Wallee Reer Aan Ogay Ma Guuro
Xayawaanka la yidhaahdo Dacawada ayaa beri reer miyi degan oo reer guuraa ah, waxa ay ka cuntay shay "Xadhig", ka mid ah shay-yada marka la guuraayo ka qayb qaata guuritaanka reerkaas, markaas bay habeenkii ku xareedisay: wallee reer aan ogay ma guuro oo ah " halku dhigga xaga sare ku xusan".
Xadhigaas oo ka samaysan saanta xoolaha gaar ahaana saanta geela oo loo garan og yahay "Yeel", yeeshu waa Xadhig ka mid ah xadhkaha lagu raro awrta xiliga geediga iyo guuritaanka, taas oo dhammaan isku haysa agabka ku raran awrka iyo gibilka xidhan ee geediga. Haddaba haddii yeesha la waayo reerku ma guuri karaa geedi gaaban iyo mid dheer toona? Jawaabtu waa maya.
Waxa ay ahayd sanadkii hore markii uu taliyaha ciidamada qaranka "Military" Somaliland Nuux Taani uu ku tiraabay hadalo meel ka dhac ku ahaa dawladda Somaliland iyo jiritaanka iyo wada jirka shacabka walaalaha ah ee ilaahay ku wada uumay cariga Somaliland.
Taliyuhu isaga oo warbaahinta la hadlaya oo ka war bixinaaya ciidamo ka goostay Somaliland waxa uu ku hadlay hadalo badan oo deelqaaf ah oo aan isaga iyo Somaliland toona u wanaagsanayn, waxana hadaladiisii ka mid ahaa: uma baahnin ciidamada goostay sidoo kalena ha ka daba tagaan kuwa kalena waayo awal ba mushahar aan macno ku fadhiyin ayay naga qaadan jireen.
Taas oo meel ka dhac ku ahayd sharafta ciidamada iyo dawladda Somaliland ba, sidoo kalena Maynaan arag meel ay dawladdu raaligalin kaga bixisay oo arrinku waxa uu u eegaa arrin laga soo shuuraystay oo xaga sare kasoo fulay, oo aan dan u ahayn wada jirka iyo midnimada.
Maantana waxa warbaahinta la hadlay nin oday ah oo la yidhaahdo Faysal Cali Waraabe oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga UCID oo ka mid ah xisbiyada ka jira Somaliland, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa kuwa u dhigma kuwii sanadkii hore kasoo yeedhay hor jaagaha ciidamada qaranka Somaliland iyo qaar kale oo kasii liita.
Soomaaliduna waxa ay maahmaahdaa: "afxumo nabad na way kaa kaxaysaa colaad na waxba kaagama tarto", sidoo kalena waa kii alle ha u naxariistee lahaa Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye: " waxa geed lala kacaa gankaad tahay eray la da ah". Dhallinyaro bal eega kuwa aynu masuuliyadda u dhiibanay sida ay u hadlayaan, ilaahay baan idinku dhaarshee miyaanay ayaan daro wayn ahayn.
Haddaba inta ay Somaliland ka talinayaan dadka noocan oo kale ahi ii lama muuqato in ay hourmar iyo hiigsi toona gaadhayso. Waa halkii uu markale Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye lahaa alle ha u naxariistee:
" hortayda bir baa ku go'an,
hareerta god baa ka qodan,
giraangir wareegsaniyo
dhig baa lagu guud socdaa,
waxan gudayaa habeen,
wuxuu gudbayaa saq dhexe,
Waxan gudbayaa biriish
Biriish ku dul taagan gees,
Gafuur wiileed ka baxay,
Hadal iyo dhammaan waxa aan kusoo af meerayaa hadalkayga erayo ka mid ah maansadii Gurmad ee uu tiriyay alle ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, waana tan:
"mar baa jira gumuc la riday,
galaafto ninkii ridee,
nin iinloow daa gujada".
#Baaq_Shacab.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!