Xogta Waalidka Ee Dagaalkii Hargeysa (31 May 1988) + Xasuusta Barakacii Aanu Galnay. W/Q MujaahidSiciid Maxamuud Gahayr.

0
Saturday May 30, 2020 - 20:52:17 in Articles by
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta Waalidka Ee Dagaalkii Hargeysa (31 May 1988) + Xasuusta Barakacii Aanu Galnay. W/Q MujaahidSiciid Maxamuud Gahayr.

    Xogta Waalidka Ee Dagaalkii Hargeysa (31 May 1988) + Xasuusta Barakacii Aanu Galnay. W/Q MujaahidSiciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogta Waalidka Ee Dagaalkii Hargeysa (31 May 1988) + Xasuusta Barakacii Aanu Galnay. W/Q MujaahidSiciid Maxamuud Gahayr.


31kii Mey 1988kii waxa Hargeysa si fool-ka-fool ah u soo galay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNMM. Run ahaan markaas ma xasuusto, waayo da’dayduba waa ay koobnayd’. Xasuustayda waxa ugu horraysa aniga oo miyi jooga, isla markaana aanu gurmad iyo dib-u-dejin ka helnay awowgay hooyo Marxuun Cabdi Cilmi Shide. Waa sax haddii aan wakhtiga xasuustaydu la kowsato aan ku qiyaaso 1989kii. Muuqaalladaasi weli maskaxdayda way ku jiraan.

Image may contain: 2 people, text that says '2001(Sahan Photo 1997 (Sawaaxili Photo)'


Aniga oo kaashanaya warbixinta aan waalidkay ka helay waxa aan faalladan ku xusi doonaa sidii ay wax u dhaceen, hannaankii aanu Hargeysa uga baxnay, deegaannada Xaabaale iyo Gahaydh-weyne oo aanu ku nasannay iyo ugu dambayntii Kaam Abokor oo aanu degnay 1989kii illaa 1997kii.


Hugunka iyo hanqadhka rasaas ay nacabka iyo nasteexa naf-hurka ahi is-weydaarsanayeen ayaa 31kii Mey, 1988kii nagu hadheeyay Hargeysa, waxa nagaga sii darnaa duqaynta aan loo aabbo-yeelin ee ay diyaaraduhu isla maalmahaas sida darandoorriga ah ugu garaacayeen maatidii geyiga. Waanu sigannay, oo qaar ka mid ah falliidhadii la ganayay ayaa dacal illaa dacal uga baxay gurigii aannu deggenayn.


Baadhistii arxan-darrada ahayd ee guryaha ayaa noo dheerayd, si hannaanka maamul ka baxsan ayay dharaarahaas ciidamadii cadawgu u soo galeen hoygayagii iyagoo u socday bililiqo iyo inay xoog ku kaxaystaan moodhar guriga noo yaallay, laakiin furihii ayaa la waayay aakhirkiina waa ay gubeen. Hadhaaga gaadhigaasi waxa uu na ag yaallay illaa 2001da. Xaajiyad DATSUN ah bay ahayd.


Dhallinyarada ragga ah ee aqalka jooga waa la qarin jiray, waayo waxa laga cabsi qabay in la dilo. Askartii milatariga anfariir iyo naxdin ayaa la deristay markii ay mujaahidiintu weerar geesinnimo ah ciidda hooyo ugu hiiliyeen. Warka aannu ku haynay xasuuqa loo geystay waxgaradkii magaalada.


Muddo nalagu xeernaa kaddib waxa noo suurtogashay inaannu u baxno dhanka bari ee Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan buuraha Naasa-hablood. Halkaas waxa qoyskayga ugu yimi Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ay dawladdii Soomaaliya u oggolaatay inuu la baxo maatida, waxa uu na raaciyay toban nin oo noo hoggaamiyay xagga biyo-xidhka, bartaas oo aannu uga sii gudubnay tuulada Sharmaarke oo ku taalla Koonfur-bari Hargeysa.


Waa aan garanayaa in aan ku jirnay xaalad qax iyo qalalaase ah. Wixii aanu hu’ iyo hanti lahaynba waa aanu ka bara-kacnay. Intii aannaan Kaam Abokor gaadhin, annaga oo Xaabaale iyo Gahaydh-weyne midkood joogna ayaan ambaday aniga oo xidhan kurdad ay leedahay walaashay. Haa..Surwaal, garan iyo shaadh midna ma aannaan sidan. Waxa aan raacay dabayshii, kaddibna waxa aan ku soo baxay gabadh adhi jir ah oo da’ ahaan iga roonayd.


In aan lab iyo dheddig ahay ayay kala garan weyday. Haa, maradii ayay iga feydday kaddibna ragannimadii ayaa muuqatay. Aniga oo halkii taagan ayay hooyaday iyo dad kale oo baadi-doon ahaa ii yimaaddeen. Halkii ayaan qoyskii kula midoobay, qaddarka aan maqnaanana ma badnayn.


Dadka waxa ku gedaannaa dareen lagu diiddanaa maamulkii talada maroor-saday, waxa halkaas soo mari jiray askar firxa aha oo u shaqayn jiray keli-taliskii kadeedka horseeday, marka la qabto waxa laga qaadi jiray qoryaha qofka diidana mudankiisa ayaa la marin jiray.


Soo-dhawayn aan mahad-naqeeda la koobi karin waxa aannu ka helnay eheladii reer guuraaga ahayd ee deggenayd dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gacan sokeeyennimo u fidin jiray barakacayaashii jiiddaas u qaxay.


Xilligaasi waa dharaarihii lagu heesi jiray:
Wuu dhacay Siyaad
Siilaanyo dhalay
Sida dhibica roob
Soo dhigay Isaaq


Xusuusaha ugu mudan ee Kaam Abokor waxa ka mid ahaa inuu nagu soo maray Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii SNM ahna madaxweynihii koowaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali "Tuur” oo socdaallo ku kala bixiyay Balliyalay, Dulcad, Hartasheekha, Rabaso, Darroor, Kaam Abokor iyo meelo kale, halkaas oo deeq loogu fidiyay halgankii socday taas oo u badnayd raashin. Mar haddii aan taas joogay, saw sax maaha in aan ka mid noqdo liiska qaadhaan-bixiyeyaashii SNM ama mujaahidiintii halganka taageertay?


Caawimadani waa tii lagu xoreeyay waddanka ee sahay iyo hab kale ahaanba loo adeegsaday.Maadaama oo uu hubki shacabka gacanta u galay xilliyada qaar waxa dhici jiray jidgooyo iyo dhuljiif hadimeeya dadka deegganadaas ku cusub, noloshu waa ay adkayd. Xilliyada qaar waxa dillaacay xanuunka loo yaqaanno cagaarshaw (joonis) oo sahayday nolosha dad badan oo qaxoontiyada ku sugnaa, waxaas oo dhib ahna waxa lagu samrayay in heeryadii macangagga laga dhiidhiyay.


Waxa lagu ducaysan jiray:
Allaha Dulcad iyo Darroor na badow
Allaha daarii dab naga geliyow
Adaa Daayinee dib noo celi.


Xusuus: Waa sawirradii aan ku galay fasalka afraad ee dugsiga hoose 1997 iyo fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe sannadihi 2001. Labada imtixaanba waxa naga qaadday Wasaaradda Waxbarashada.. Midkood oo midigta xigaa waa sawirkii kowaad ee aan noloshayda galo!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...