Theodore Roosevelt (1858-1919) Waa madaxweynihi 26-aad ee Mareykanka.
Ilaa yaraantiisi wuxuu lahaa himilo weyn iyo han sare oo uu ku doonayay inuu qabto jagada dalka ugu sarrayso. Laakiin mu’aammarad loogu dhigay in laga rido tareenka lagu gaaro kursigaas ayaa sabab u noqotay inuu noqdo madexweynihi ugu da’da yaraa ee Mareykanka. Sidee?
Taariikh qurux badan oo casharro leh ayay leedahay noloshiisi hore balse aan ka qabto halka aan u socdo. Roosevelt wuxuu ahaa nin karmeed, waxtar badan, daacad u ah shaqadiisa dalkiisana wax walba ka hor mariyo.
waxaa loo doortay gudoomiyaha gobolka New York sannadkii 1898-kii. In yar hadduu joogayba wuxuu ogaaday in musuq dilooday nidaamka ganacsiga ee gobalka. Qandaraasyada waxaa la siiyaa shirkado gaar ah kuwaas oo dhinac ka qaato wixii dowladdu bixinayso dhinaca kalana aan wax canshuur ah laga qaadin.
Shirkadahaas waxay ku xirnaayeen xisbiga Republican oo Roosevelt ka tirsanaa sida ay haddaba yihiin. Naas-nuujinta waxay ku baddalaan inay taageeraan musharrixiinta xisbiga. Shirkadaha qaar waxaaba lahaa ama qayb ku lahaa madaxda qaar ka mid ah. iyadoo Qaar madaxda ah ay qandaraasyada la soo qaado qayb ka ruqsan jireen.
Roosevelt wuxuu damcay inuu wax ka baddalo. Biil lagu canshuurayo shirkadaha oo la hor keenay golaha ayuu taageeray isagoo looga digay. Shirkadihi dalka oo arrinta ka caraysan ayaa dhaqaalihi dalka qalqal galiyay. Habeen madow ayaa suuqi qal qal ku dhacay.
Jiq markay noqotay wada hadal iyo biilki oo la qafiiyay ayaa lagu xalliyay arrimihi taagnaa. Laakiin Roosevelt wali waa taagan yahay. Mar kale inuu soo noqdo ayuu rabaa. Hadda waa caan baxay oo dalkoo dhan laga jeclaaday.
Haddii mar kale la soo doorto qawlaysato badan ayaa carrab-dhaq waayi. Maxaa xal ah? Xisbigi ayay ku dhaheen ninkaan haddaad soo sharaxdaan taageero idin siin mayno.
Laakiin ninkaan lagama maarmo. Haddii sidaan lagu tuuro wax badan ayaa xisbiga ka hallaabi oo dadka ku kici ee qorshe kale la imaada ayuu xisbigi ku jawaabay.
Shirkadihi waa u fakereen. Allahayhe xal waa kan. Waxaa loo dhiibi xil maqaam sare ah laakiin maqaar-saar ah. Waxaa loo sharrixi madaxweyne ku xigeen. Tan waxay keeni dhinac in laga fogeeyo New York iyo arrimaha ganacsiga, dhinaca kalana in xisbigu taageero helo maaddaama nin culus madaxweyne ku xigeen loo is taajiyay.
Waa isla qaatay. Laakiin Roosevelt xilkaas waa u cuntami waayay. Wuxuu ahaa xil loo aqoonsaday qabriga hanka siyaasadda. Qofki qabto saamayn kuma laha siyaasadda dalka. Sidoo kale muddo 60 sano ah lama arag madaxweyne ku xigeen madaxweyne u dallacay.
Hasa yeeshee jid kale uma furnayn. Inuu aqbalo ama in loo aqoonsado nin isla weyn oo aan dalkiisa daacad u ahayn oo sidaas uu siyaasadda uga dhaco.
Doorashadi lagu guulaysay. Hadda Waa madaxweyne ku xigeen. "Mucaaradkiisi waa dabbaal dageen. Ugu yaraan waxay ku hubsadeen halki ay la rabeen” Jacob Riis, qoraagi caanka ahaa ee ree New York, ayaa sidaas qoray.
Waa kan camal la’aanta noqday. Waaba isaga is nacay oo caajiska iyo camal la’aanta istarees ka qaaday. Wuxuuba hamiyay inta waxa dhan ba isaga tago inuu ku laabto qareennimadiisi. Gabi ahaanba wuxuu ka quustay inuu mar un noqon doono madaxweyne.
Musiibadi dhacdaba qof bay dantiisa tahaye, 6/9/1901 mid inkaar qabo waa kan shirqool ku khaarajiyay madaxweynihi dalka William McKinley. Sidaas ayuu xilki kula wareegay Roosevelt oo 42 jir ah.
8 sano ee raacday ayuu hoggaan qurux badan la yimi is baddallo badanna meel mariyay. Dhagarti lagu doonay in siyaasadda looga saaro ayaa isaga faraj u noqotay uu ku gaaray halkuu rabay.
Walaal ogsoonow in qowlaysatada ku xiran madaxda sare iyo dalalka kale ee dalka iska dhuuqo ay tahay caado soo jireen ah. Ogow inay dunidu, sida maanta dalkeenna yahay xagga musuqu, soo wada martay kana gudubtay, qaarna jidki hayaan.
Ogsoonow in kuwa isbaarada u dhigto horumarka iyagoo ilaashanayo danahooda dhaqaale meel walba ka jiraan xilliyo horana jireen.
Yaysan ku niyad jabin siyaasiyiinta danlayda ah iyo shirkadaha dhiig-miiratada ah ee dalkeenna qabsaday. Tabtaas ayuu Mareykan ahaa ilaa uu helay rag Roosevelt oo kala ah oo si tartartiib ah dib u habayn u sameeyay, innaguna waa nagu jiraan kuwaa oo kale fursad ayayna heli doonaan maalin Eebbe idankii.
Ugu dambayn iimaanso wuxuu Eebbe kuu qoray. Si walba oo ay kuugu muuqato in jidki kaa soo xirmay, ha quusan waayo waxaa laga yaabaa waxa halkaan laguu keenay inay tahay sidaad riyadaada ugu gaari lahayd wadiiqo ka sahlan middaad adigu rabtay sida Roosevelt.
Qalinkii: Ibrahim Aden Shire
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!