajiyahay iyo kuwa kale ee madax dhaqameedka ahi inay taladii laysku raaco gudoominteeda ay iyagu gar uleeyihiin.


·       CULIMO DUCO MUDAN: waxa loola jeedaa meelkasta oo layskugu yimaado in culimadu ay ducada leeyihiin.


·       GERI XEERBEEGTI MUDAN: waxa loola jeedaa odayada garyaqaanka ahi ay mudan yihiin inay bulshada ugar naqaan illeen iyagaa xeerka ubadiyee oo aad uyaqaane.


·       GUURNA HIDE MUDAN: waxa loola jeedaa in gabadha aad rabtid aad guursatid aad hiddo raacdo oo xag aabo iyo xag hooyaba aad iska eegto reerkooda iyo halka ay kasoo jeedo oo aad aad ugu dhabagasho.

 

Suugaanta soomalida marka aan dib umilicsano waxaan ka dhex heli karnaa in odayga madaxiisa ciradu wada saabatay ay ka xishoon jireen, waxaanay dhab u rumaysnaayeen somaalidii hore duqa muuqaalkaa leh in eebe weynaba ka xishoodo, sidoo kale waxkasta oo odaygu kaga dhago waa ugu fuqi jireen.


Dhalinyaro soomaliyeed ayaa jeer geel laga dhacay markiiba dagaal may oogsane ergo ayaa ay dirsadeen, ergadaana waxaa lagu daray gebyaa iyo Nin madaxiisa aan lagu ogayn tin madow oo madaxu wada cadaaday oo weliba aad loo yaqaan.


Markii ay reerihii geela ka qaaday dul yimaadeen oo ay si walba ula hadleen ayaa gabyaagoodii tiriyey gabay 16 wax oo in geela loogu soo celiyo ay mudan yihiin  ku sheegay, meel dhexe marka uu gabaygii marinaayo ayaa inta uu odaygii da’ada ahaa farta ku fiiqay ayuu yidhi:


·       Nin cirro leh cadaabkii waa lagala ceeshaaye

·       Rag cadaaday baa nagu jiree geela noogu cesha.


Markiiba geelii faraha ayaa laga saaray waxaanay ahayd qaab loo tixgaliyo odayga madaxiisa ciradu saabatay.

Sababa odayada loo maamuusi jiray waxa kamid ahaa (da’a iyo waayeelnimada, waalidnimada iyo waayo aragnimada.)


Gabyaa FAARAX XUSEEN SHARMAAKE la odhan jiray oo ahaa nin dhaliyaro ah oo ku caan baxay curinta maansada wanaagsan ee wada murtida ah, ayaa jeer ka cawday in isaga laga horaysiinayo odayaal uu markaa isagu iska hor waday oo uu is lahaa adigaa kuwaa ka horeeya markaas ayuu go’aansaday inu gabaygaba iska daayo kolba hadii aan isaga marqudha odayada laga horaysiin Karin waxaanu yidhi:


·       Gadh deeb nimuu yahay haduu doqon ku waynaado

·       Kol uu waalidnimadii dugsado waa la darajayne

·       Inaan wiil doqoniimo loo cisayn yaan iskaga daaya

 

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...