Salal Laguma Fadhiyo Ee Soor Baa Lagu Fadhiistaa ( Abdi-Shotaly).

0
Friday May 29, 2020 - 15:55:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Salal Laguma Fadhiyo Ee Soor Baa Lagu Fadhiistaa ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi Shotaly.

 

 

Xaajo-ba la yaab lehe, Waxa aan doonayaa in aan halkan ku cadeeyo ujeedadda ay dhalintii reer Somaliland ugu yaacayaan Muqdisho ( waa waxa aad ugu yeedhaan Somaliya'e), Hadaba maxaa keenay in ay da' yar-teennii ku sii qulqulaan meeshaas, waxa weliba intaas dheer in ay Askarta calooshoodda u shaqaysta-yaasha ahi, ee dan iyo muraad kale toona aan ka lahayni, kuna adeegto " Raggii ma adiaa ka hadhay" ay maalmahan ka qab-qabanayaan Burco iyo Hargeysa cidii lagu sheego in ay Xamar u socdaan. amuurtan iyadda ah buu ku socdaa maqaal-kani ee iga hooya, haddii aad dhego u leedihiin iyo haddii kale-ba. "Abwaan Maxamed Adan Dacar murti uu leeyahay ( waa heese), ahna heelooyin-kiisii uu ku luuqayn jirey, oo ay wadda qaadaan Hibo Maxamed ( Rabbi labadaba raali ha ka ahaadee), baa waxay ina leedahay ama ay inoo tilmaamaysaa, in aan meel la iska fadhiyi karin, aanay waxba-ba kaa soo gelayn, weliba sidaas ay hagar-daamo kuu sii dheer tahay, sidaas markay tahay, waxay naftu ku faraysaa in uu qofku ka diga rogtaa, oo wax dhaama raadiyo sidda uu markaas ku jiro, oo uu doonto wax u dhaama marxaladan naf-tiisii ay khatarta ku sugun tahay, iyadda oo Abwaan Dacar uu arin-taas suugaaneeyey, baa waxa ereya-diisa ka mid ahayd " Ragga socodku waw door, haddii mawdku daayee, derbi lama fadhiis-tiyo halkii kuu daraatee"  Waa run oo waa in aad caymisaa noloshaadda, oo halkii aad kaga raysan karto aad aadaa,

 

Murti somaliyeed baa iyana tidhaahda " Nin sabool ah iyo awrka raray-ba way sibiq-dhaqaaqaane, labadaba hadaan seeto celin, socod ma daayaane"  Ereyga meesha ku iraa waxa weeye " Seeto" ujeedadda laga leeyahay waxa weeye, hadddii aanay helin "Sad Celiya ama ay ku noolaadaan" oo ah wax ay cunaan, ma ay joogayaan gabaahiir uu galaw-ggii ka hadaafay, ee waa in ay dayday-daan meel kale oo u sad dhaanta, Seetadda la sheegayaa markaas waxa weeye " In ay helaan wax ay ku sii joogi karaan, haddii kale waa in ay dabarka goostaan, sidda imika ka taagan Hargeysa iyo burco ama gebi ahaanba maamul goboleedka laga boobo "Xaafad-Tooyadad Hareysa. Su'aashu waxa weeye " Maxaa sababay In dhalintii ka yaacdo Dalka?" jawaabtu waxay tahay, iyadda oo uu askariga sare ku yaalaa uu af buuxa ku yidhi " Qabyaalad-na waan ku maamulayaa, Magac qarana waa ku xoog-sanayaa", oo micna-heedu yahay, af-kana been baan idiinka sheegayaa, oo qaran baynu nahay baa idinku maaweeli-nayaa, qabiil-na waan ku xukumayaa, oo sidaas baan ummadda riwaaya-daas ay ku jirto, aan kolba shaadh ugu soo gashanayaa.

 

Waxa la yidhi oo iyana ahayd Maah-maah aad u qiimo badan " Salal laguma fadhiyo, ee soor baa lagu fadhiyaa" shaki kuma jiro, micnaha ku duugan odhaahdan, oo qofna meel aanu wax ka helayn iska joogi-maayo, markii la qabiileeye shaqaddii, ee loo xidhay cid gaar ah, haddii ay tahay Ciidan, macalin, Hay'yad, qandaraas, ee shaqa kaste, nooc ay tahay-ba beelo gaar ah looga dhigay naas nuujin iyo in ay iska yeeshaan siddii ay aaba-hood ka dhaxleen, laga qadiyey wixii la wadda lahaa, haday hadlaana lagu yidhi car juuq dheha, ee jeelka lagu gurey, macaluul iyo gaajo u bakhtoiyeen, cabudhin iyo cago julayn ula kas ah lagula kacay, waa kuwaas ka dareeray ( Ilayn waxla sii eegtaa meesha ma yaalaane). waxa-se kuwan booliis kus heega ahi ay u erya-nayaan waa maxay? haddii aan ummadan wax-ba loo haynin, ee ay tuugta " Xaafad-tooyadu" waxooddii ku hor cunayaan, saw xaq uma laha in ay ka indho qarsadaan? Maxamed Mooge Liibaan (Ihun) baa hees uu qaadi jirey waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Hashiinii irmaanayd miyaa lagaa hagaajoo, idinkoo hamuun qaba, la idinku hor maalyaa" waa sidaase, xataa dawaddii aduunku keenay, baa in khaas ah la siinayaa, oo cudurkii laga baadhayaa. waxan ku soo qoofalay, marka xaalku cayn-kaas yahay, ee in uu ka sii xumaado mooyee, aanu ka soo raynayn doonin marna-ba, maxay ku joogaan dahlintu iyaba waa yaabe?

 

* N.B Ragga Socodku Waw Door, Haddii Mawdku Daayee, Derbi Lama Fadhiis-tiyo Halkii Kuu Daraatee!

Qore:- Abdi Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...