Halkan maanta waxa ku duugan xujo weyn Waxa kale oo ku duugan Cashar lama ilaabaana....W/Q Nuuradiin Diini

0
Saturday May 30, 2020 - 21:04:36 in Articles by
  • Visits: 1129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan maanta waxa ku duugan xujo weyn Waxa kale oo ku duugan Cashar lama ilaabaana....W/Q Nuuradiin Diini

    Halkan maanta waxa ku duugan xujo weyn Waxa kale oo ku duugan Cashar lama ilaabaana....W/Q Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan maanta waxa ku duugan xujo weyn Waxa kale oo ku duugan Cashar lama ilaabaana....W/Q Nuuradiin Diini



XUJADU; waxa ay ku socotaa kooxdii #Baaq_shacan haddii ay run iyo daacad idinka tahay maanta waxa u baahan in loo gurmado oo loo hiiliyo Cabdilaahi Shiine, oo ah halgamayaashii SNM Shiine waa taliyihii Ururkii 3aad ee guutadaa Sayid Cumar. Waxa madaxa kaga ducday Xabad sababtay in uu ka guuro Dhadhanku Macaan iyo Qadhaadh kuu yahayba, waxa kale oo dhaawacaasi sababay in uu naafo u noqdo, siduu sheegayna maskaxdu wey qubatay oo tii alle ayuu ku dawoobay waana Aabo dhalay 12 Caruura manuu shaqayn muddo 15sanno ah ama ka badan.

Image may contain: 1 person, sitting


Haddaba waxa uu degan yahay C/laahi Shiine, Dhakhtarka weyn ee hargaysa dabadiisa waqooyi halkaasi oo uu kaga jiro Cooshado yaryar. Dhawaan Dawladu waxa ay u keentay waraaqo la lee yahay ka guura oo lagu raraayo, waa muddo hadda laga joogo ilaa 3bilood. Si aan u hubiyo waxa aan wacay tellefoonkii Cabdilaahi waxaana iga qabatay xaaskiisii waxay igu tidhi sidan; "warqadaa raritaanka waxaa naloo keenay karoonaha ka hor, waxaana nalagu yidhi waxa laydin gaynayaa Sheekh Cumar. Bartii uu ka soo galay odaygu hargaysa habeenkii la xoraynaayay, waa miyigaa magaalada u muuqda kalay waa naloo iman ee hadda waxa naga xanibay karoonaha, waxaana naloodaadinayaa mid lacag haysta uun odayguna markii aan u sheegay wuxuu yidhi maydkayga uun halaga qaado ".


Haddaba bari waa 31may waana guda galkii hargaysa, haddii ay runtood tahay kooxdii baaq shacab ma u gurman karaan ninkaa halgamaagaa, bukaankaa, dhaawacaa, iska daa wax kal'ee too ma booqan karaan. Diyaar baanu u nahay in aanu raacnee oo ku dhacaas iyo raganimadaa maleeyihiin mise ujeedo badan bay ahayd halkaa waa lagu kala baxi.


Hadda ogow oo guryahaa iyo dhulkaa dawlada ee ninkaa halgamaagaa laga raraayo, kuwo ka fiican oo Dawladu leedahay waxa ku jira wasiiro qalin ku xaday oo masuuliyadii ay Umadda u hayeen uga faa'idaystay.


FG MARAYNKAN WAXA LOO MUDAHARAADAYAA NIN DHINTAY mid nool oo dirqi ku noo maxaynu tari karnaa waa su'aal?


CIBAARO; Cibaarada ku jirtaa waxa weeyi halgamaa Cabdilaahi Shiine, in maanta halkii uu daganaa oo badhtamaha hargaysa ah intoo laga raro lagaynaayo halkii uu ka soo galay isaga oo hoggaaminaaya 120 askari caawa oo kale 31may 1988. Isaga oo buka, bilaa hooy ah, Aabo 12caruura dhalay ah.


Ku darsoo duruuftuu doono haku noolaadee halkan hadda uu degan yahay wuxuu ku dhexjiraa Bulshadii oo wuu la qaybsanayaa, dhib iyo dheefba. Se haddii sheekh Cumar la geeyo, wuxuu waayayaa dhamaan adeegii oo dhan.


Tusaale Dr Gaboose waxa uu si bilaasha ku siiyaa dawada neerfaha. Markuu sheekh Cumar tago halkuu ka soo doonan.

Bal daawo fiidyowgan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...