Shirweynii 3da Qabiil Ee Garxajis, Habarjeclo Iyo Harti Waqtigiisiibaa Jooga. Waa Badbaado Ummadeed.

0
Friday May 29, 2020 - 09:43:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynii 3da Qabiil Ee Garxajis, Habarjeclo Iyo Harti Waqtigiisiibaa Jooga. Waa Badbaado Ummadeed.

    Xaqiiqada horteena TAAL ee labada maamul HEEGO ee SOMALILAND iyo Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaqiiqada horteena TAAL ee labada maamul HEEGO ee SOMALILAND iyo Puntland

Waxa Weeye Seddexda  Qabiil Ee Waaweyn  Aayuun Bay Isku  Diraan Dabadeed Maaliyadda Ayey Ka Urursadaan Qolo Walba Jindagaagay Baa Loo Samaystay. Heegada Somaliland Iyo Heegada Puntland Midna Somaliland Iyo Somaliweyn Dan Kama Laha Waa  Intuu Wadanku Burbursanyey Lacagta Urur Sada Ciidamo Iyo Xoolo Ku Samaysta. Somalia Iyo Mogadisho Waa Inaanay Kolba Lacagtajeebadaa Heego U Soo Dhiibin Ee Ka Fiirsadaan.

 

Xukuumaddii Soo maray Puntland  iyo Xukuumadii Kulmiye Soo maray wadaday haystaan weynu ognahay strategy ga qudha ee ay ku dhaqmaan waa siday Seddexda QABIIL ee waaweyn u kala ilaalin lahaayeen kolba laba isugu diri  lahaayeen kolba mid u garaaci lahaayeen labada kalena sacabka u garaaci lahaayeen iyagu maaliyadda xaraysan lahaayeen. Imika waxay bulshadii ogolaysiiyeen in ay cid waliba gobolkeeda iyo degmooyinkooda  horuumar kiisa wadooyinkiisa caafimaadkiisa waxbarashadooda ay ka masuulyihiin oo wax Xuluumad ay ka sugaan aanay jirin isla markaa Cashuurtooda aanay diidi karin maxaa waxay askartooda mushaharkooda weeyi heegooyinkuu baa hogaaminaya idinku askarta boqolka dollar qaata ayaa la idiin ogolyey ARINTAASI WEY HIRGASHAY WAANA HUBAAL BIYO KAMA DHIBCAANA wixii mucaamimo ahi waa jeebka heego. Waxaa fajac iyo amakaag NOQOTAY Burco oo Xinninyihii SOMALILAND ahayd oo Ambulance laga waayey marka ay  Ambulance haystaan tuulo yar oo Goda Gacalibaax haysato Ambulance  ay jeebkooda ka soo iibsadeen micnaa heego fahma reer Burco Ambulance keeda ha iibsato Laascaanood Ambulance keeda ha iibsato Ceerigaabo Ambulance keeda ha iibsato Borame la mid, wasaaradda Caafimaadka waa waraabe u taag  iyo qawda maqashii waa xaqiiqadii Puntland na waa la mid. Arimaha Puntland  iyo SOMALILAND majaraha la saaray ee Siyaasadda Maamuladu raaceen waa Maal urursi  markaa xaalku maanta maaha qoriga qaata ee waa Seddexdaa  quwadood ee qabiilada ah Garxajis Garxajis iyo Habarjeclo iyo Harti oo fahma in seddexdooda sannadba laba la isku dirayo lana kala ilaalinayo Maaliyada Na Laga Urursanayo Kolba Reero Dhexdooda Ah La Isku Dirayo. Madaxweyne Karaash Waxa Lagu Haystaa Waa Inuu Sidii Jindagaagay Wax Loo Tuuro Ee Aanuu Goaanka Heego Soo Dhex Gelin, Kan Madaxweyne Ku Xigeen Ee Saylici Isagu Col Hortiibuu Is Dhiibay Oo Xinniinyihii Kulmiyihii Hore Ayaa Ka Siibay Muse Xinniinyaba Ugumuu Iman  Waa Dhufaananyey.

 

Cabudhinta Ciddii Hadasha Waa Digniin, Geesiga Coldoon Isaga Waxba Laguma Haysto  Ee Wuxuu U Xidhanyey Seddexdaa Qabiil Ee Ag Garxajis Iyo Habarjeclo Iyo  Harti Car Waakiina Hadla Waayo Seddexdaa Qabiil Baa Somaliland Boqol Kiiba Seddeetan Dhul Iyo Dadba Iska Leh Car Hadla. Dorraad Waxaa La Laayey Badheedh Dhubahante Shalay Markaasaa Garxajis Iyo Habarjeclo Sacabka Tumayeen, Garxajis Baa Shalay Qoorta La Iskaga Taagay Oo Oo 650'000 Oo Dollar Lagu Xukumayey Rag Aan Wax Dembiya Lahayn  Dadkaa Measurements Laga Qaadaayey Bal Inay Kacaan Iyo Waxyaalo Badan Oo Kale, Maanta Habarjeclo Ayaa La Qaybiyey Oon Qaybsami Jirin Oo Muse Aboker Baa Dubbihii Ku Bilawday Oo ina Kaahin iyo ina Waracadde  iyo ina Sulub oo Heegada ka mida la yidhi dhex fadhiya maaha inay wax heshiisiinayaan ee Muse Aboker baa xinniinyaa laga sii ayaa inay Kacdoon samaynayaan laga ilaalinayaa ee reeraa la heshiisiinayaa waa ku gabasho.

 

Dhibaatada joogta dawadeedu  maaha Jabhado ee waa  Shirweyne ay qabsadaan Seddexdan Qabiil ee Garxajis, Habarjeclo iyo Harti oo AMAR Maaha Baryo Ku Soo Rogaan Labada Heego Ta Somaliland Iyo Ta Puntland Land Waayo Wadankan Waqooyi Iyagaa Iska La .Ballan Waxaan Ku Qaadayaa Haddaa Seddexdaa Qabiil Shirweyne Si Geesinimo Leh Ugu  Dhawaaqaan Inay Heegooyinku Goojo Iyo Kaadi Isku Darayaan Oo Dulmiga Cidda U Xidhan Oo Dhan Usoo Deynayaan Si Ay U Qaboojiyaan Seddexdaa Qabiil.

Fulaw Guuli Kuu Dhoweydaa Car Waa Seddex Seddex Suldaan Oo Ka Soo Kala Jeeda Seddexdaa Qabiil Ee Khiyaamadu Ku Socto Ay Ku Dhawaaqaan Shirkaa Oo Buudoodle  Ama Badhan Lagu Qabto. Haddii Kale  Strategy Heegeeyinku Waa In La Idin Kala Ilaaliyo Sannadba Laba La Isku Diro. Haddaa Maanta Kici Weydaan Oo Facebook Itaal Mooddaan Meelfog Baa La Idinka Dooni.

Shir Ku Baaqa Ayaha Wadanka Ah.

Haddii La Idinla Meeraysto Idinna Isla Sii Meeraysataan Waa Nasakhmaysaan Siduu Allah Sheegay. Kuwan Dulimga Guusha Moodayaa Baaba Baa U Dambaynaya Sida Dulmi Walba Ku Dhacday.

 

M Bashe

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...