Raage Ugaas Iyo Amaanta Faraskii Walhad.

0
Friday May 29, 2020 - 10:00:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raage Ugaas Iyo Amaanta Faraskii Walhad.

    W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Farduhu waxay kamid ahaayeen gaadiidkii soomalidii hore ay ugu jeclaayeen waxay ku dheeraysan jireen oo mararka qaar xad dhaafin jireen amaantiisa, ilaalintiisa, daryeelkiisa iyagoo mararka qaarkood waayistooda ka tiiraanyoon jirey mararka qaarkoodna lexejecladiisu ay kala weynaan jirtey diinta eebe.



Waxa la arkay kuwii jacaylkooda ku dheeraystay oo diinta islaamka uga bixi gaadhay waayida faras ay jeclaayeen, sidoo kale waxaan aragnay sayidkii oo isna jacaylka fardaha waxwalba ka hor mariyey marka laga reebo diinta islaamka. Halkaas waxaan ka garanaynaa sidu waxwalba uga foolaadsanaa ee uu uga qaalisanaa soomaalida dhexdeeda.


Raage wuxu geeraarkan ku amaanayaa faras uu lahaa kaas oo la odhan jiray walhad wuxu ka amaanayaa faraskiisan dhinacyo badan sida quruxdiisa, dhaqankiisa, waxtarkiisa, firfircoonidiisa, feejignaantiisa xiliyada dagaalka waxaanu yidhi:


·       Geeraar waa nin wanaajiyiyo

·       Nin uu waraar kaga oodmiyo

·       Waadigiisa yaqaane

·       Walhadow faraskayga

·       Weedhyaroon ku amaanay

·       Wawga maan ka higaadsho.

 

·       Gamaan waa kala waare

·       Weehadow faraskayga

·       Wadhaf lagu xooriyo

·       Taarka laysku warqaadiyo

·       Ma waayeenka shukaantoo

·       Wanaag loogu qabtaa.

 

·       Wayraxoow camalkiisuna

·       Waraabkaan u kexeeyoo

·       Isagoon wali laacin

·       Anigoo wada mooyee

·       Ninkii hanta ka waabshiyo

·       Wallayskaa garab joogaba

·       Widhwidhkuu ku dilaaye

·       Wiyil qoodha miyaa.

 

·       Weedhaansho dhaqankiisuna

·       Ma wareego libaaxoo

·       Intuu neef ka wabsiiyey

·       Wid hadii layidhaahdo

·       Wankalaadi u booda

·       Dadka waabinayaa.

 

·       Werisow midabkiisuna

·       Cirka oo wadhanaayoo

·       Wahabkii laga qaadiyo

·       Ma waagoo sagliyaa.

 

·       Meel waylaaqtan col joogo

·       Wadnahaan ku kabaaye

·       Wiil eebe ku siiyiyo

·       Ma walaalkay rumaa.

 

·       Waran waaxyaha gooyiyo

·       Waabay qaarka madow iyo

·       Riddo soo widhwidhaysiyo

·       Wanjeefkeeda rasaastuu

·       I weydaarinayaaye

·       Ma wadaad xigtadaayoo

·       Wanaagii arbacuunka

·       Weligiisba yiqiinoo

·       Wan intaaad u qashay

·       Waduxaaga quraankiyo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...