Xisbiga Wadajir oo cadeeyay Mowqifkooda Hadalkii RW Kheyre & doorashada 2020/21

0
Sunday May 31, 2020 - 10:44:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Wadajir oo cadeeyay Mowqifkooda Hadalkii RW Kheyre & doorashada 2020/21

    Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey go'aanka Ra'iisul wasaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey go'aanka Ra'iisul wasaaraha


Xisbiga Wadajir oo dalab xasaasi ah hordhigay KHAYRE, kadib go’aankiisii doorashada

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war cusub ka soo saaray hadalkii dhowaan ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ee ahaa in waqtigeeda ay ku dhici doonta doorashada 2020 illaa 2021-ka.

 

Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aadan qabsoomida doorashooyinkaasio oo isugu jira baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.

 

Sidoo kale xisbiga ayaa ka dalbaday Khayre inuu hadalkiisa u bedal ficil, isla markaana xukuumaddiisa ay qaado tallaabooyin lagu abuuri karo Jawi wada-hadal oo dhex mari karo madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale saamileyda siyaasadeed ee dalka.

 

Xisbiga Wadajit ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu dhiira-gelinayo fahamka Ra’iisul wasarae Kheyre ee mudnaantiisu tahay doorashada iyo muhiimada ay u leedahay xasiloonida dalka in afartii sano mar la qabto doorasho la isku raacsan yahay.

Ugu dambeyn xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo carqlad ku ah doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.




Loading...
Loading...