NASIIB-LAAWE W/Q: Cabdikariin Shardi

0
Friday May 29, 2020 - 19:27:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASIIB-LAAWE W/Q: Cabdikariin Shardi

    Ma'aqaan sabab aan markaa u dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma'aqaan sabab aan markaa u dhashay



Waxa aan ahay dhawr iyo toban jir ku dhashay kuna garaadsaday qax, qaxooti, qarax iyo dhib. Jeer iyo yaraanteyda waxa aan jaar la ahaa dhib aan dhammaan iyo dheef aan kordhin. Marki aan dhalanayay waxaa dalka si kumeel-gaar ah kaga talinayay madaxwayne Jabuuti lagu soo doortay. Durbadiiba waxaa majaha qabtay shisheeye iyo shisheeyey-layaal aan danta iyo dadka Soomaliyeed u turrayn. Filla waddada Tarabuunka saaran buu iska fadhiistay oo halkaas si maqaar saar ah madaxwayne kaga ahaa. Afarta jiho waxaa ka jiray mooryaan kooxeed u garba duuban dibin daabyada dowladda Soomaaliyeed. Mid walbana waxa ay la ahayd in sida suurtagalka ah ee uu talada dalka ku qaban karo ay tahay qori-caaraddii. Kooxo jiho-diid ah oo aan jiif iyo joog rabin bay ahaayeen, laakiin awood iyo taageero xooggan bay ku lahayeen talada dalka. Taabacsanayaal aan hadalkood war kasoo celin bay u adeegsan jireen danahooda gurracan. Dalalka dariska ayaa usoo hubayn jiray oo hubka ay dadkooda ku dilayaan usoo dhiibi jiray. Waxa ay ahayd xilli qoraygu faan yahay qallinkuna ceeb yahay. Xilli ay xaajadu u tosaysay kaliya qofka qoragya leh. Xiili qoysnimadu ka sarreyso qaranimada. Dowladnimaduna wax lagu maadsado ay ahayd. Waxa ay ahayd xilli lagu diimay feker toosan iyo caqiiddo suubban oo dalka lagu hago.

 

Ma'aqaan sabab aan markaa u dhashay. Haddii lay kala dooran siin lahaa xilligaas waan iska diidi lahaa. Ma ogoladeen in aan ku dhex dhasho kuna garaadsado dadkaan is cunaya. Xataa waxkale haddii aan waayo uurka hooyadeey baan isaga jiri lahaa. Haddii kalena, saqiirnimada baan isku marjin lahaa ama naaska hooyadeey baan diidi lahaa, si aan baahi ugu go'o. Adigu si aan noloshaan ugu barbaarin baan samayn lahaa. Laakiin maan ogayn. Waxba kalama aan socon. Ubad aan waxba garan baan ahaa. Saqiir laga inkaarsaday baan ahaa. Qaxa markii aan dhashay aan la kowsaday baa ilaa iyo hadda qabyo ii ah. Dhiilo ku nool dhawaaqa qaraxa iyo xabbadda sugo baan ahay. Waxa aan moodayay in dadka oo idil sidaan yahay. In dunidu sidaan u dayacan tahay. In dugaagnimadu dadka oo idil nala qabaan. Ma modeen in aan keligeen qaabdarannahay. Ma modeen in aan annaga lee garasho liidanno. Ma modeen in dunidaan dharagta lal daacanayo aan gaajo ugu dhiman doonno. Ma modeen in wadamo shisheeye gogol nooluga dhigo doono, oo kolka ay rabaan na maslaxa kolka kalena na isku keen dira. Waxa aan ku koray duni musuqa, caddaalad darada, eexda, kufsiga iyo dilkaba caadi ka yahay. Waxaa marba marka ka dambaysay dowlad ii ahaa xukuumado dhaca iyo boobka caadeystay. Xukuumado ay majaraha u hayaan danaystayaal ka fekera dantooda in ka badan danta dadka kale. Madaxdayda waxa ay ahayeen barayaashayga musuqa, maal-aruursiga, kursi jacaylka, siyaasad-ka-taajirka iyo u turid la'aanta maatida.

 

Waxa aan ka dhashay bulsho aan lahayn wax ay ku midaysan yihiin iyo mabda' ay isku wada raacsan yihiin oo uusan qofna shaki iyo tashuush ku furi karin. Waa bulsho si fudud shaki loo gellin karo, dalkooda. Diintooda. Isirkooda. Cadawgooda. Saaxiibkooda. Rabbigooda. Qarannimadooda iyo wax walba oo ay leeyihiin. Waxa aan muddo is weydiinayay wax ay Soomaalida oo idil isku wada raacsan tahay oo lama taabtaan ka ah xagooda, nasiibxumase waan waayay! Mabda' walba oo aad la timaado, ha samaado ama sillonadee waan hubaa ilaa iyo xad waad dhaqan gellin kartaa, mana jirto hal dhinac oo aan Soomaalida laga soo mari karin. Darbi aan looga soo dusi karin iyo dhan aan laga soo mari karin maleh!

 

Waxa aan ku garaadsaday adduunka caafimaadkiisa liito, bukaanka oo sariirta saaran lagu dul gorgortamo, hadduu doonana inta heshiiska socda uu geeriyoodo. Dhaqaatiir naxariis daran oo ka fekera sida ay maal ku abuuri lahayeen ayaga oo aan aqoon badan u lahayn hawsha ay hayaan, haddana qarash xadka ka baxsan ka qaada bulshada dhanka walba ka dhiban. Ma helin waxbarashada aan u bahnaa. Waxa aan helay waxbarasho aad u liidata oo aan u qalmin daruuftayda. Balle, ayaduna waxa ugu badan ee laga radiyaa waa LACAG! Weliba si billaa sariigasho iyo xikmad ah baa looga abuuraa. Goobaha waxbrashadana waxaa dadka ku salduleeya doqomo aan dareen naxa iyo jir dibaxyooda lahayn, una soo qalab qaata si ay hanti fara badan kaga abuuri lahayeen bulshadaan xag walba ka dayac daran. Jeer iyo yaranteyda waxa aan arkayay canshuur lasii wado oo aan weli arag wax u qalma oo lagu qabto. Madaxdayda waxa ay xilka qabtaan ayaga oo gorofka lulaya cayr fara maranna ah, haddana waxa ay xilka ka degaan ayaga oo jeebka buuxo magaalooyinka caalamka ugu waawayn bayna fooqyo dhaadheer ka dhistaan, waa yaabe halkeed ka dhurteen? MALAHA WAA CANSHUURTI!

 

Ganacsatadayda waa dhiigmiirato dadka ku sanduleeya qutul-yoomka aysan nafta aadmiga ka maarmayn. Xilliyada duruufaha adag ay jiraan bay aad ugu fa'idaystaan, ayaga oo aan wax naxariis iyo damqasho ah u muujinayn bulshdaan soddonka sano sakaraadka ah. Waxa ay dalka soo galiyaan daawooyin iyo cunto dhacday oo halis ku ah nafta aadimiga, ayaga oo aan u aabbe yeleynin caafimaadka bulshda. Sidoo kale khudaarta dalka laga beero ayay dibadda kasoo dhoofiyaan ayaga oo ku xasdaya beeralayda dalka. Askarteydu waa mooryaan dadka waddooyinka ku furta. Badankooda waxa ay ka soo mid noqdeen jabhadihii iyo hoggaamiye koxeedyadii sida ba'an u xasuuqay shacabka. Marka si qoto dheer lo baarana, in badan oo kamid ah waxa ay horay usoo dileen dad farabadan. Waxa ay qoragya usidaan reerahooda, marka ay reer kale is qabtaan ayayna ugu adegaan. Wadaadadayda waxaa ka dhaxayso cadawtooso sal ballaaran, baraha bulshada ku kulanto iyo warbaahinta ayayna isaga hanjabaan, ayaga oo mid midka kale ku tilmaamo gaal dhiiggiisu xalaal yahay. Dalkayga gobol-gobol buu u kala go'an yahay, maamullo gacan ku-rimis ah ayaana afarta jaho laga abuuray. Mid walbana waxa uu saaxiib la yahay dal gaara oo uu danahiisa kaga fuliyo dalka. Waa kaadiriin iyo kaba-qaad shisheeye. Amarka laga fuliyo magaalooyinka Muqdisho. Hargeysa. Kismaayo. Garoowe. Jowhar Baydhabo iyo Dhuusamareeb waxaa lagu soo xariqaa Adis-Ababa. Washington. London. Nairobi. Qaahira. Dubia ikk. Darbiga gadashiisa baa laga maamulaa dalkayga.

 

Markii aan dhashay qoyskayga waxa kaliya ay ka fekerayeen waxa ay ahayd in aan koriinsho helo. Haddii loo fiirsho xilligaas, nasiib ayay ahayd in la helo wax dhuunta la mariyo dharagba ha jogtee. Sidaas daraateed kansho umaan helin in aan la sheeko wadaago waalidkayga oo aan wax ka weydiiyo arrimahaan cakiran iyo noloshaan carriiriga ah. Mar dambe oo aan garaadsaday baa lay sheegay in ay jirto wax la yidhaah DOWLAD, dadka isku hagta oo isku soo duwda. Waxaa lay sheegay in caalamka oo idil dowladdaas leeyahay oo ay ku midaysan yihiin. Arrimaha ugu badan ee wel-welka innagu wada haayo sida lagu heli lahaa aniga iyo qoyskayga, sida; waxbarasho iyo caafimaad bilaasha ah, amni iyo xasilooni, caddaalad iyo kala dambayn in ay ayada bixiso baa la ii wariyay. Aniga oo aaminsan in nolosha sidaan tahay. In Soomaalida weligeed kharribnayd; kharribnaanna doonto ayaa lay sheegay in berri ummaddaan lahayd qaran quwad leh iyo dowlad nidaam leh. Mar dambe ayaa lay sheegay sooyaal fac weyn iyo xadaarado fog-fog. Si dhib yar waan ku aamini waayay, goor dambe ayayse noqotay run fajac igu reebtay. Marar badan ayaan ka fekeray in ay suurtagal noqon karto in mar kale dib loo yagleelo, laakiin marka aan ku fiirshay garaadkayga gaaban iyo cilmikayga yar waxaa isoo baxay humaag ay qariyeen mugdi iyo rajo xumo. Waxaa ii muuqday hog lagu sii hoobanayo iyo hillinkii tosnaa oo laga sii habaabayo. Talo-seeg iyo tubtii toosanyd oo laga sii leexanayo baan arkaa.

 

Majirto nasiib xumo ka daran in aad ka dhalato bulsho la tirtiray sooyaalkeeda. Cagta la mariyay dhaqankeeda. La burburiyay dowladeeda. Dagaal lagula jiro diinteeda. Dulaan lagu wada yahay, haddana marba marka ka dambayso qurub-qurub usii kala furanaya oo midnimo iyo wadajirka ka maagtay! Bulsho weerar isku ah in kabadan inta weerar lagu yahay. Bulsho is diidan laba jibaar inta la diidan yahay. Bulsho aan ogayn halka laga yimid, saadaalin karin halka loo socda, warna u hayn waxa dhacaya. Bulsho ay isaga qasan yihiin sokeeyaheeda iyo shisheyaheeda. Cadawgeeda iyo saaxiibkeeda. Xabiibkeeda iyo xaasidkeeda.

 

Waxba yuusan calaalalka, cabashada iyo ciilku ila tagine, waxaan kusoo moosay:

 

Eebbow adaa qaadiraa

Quwad iyo awood leh

Adaan qaldaminoo

Qadaf kaa dhacayne

Qaxootiyo waxaynu nahay

quwad la'aan dunida maantaaye

Eebbow, qarankii naga dumyee

Noo qotomi markale.

 

ALLAW MAGANTAA.

《WABILLAAHI-TAWFIIQ》

 

W/Q: Cabdikariin Shardi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...