27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: Q3aad(Qabsashadii Madheera)

0
Friday May 29, 2020 - 17:08:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska: Q3aad(Qabsashadii Madheera)

    Abaal nin galla waa loo gudaa….lasoco Q4aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaal nin galla waa loo gudaa….lasoco Q4aad.



 

30 kii May, waxa laga faraxashey, dagaal, 4 caana maal socdey jiida Cadaadley. Hadaba maxey ahaayeen, hawl-galadii ay ku dhaqaaqeen Xuseen-Dheere iyo Maxamed-Cali?

 

(1)   Waxey qiimeyn ku sameeyeen fadhiisimadii uu lahaa Gaaskii 12 ee ahaa min Ina-Guuxaa ilaa Gudibi waxa u soo baxey in dhamaan guutooyinkii daganaa ay kamid ahaayeen kuwii, Cadaadley lagu jabiyey.

(2)   Waxa la bilaabmatey taakuleyn hub, rasaas iyo shidaal ah(supply chain) oo si amaan ah (secure) u gaadheysa magaalada Burco oo kala go’ laheyn.

(3)    Waxa ciidan SNM ah iyo dadkii deegaanka isugu jira, la dajiyey Buurta Calaacule, ee kor kasoo eegeysa magaalada Sheekh! Si loo horjoogsado gurmad ka yimaada xeryaha qaxooti ku dhuwaad 100 kun oo qof ku noolaayee, ee Bixin-Duule iyo Biyalay, si aaney weerar soo qaadin. Iyo khal-khal galin lagu sameynayo dariiqa Berbera-Burco. Taasoo keentey in ciidan culus mooyee oo is urursada mooyee aaney si fudud loosoo mari Karin. Ciidankaana waxa madax ka ahaa Korneyl Jaamac Gaashaan Cadde.

(4)   In la diyaariyo sidii loogu ruqaansan lahaa Berbera, sahankoodiina la direy, si ay usoo qiimeeyaan awooda ciidan iyo caqabadahaas sidii la iskaga hor qaadi lahaa.

(5)   In mujaahid Ahmed Macalin Haaruun hadii uu kasoo faraxashey ciidankii xuduuda yaaley ee Burco ku beegnaa Hawd. In Xuseen iyo Maxamed-Cali isku diyaariyaan sidii ciidanka weyn looga saari lahaa Oodweyne.

 

Maalintii May 31-keedii, waxa qeybtii isgaadhsiinta ciidanka Cadaadley, soo qabteen hadaladii Morgan iyo Xukuumadii Siyaad Barre is weydaarsadeen, ee daarnaa in abaaro 2:00 AM ay ciidamadii aaga galbeed ku habsadeen Hargeysa, una baxeen dhinaca waqooyi ee Hargeysa.

 

Waxa iyana soo korodhey in la ogaadey, nin doorkii iyo ragii qadha-dheytida ahaa, ganacsato, aqoon yahan, odey dhaqameed. Midh-midh loo gurey oo Mandheera ku xidhanyiin, halkaasoo dhiilo culusi ka iman karto, waayo? Waxa huabaal ah, in duqeytidaas xidhani ay noqon doonaan dadka kuwii hagi lahaa.

 

Waxa xusid mudan iyana isla markiiba waraaqo, ka imanaya taliskii SNM ee degay Geed-Deeble ee Hargeysa, iyagoo soo dalbadey rasaas, kuwa Jiibka gaar usoo carabaabey.

 

Degdeg ayaa dalabkoodii looga jawaabey oo laba baabuur oo min lix tan ah ayaa loo direy, taas oo ragii warka keeney, sii dal mariyeem.

 

Waxa la gudoonsadey, in diyaar garow dagaal oo ku waajahan Mandheera, taasina waxey dariiqii ka leexisay, waajibaadkii hore ee Kaam Abokor lagu gudoonsadey, ee ahaa Berbera in la qabsado. Hadii ay dhici laheydna dagaalkii sooba dhamaan lahaa.

 

Hadaba, ciidankii oo Maxamed-Cali wato ayaa u dhaqaaqey Mandheera, waxa habeenkiiba ciidankii lugta ahaa ka dhaadhacey buurta Jarato halkaasoo ay gaadheen Mandheera.


Ciidan kalena iyagoo wato direyskii iyo gaadiidkii xukumada lagaga qabsadey Cadaadley, ayeey iyana degeen tuulada Abdaal.

 

Bal ila eega, xaalada maalintaas gudaha Jeelka ka jirtey, waxaa ii waramey, Odey ka mid ahaa, odeyadii xidhnaa oo la odhan jirey Dheeg AHN oo Madaxweyne Muuse adeer u ah.

 

Waxa uu shegey sidan: Waxaanu ku xidhneyn laba qol, waxa nasoo food saartey, gaajo iyo haraad iyadoo ay noo dheereyd hanjabaad joogto ah.

 

Maalin ka hor intaan jeelka laqabsan, ayaanu la hadalney taliyihii jeelka oo Ugaadeen ah, waxaana ku xigeen u ahaa nin Mareexaan ah.

 

Odayadii waxey ku yidhaahdeen,taliye, ragu nolol iyo geeri labadaba waa gayaa, ee gaajo ma gayo!! Waxa uu ugu jawaabey, maddane ayaa dab idiin ku jiree, cuntaba waad ilowbi laheydeen, ee xaarkiina cuna, kaadidiinana caba!!!!!

 

Yeelkeedee, ku xigeenkiisii Mareexaan, ayaa isagoo dhuumanaya noo keeney laba baaldi mid bariis ah iyo mid biyo ah, kuye, nin iyo cantuugo bariis ah iyo sacab biyo ah darso.

 

Subaxii ayaa waxa Abdaal soo gaadhey gaadhi Land-cruiser ah, oo uu watey xeer ilaaliyihii gobolka Waqooyi Galbeed iyo ciidan duub cas ah oo la socda. Waxa joojiyey ciidankii SNM ta, waxay yidhaahdeen maxaad tahay?

 

Waxa uu yidhi, waa xeer-ilaaliyihii Gobolka, waxaan sidaa goaan maxkamadeed oo odayadii lagu khaarajinayo, 7:00 AM. Si aan warka xasuuqa aan goob-joog uga ahaado, 8:00 AM aan warkaas Hargeysa geeyo.

 

Yaab!! Goobtii ayaa isaga iyo duub-castii lagu gawracey, warqadiina waa file gareeyey. Waqti kooban ka dib, waxa lasoo gaadhey jeelkii. Ciidamadii kala duwanaa ee Siyaad Barre waxey difaac ka galeen gudaha jeelka, iyagoo yaqiinsanaa in aan wax la yeeleyn inta maxaabiista xad- dhaafka ahi jeelka la joogto.

 

Wadatashi gaaban ka dib, Maxamed-Cali waxa uu keeney qorshe dhaqso jeelka loogu galo, maxaabiista maalmo qadka ahna lasoo furto, waxii naf lagu gaadhi karo.

 

Waxa la diyaariyey gaadhi Jiib ah, qorigiisuna saaranyey. Waxa wadey, Mujaahid ku magac dheeraa Kadalob gaadhigii iyo qorigiisii oo xawaare ku socda, ayaa albaabkii furey.

 

Gudihii ayuu galey, waxa iyana daba socdey ciidan miidaame ah(fidaayiin) oo jeelka gudihiisa xabadii ka bilaabey.

 

Ugu dambeyntii, guushii Eebe weyne waxa uu ku galadey SNM-tii, maxaabiistii oo dhan-na Maxamed-Cali waa la hadley, una sheegey dagaalku talis buu ku socdaa, ee qabiil la eryanayaa ma jiro, qof walowba xor baad tahay. Kii dadkiisu fogyoowna anagaa ku gaadhsiineyna halkii


aad rabtid. Odeyadiina la tusey in loogu talo galay in saaka 7:00 AM loo qorsheeyey in aduunka macasalaameeyaan!!

 

Waxa xusid mudan, taliyinii shalay lahaa, xaarkiina cuna oo kaadidiina caba, ayeey odayadii isagoo dhaawac culus qaba calooshiisiina banaanka taal, dhiigiisii iyo uuskiisii dhex fadhiya, ayeey sii mareen.

 

Kuxigeenkiisii, oo bowdadda ka jabey oo gabanayana arke. Markaasey odayadii Maxamed-Cali ku yidhaahdeen ninkan hala bad-baadiyo, waakii shaley na bad-baadiyee.

 

Abaal nin galla waa loo gudaa.lasoco Q4aad.

 

Maxamud Biixi [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...