Khilaafka Deni Iyo Karaash Oo Xaraaradiisu Meel Sare Gaadhay Iyo Dedaalo Xal Lagu Raadinayo Oo Bilaabmay

0
Thursday May 28, 2020 - 17:25:33 in News by
  • Visits: 2397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Deni Iyo Karaash Oo Xaraaradiisu Meel Sare Gaadhay Iyo Dedaalo Xal Lagu Raadinayo Oo Bilaabmay

    Khilaafka Deni Iyo Karaash Oo Xaraaradiisu Meel Sare Gaadhay Iyo Dedaalo Xal Lagu Raadinayo Oo Bilaabmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Deni Iyo Karaash Oo Xaraaradiisu Meel Sare Gaadhay Iyo Dedaalo Xal Lagu Raadinayo Oo Bilaabmay


Garoowe(HWN):-Dhex-dhexaadin iyo waan waan la doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, isla markaana la doonayo in lagu xalliyo khilaafka xooggan ee u dhexeeya labadaas masuul, ayaa ka bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas.




Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa Guddiyo ka socday ururrada bulshada oo la kulmay labada dhinac sheegeen inay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa kala hadleen in khilaafka xal degdeg ah laga gaadho, si looga hortago in khilaafku isku beddelo gacan-ka-hadal iyo dhaawac soo gaadha midnimada Puntland.


Guddoomiyaha Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland Faysal Qaran, ayaa u sheegay warbaahinta in khilaafka uu salka ku hayo arimo shaqo, balse uusan la xidhiidhin arimo shaqsiyadeed. Faysal Qaran wuxuu sheegay in labada dhinac uu mid kastaa ballanqaaday in uu diyaar u yahay in khilaafka la xalliyo dibna loosoo celiyo wada shaqayntoodii, iyagoo sheegay sida loo buunbuuniyay khilaafka inaanu gaarsiinayn.

Khilaafka ayaa ka dhashay wadatashi la’aan ka timid xagga magacaabista kasoo baxda madaxtooyada Puntland, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash. Labada masuul ayaa la filayaa inay is hor fariistaan si ay xal kama dambeys ah uga gaaraan khilaafkaan soo noqnoqday.


Loading...
Loading...