Xaqaa Ii markhaatiya ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday April 11, 2019 - 15:18:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqaa Ii markhaatiya ( Abdi-Shotaly).

    Waxan marka hore halkan amaan iyo hambaliyo uga dirayaa, Maamulka iyo shaqaalaha hadhwanaang, kaas oo had iyo jeer soo daaya maqaalaadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan marka hore halkan amaan iyo hambaliyo uga dirayaa, Maamulka iyo shaqaalaha hadhwanaang, kaas oo had iyo jeer soo daaya maqaalaadda

iyo wararka kala duwan, kuwaas oo ku saabsan arimaha taagan, ee kala irdeeyey shicibkii. runtana si wacan u qeexaaya, iyaka oo fasilaaya kharibaadda ka sameeyaan dalka, ee ay waaleen labadda askari iyo dhuuni raacyadda lagu adeegtaa. Hadaba akhristaw, waxa igu kelifay qoraalkan, hadal ay soo daysay Mareegta Hadhwanaag, oo kuwa kale ay ka mageen kana baqeen, taas oo ay duubtay Jiif Caaqiladda Marow Faa'isa Faarax Suusle, oo uu dhalay Nabadoonkii weynaa ee caanka ahaa Chief Caaqil Faarax Suule. waxan qalinka u qaatay maanta hadba, in aan in yar oo maanso ah ku qoro halkan hoose, taas oo inoo bayaaminaysa, in ay inan-taas dhabta taab-siisay ummadeena, haddii aynu wax ku qaadanayno, waana tane ku soo dhawaadda maansaddii yarayd:-

Runta lagma maarmoo, beenta lama mahoobiyo,

Waxan meesha qaban iyo, marmarsiiyo waa ceeb,

Waxa ay ma garatadu, hadba soo melmela-yaan,

Maaweello aan jirin, kolba soo maguuijiya,

Midhna aan ka sheegayn, maamul iyo Xafiisyadda,

Xaqaa ii markhaatiya, adigaa ka marag furi,

Haddii aad masuug-tana, mar kalaad ka sheekayn.

Miimka kale-na wuxu yahay, aan idiin matabiyee,

Mase maaha uun-kiye, dadku kala martaba roon,

Qof-ba meel buu joogaa, oo muuqa guud iyo,

Maryaa way ka siman-yiin, maalaa-yacnaa badan,

Ruux kale u maamulo, lagu maalo reer hebel.

Xaqaa ii markhaatiya, adigaa ka marag furi,

Haddii aad masuug-tana, mar kalaad ka sheekayn.

Musuq-maasaq baro baxay, maatadda la boobiyo,

Miinaddii Berbera iyo, mudantii la iibiyey,

Mug weynaw garoonkii, Maamul kalaa la siiyoo,

Milateri shisheeyaa, madal looga dhigayoo,

Ka maroojay ummaddii, macaash baana loo galay.

Xaqaa ii markhaatiya, adigaa ka marag furi,

Haddii aad masuug-tana, mar kalaad ka sheekayn.

Faa'isaa muhiimkii, milga-heedi sheegtoo,

Waxa dhalay murtiiloo, dhaxal-kiisee mashoo,

May marin habaabine, meeshuu lahaa bay,

Mawluhu ha daayee, ku cadaysay madashe

Hadal-keedi ay marisoo, muujisay wixii jirey,

Xaqaa ii markhaatiya, adigaa ka marag furi,

Haddii aad masuug-tana, mar kalaad ka sheekayn.

Wax-ba yaan ka maagine, Somaliland madhan,

Mabdda aan lahaynoo, macno aan u garanayn,

Badi ay ka maqan-yiin, beelihii mudnaan jirey,

Qoys qudhi u maamulo, hay-naga maqnaatee,

Muqdisha aan u guurnoo, midnimadda an xoojino.

Xaqaa ii markhaatiya, adigaa ka marag furi,

Haddii aad masuug-tana, mar kalaad ka sheekayn.

Masaakiinti madhatoo, Macaluusha gaajadda,

Milicdaa ay jiifaan, maydku dooxa wadhan yahay,

Misna lagu dul kaajaa, xadhig loo miciin-saday,

Laga maadsa-daayoo, darna macal ay yeesheen

Makhaasiino jeex-guun, maskax-doodu ay tahay,

Xaqaa ii markhaatiya, adigaa ka marag furi.

Haddii aad masuug-tana, markalaad ka sheekayn.

Xaalku waa kud ka guur oo qanjo u guure, Waxan ku soo xidhay qoraalkan, hadal lama saarnaadee, ma jirto wax Somaliland la yidhaahaa, waa maamul goboleed, ay isku haystaan Tuuladan inoo dhaw ee uu keliggii taliyaha Ina Cumar geelle Basal ka dhex doobyo iyo somalia, waa taas hadeer loo xidh-xidhayao muwaadiniintii ugu qaalisanayd jabuuti ( U fiirso Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab), car juuq yidhaaha la ydihi, yaa ku yidhi khalad-kayaga sheeg-sheeg, Ee jeelka lagu cayuuqay qofkii wax dhaliila, weliba beelo gaar ah kaas ahaan. Waxaas iyo wax ka sii daran bay inan-taasi ka hadashay, sidaas awgeed, kol haday Jabuuti aynu hoos tagnay, waa in aynu dib ugu noqonaa Muqdisho, ilayn wax isu kaa dhaamaa ma jiraane,Kan la yidhaaho " Raggii ma adigaaka hadhay, iyo ina cumar geelle labaduba way ka xun yihiin, af-weynihii aynu la jaabaynay. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, anigu inan-taas Faa'isa Faarax suusle baan 100% ku raacsanahay.

* N.B Wax Aanad Hurayn Horaa Loo Yeelaa.

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...