Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Soo Bandhigay Mudo Kordhin Farmaajo Doonayo Iyo Qodobo Kale

0
Saturday March 02, 2019 - 19:54:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Soo Bandhigay Mudo Kordhin Farmaajo Doonayo Iyo Qodobo Kale

    Muqdisho(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir ee dalka soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay natiijada kulamo uu la yeeshay wakiilada beesha caalamka iyo siyaasiyiin soomaali ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir ee dalka soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay natiijada kulamo uu la yeeshay wakiilada beesha caalamka iyo siyaasiyiin soomaali ah.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray waxa kale oo uu kaga hadlay qorshe mudo kordhin ah oo dawladu doonayso iyo talaabooyinka la gudboon ee looga baahan yahay in xukuumadu ay qaado.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku bilaabay "Labadii toddobaad ee ina dhaafay kulamo aan la yeeshay siyaasiyiin isugu jira madaxweynayaal dawlad Gobolleedyo xilka haya iyo kuwo hore, hoggaamiyayaal xisbiyo, xildhibaanno labada aqal ka tirsan iyo xubno beesha caalamka ka mid ah; waxey dhammaantood si isku mid ah walaac uga qabaan qabsoomidda doorashada 2020. Sababtuna waa in aysan muuqan saansaan dalka doorasho looga qabanayo.”

Sidoo kale waxa uu shaaciyey mudo kordhin uu sheegay inay doonayso xukuumada soomaaliya taas oo laga soo abaabulayo Villa Soomaaliya waxaanu yidhi "Waxaan kaloo warkeeda helaynaa in ay jiraan isku day Villa Somalia ku doonayso mudo kodhin. Maaha in waqti la isaga lumiyo hawl aan miro dhal lahayn oo horayna u dhicin, haatanna suuragal noqon doonin. Ma jirto cid aqbalaysa hal maalin oo muddo kordhin ah.

Muddadii sharciga ahayd ee hoggaanka dawlada waxaa ka harsan in ka yar labo sano, weli waxay haysataan fursad sharciyada hoggaan loo oggolyahay. Waxaan uga digaynaa isku dayga muddo kororsiga ah in uu meesha ka saarayo sharciyadda iyo aqoonsiga hoggaan. "

Ugu Dembayn waxa uu cadeeyey talaabooyinka looga baahan yahay inay qaado dawlada soomaaliya "Waxaa taa beddelkeeda kula talinaynaa in ay ku mashquulaan ka miro dhalinta

1- In Amniga wax laga qabto, dawladuna la timaado qorshe iyo abaabul Alshabaab wax looga qabanayo, nafta iyo hantida shacabka lagu badbaadiyo

2- Heshiis laga gaaro hannaanka doorashada 2020 ka.

3- qabyo tirka dastuurka KMG ah.

4- In dib loo billaabo wadahadalkii Somalia iyo Somaliland.


Loading...
Loading...