Madax Dhaqameed Kulan Isla Xisaabtan Ah La Qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi

0
Thursday April 11, 2019 - 15:21:50 in News by
  • Visits: 4769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Dhaqameed Kulan Isla Xisaabtan Ah La Qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi

    Madax Dhaqameed Kulan Isla Xisaabtan Ah La Qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax Dhaqameed Kulan Isla Xisaabtan Ah La Qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):_Wefti Madax-dhaqameed ka soo kicitimay Bariga Sanaag oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaana soo dhaweynta weftiga ka qayb qaadanayey Wasiirro,Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo xubno kale oo ka tirsan Xuukuumadda Madaxeyne Biixi. 

Image result for muuse biixi


Ujeedadooda ayaa sidoo kale lagu sheegay isla xisaabtan iyo dadaallo bulshadani qaybtooda kaga ahaanayso Somaliland.


Ugu Horeyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Caddaaladda Somaliland waxaanu sheegay "Weftigu waxay ka yimaadeen laba gobol; waa gobolka Sanaag oo qayb kamid ahi ay Ceerigaabo kasoo kicitintay iyo gobolka Badhan oo qayb kamid ahi ilaa Ceelaayo ilaa Dhahar ayey ka soo kaceen waa dhulka xadku maro iyo meelaha u dhow, waxaan u malaynayaa in hawlihii xadkuna inay iska soo dhammaadeen .”Ayuu yidhi Wasiir Cabdirasaaq.


Dhanka kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan oo isagu weftiga madax-dhaqameedka hoggaaminayey ayaa sheegay oo ka waramay ujeedada socdaalkooda Hargeysa " Waxaan rajaynayaa nabadaa iyo wanaagaa iyo badhaadhahaa iyo khayrkaa gobolka yaala xoojintisii in aanu u socono,”ayuu yidhi Suldaanku


Geesta kalene weftigan Madax-dhaqameedka ah ee kasoo kicitimay Bariga Sanaag ayaa la filayaa inay Madaxweyne Biixi kulan wada yeeshaa, kaasi oo ay ku wehelin doonaan xubnaha beesha Bariga Sanaag kaga jira Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo iyo xildhibaanada labada aqal

Loading...
Loading...