Duufaano Mudaharaado Ah Oo Ka Socda Gobolo Kala Duwan Oo Maraykanka Ah

0
Sunday May 31, 2020 - 08:48:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaano Mudaharaado Ah Oo Ka Socda Gobolo Kala Duwan Oo Maraykanka Ah

    "Ilaa 30 magaalo oo ka mid ah dalkaasi Mareykanka ayay mudaharaadyadu haatan ku faafeen."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaa 30 magaalo oo ka mid ah dalkaasi Mareykanka ayay mudaharaadyadu haatan ku faafeen."

Duufaanno dibadbaxayaala ayaa wali ka socda magaalooyin iyo gobollo kala duwan oo Maraykanka ku yaal , waxayna galeen maalintii Shanaad banaanbaxyadani ka dhashay dilkii Goerge Floyd, oo ahaa nin madaw oo askari caddaan ah si ulakaca u dilay.



Waxaa dhacay khasaare iyo bililiqo aad u farabadan, duqa Minayaabalis ayaa dalbaday ciidammada millateriga ee dalkaas, maadaama xaaladdu isasii tarayso.


Barasaabka ayaa sidoo kale sheegay in waxa haatan ka socda magalada Minneapolis ay xusuusiyeen Muqdisho iyo Baqdaad.


Ilaa 30 magaalo oo ka mid ah dalkaasi Mareykanka ayay mudaharaadyadu haatan ku faafeen.

Los angeles ayaa waxaa laga soo sheegayaa in gaawri ay booliska leeyihiin lagu gubay.


Halka Atlanta iyo Philadelphia iyagana lagaga dhawaaqay bandow si mudaaharaadyada rabshadaha wata loo xakameeyo.


Madaxweyne Donald Trump ayaa xaaladaan ka taagan Mareykanka ku eedeeyey kooxa isu abaabulay, dhac iyo bililiqo oo ay dabada ka riixayaan kooxaha ay siyaasaddoodu tahay bidixda fog.


Chauvin oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman.


Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd.


Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa si aan horay looga baran ku amartay ciidamada dalkaasi inay heegan galiyaan cutubyo ka tirsan booliska milateriga ah, si haddii loo baahdo ay gacanta ugu dhigaan xaaladda Minneapolis.


George Floyd, oo ahaa 46 sano jir ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay boolis caddaan ah oo luqunta jilibka kaga hayay Floyd.


Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah si ku celcelis ah ku leh "waan neefsan la'ahay"

 

BBC

 

Loading...
Loading...