Wax Is Waydiine Ma Xumee Wax Iswaydaaris Baadaran!
1. Dal madax banaan oo dawlad leh
2. Dal dawlad aaney ka
jirin (Madax dhaqameed leh)
Hadii aan arinta mahan ka hadlo waxay u baahneysaa in sharaxaad ka bixino
farqiga u dhaxeeya labdan arimood iyo waxay wadaagan ugu horeyntii waxaa si
fiican u baahan in ay nu u fahano dawladi maxay tahay?
1. Dawlad(government) waa nidaamka ama habka koox dad ahi u hagto(hogaamiso) bulshada(community) taas oo inta badan loo yaqano gobole(state), golaha ay lee yihiin ee maamulana dawlada waxay sida caadiga ka kooban yihiin haydada sharci dejinta (legislature), Fulinta (executive iyo Garsoorka ( and judiciary).
2. Madax
dhaqameed (Traditional leaders), waa hogaamiyaal bulsho qaybeedyo oo dhinaca
dhaqanka iyo caadooyinka bulshooyinkasi ay hogaaminayaan door ku leh.
Hadaba hadii aynu u soo noqono Somaliland iyo
labadan qaybood ee ka jira waxaa loo baahan yahay in la kala garto doorkooda,
iyo shaqooyinka ay kala lee yihiin hadii si fiican loo kala fahmi waayo waxaa
jahawareer ku dhacayaa maamulka iyo nidaamka dalka,taasina waxay horseedi
doontaa mashaqo aan laga soo waaqsan Karin oo ku timaata dawladnimada iyo
qaranimada Somaliland.
waxay jira xeer cilmiga fisigiska ah oo qaba in
laba shey aaney hal mar meel isku mida wada gelikarin(two matters can’t occupy the same space).
Taas waxaa aan ula jeedaa in aaney suurto gal
ahayn in Dawlada iyo Madaxdhaqameelku wada buuxiyaan shaqada laga rabo
dawlada,sideedaba laba dawladood hal dal ma wada maamulaan waxaa taas ula
jeedaa waxaad runtii aad moodaa Somaliland iney ka jiraan awood maroori aan
sharci ahayn oo aad moodo in ay sii daciifeyso maamul wanaagii iyo shaqadii la
kala lahaa ee loo xilsaarnaa waxaad moodaa in aqoonta iyo karida shaqaalaha
dawladu aaney kobcin ilaa intii ay Somaliland jirtey.
Madax dhaqameed ku waxay hayadaha dawlada ku
haystaan shaqadoodii, hayadaha dawloduna waxaaney garaneynin doorkoodii shaqo
iyo waxay u xilsaaran yihiin.
Dawlada waxaa la gudboon in ay xakameyso
sharcina laga soo saaro warsaxaafadeedyada aflagaada,iyo anshax xumida leh ee
aan waafaqsaneyn nidaamka iyo shuruucda dalka nabadana qaribaya.Waa in
shaqaalaha dawlada kor loo qaadaa aqoontooda sidoo kale madax dhaqameedada waa
in shuruuc lagu maamulo loo sameeyaa oo qeexaya kaalintooda,waxay u xilsaaran
yihiin waana loo qabtaa aqoon isweydaasi iyo waxbarasho koobkooban oo la
xidhiidha dhaqanka wanaagsan iyo doorkooda bulsho.Madaxweynaha waa in lagula
xisaabtamaa shaqadiisa oo keliya balse madaxweynuhu ma aha mid shaqo kasta u
xilsaaran tusaale ma aha Caaqil reer,Ma aha Garsoore maxkamadeed,ma aha police
officer,ma aha Duqa magaalo,ma aha gudoomiyaha shaqo bixinta,ma aha wasiirka
arimaha gudaha iwm laakiin shaqadiisa uu qaranka u hayo ayuu fulinayaa.Sidaa
darteed hadii ninkii ganacsigiisa arimaho la xidhiidha dad isku qabtaan waxay u
taalaa haydaha shaqada ku leh waana gardaro in meel kale loola kaco. Waxaad
arkeysaa haweenay meel ay ka shaqeyn jirtey oo xafiisyo ay xaaqi jirtey
shaqadii laga ereyey oo saxaafada soo fadhisaneysa oo madaxweynaha kala
hadleysaa arintaasi shaqadiisa ma aha hayado u xilsaaran baa jira oo miisaneyd
lagu siiyo shaqadaasi kuwaasi markey waxba qaban waayaan qofku meel kale ha u
cawdo,balse in arimo aan mudneyn wakhtiga shaqada mudan lagu hakiyo ma aha
waxaynu u baahan nahay in aynu laba mid uun noqono,Dawlad nidaamka dalka looga
dambeeyo oo lagula xisaabtamo iyo dad aan dawladnimo rabin oo madax dhaqameedku
u taliyaan gartana sidii ay ahaan jirtey geedka hoostiisa lagu qaado oo beeluhu
wada xaalan labaadsi wixii ka dhexeeyaa idinka ayaa sheegin!
Mahadsanidin
M J Farah
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!