Wasakhawga Hawada Iyo Qashinka Warshadaha
Waa in warshadaha laga dhex saara magaalooyinka dalka oo loo saara goob ku haboon oo waafaqasan fayadhowrka deegaanka
Dalka u dajisan
Sidoo kale waa in si wanaagsan loo basriyaa qashinka sunta ah
Ee kasoo baxa warshadahawaana in laga foogeeya deegaanka magaalooyinka si looga badbaado khatarta caafimaad ee ka iman karta
Waa in la kala saara intaan qashinka laga soo saarin goobaha magaalooyinka dalka noocyada qashin ee uu ka kooban yahay
Khtarta caafimaad daro ee ka iman karta walxaha la raaciyo qashin qaadista
Waa in aad looga taxadiraa in aan la raacin qashinka waxyaabaha qarxa ama irbadaha farmasiyada iyo cusbitaalada kasoo baxa sidoo kale daawooyinkasharaabka dhacay etc maadama ay goobtii qashinka qubka caasimada ay u dhawdahay dhismaha deegaanka caasimadataas oo si fudud ugu dhex jiraan caruur aad u yaryar oo guranaayakana raadinaaya waxyaabo ay ku daboolan baahida noolaleed ee haysata qoysaska ay kasoo jeedan waxyaabahaas oo khatar caafimaad daro ku keeni noolashooda
Waxaad arkaysaa gadiid qashin sida oo qashinkii uu ka daadanayo hareeraha dhaliisha waxa ka masuul ah dawlada hoose ee caasimada
Waxa aan marna la hilmaami karayn wadooyinka xidhan ee caasimada qashinkabuux dhaafiyey wadooyinka burburay waqtiga xili roobaadka iyo foolxumada ku gadaamanquruxdii ay lahayd caasimada hargeisa waxa u fiican in moyarka caasimada hargeisa uu si dhaqso ah uu isku casilo si bulshada ku nool hargeisa ay soo doortaan aqoonyahanmasuul ah oo buuxin kara xilka moyarnimada caasimada hargeisa
Moyarka caasimada hargeisa oo ku fashilmay qorshaha nadaafada caasimada iyo shirkadaha oo kula jira dawlada hoose heshiis qarsoodi ah oo aan ahayn waxqabad muuqda
Dumsites ceespoll goobaha qashin qubka qashinka bulaacadaha oo ay dhaaftay qorshahii magaalooyinka dhiska iyo deeganka godadkii loogu talo galay oo buuxsamay hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo dul hoganaysa maamulada dawlada hoose ma jiro qorshe waxqabad iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas
Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman kartaoo u baahan in la darso
Xogta heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo fahan aqoon la anta dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership ee maraaynta qashinka shirkadaha iyo dawlada hoose
2005 ayey ahayd markii mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fogmagaalada
Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer qashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka
Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin ee jidadka caasimada in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurinmeel aan loogu talo galin
Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi waydashaqadeeda in maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadashoshirkado buuxinaya qodobada heeshiisku dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamuladashirkadaha
Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista qashinka
Ma jirto horumar xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku halayn karayn badbaado iyo km socod
Gadiidkas oo u badan gawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka
Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn shaqada qashinka ururinya ma jirto toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeenqashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta
Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas
Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalkawaxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu dhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka
Qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababacaafimaad daro iyo dhimasho xoogan
Foostooyinka suntan warshadaha laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabisama dhiska guryaha loo isticmaalayofahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo
Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka
Waxaad aragtaan qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraanshaqooyinkoodi gaarka oo subaxnimoma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha
Waxa meesha ka baxday wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada ma jirto wacyi galinfayadhawr ee shacbiga
Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la soconwaqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan
Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadkacaasimada iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadoodagaarka ah
WQ: Dr Buux
Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
0634130821
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!