War Degdeg ah: Roob Dhimasho Sababay Oo Caawa Ka Da'ay Hargaysa
			Roob Dhimasho Sababay Oo Caawa Ka Da'ay Hargaysa                        
    
        
    
    
              
  
Hargeysa(HWN):- Alle Ha U Naxariistee Laba Ruux oo Rag ah ayaa ku dhintay gaadhi ay wateen kadib markii uu Qaaday dooxa wayn ee Magaalada Hargeisa.
            
		
Gaadhigan oo noociisu ahaa Zuzuki isla markaasina ahaa gaadhi Hay’addeed ayaa biyaha daadku ku reebeen goob ku beegan Xerada soodaanta ee Magaalada Hargeisa oo kutaala Bariga Magaalada waxaana loogu tagay gudaha gaadhiga iyaga oo naf baxay xili daadku aad u xooganyahay.
		
Maydka labada ruux ayay ciidanka dabdamiska oo garab ka helaya dadka shacabka ahi ka soo saareen gaadhiga.
		
sidoo kale Xadhkaha Korontada laydhka qaada oo dhulka kusoodhacay ayaa Sababay dhimashaddaHaweenay Wadada ka Talaabeysey
		
Hadhwanaagnews
Hargeysa/office
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





