Gooni Isu Taagga Somaliland Ma Waxa Uu Ahaa Go'aan Shacbi mise, Go'aan Ka Dhashay Afduub Kooxeed?
1.0 Hordhac Ka warcelinta su'aashan waxa aynu ka eegi doonnaa dhawr xaglood oo inta badan dadka ka hadlaa aanay ka fiirin, dadka la dhacsiiyaana aanay u dhugmo yeelan. Waa go'aan shacbi gooni isu taaggu ayaa la inagu soo celceliyey oo aynu ku dhega-barjawney ilaa aynu iska rumaysannay.
Baadhitaankan gorfayneed waxa ay is dul taagaysaa oo ay soo baadhay xaaladdii lagu sugnaa May 1991 iyo maalmihii ka horreeyey iyo kuwii ka dambeeyey ee xidhiidhka la lahaa hindisihii iyo abaabulkii shirarkii iyo wadahadalladii beelaha reer Waqooyi, dareennadii siyaasadda iyo natiijooyinkii ka dhashay oo xukuumaddii Manifesto ee Muqdisho lagaga dhawaaqay iyo ku dhawaaqii gooni isu taaggu ugu waaweynaayeen.
1.1 Xaaladdii lagu jirey ee dhabta ahayd Xilli dagaal lagu jiro oo la hubaysan yahay ayay ahayd markii lagu dhawaaqay gooni isu taaggu.
Shacab talo iyo qorshe isugu yimaadda oo go'aan masiiri ah gaadhi karaa ma joogin waddanka. Waxa meel walba tuurnaa ciidan jabhadeed hab beeleed u abaabulnaa, hubna tuurta ugu ku sitey.
Xeryihii qaxootiga ee Itoobiya ayaa shacabku ku maqnaa. Hargeysa, Burco, Boorame yo magaalooyinka kale waxa joogey ciidamadaa hubaysnaa ee ururkii SNM oo u yaallay, una hawl-geli jirey hannaan qolo qolaysi.
1-dii Julay 2004 (UNHCR Report) ayaa qaxootigii u dambeeyey laga soo celiyey Harta Sheekha oo qaxootiga ugu badani ku sugnaa. In ka badan 250,000 kun oo qof baa xeradaas oo qudha ku noolaa. Badidoodu waxa ay ka soo jeedeen Hargeysa iyo Gebiley. Darroor, Aw Barre iyo meelo kale na waxa fadhiyey qaxooti badan. In ka badan 230 kun 4 ayaa Harta Sheekha ka noqday 1997.
Xeryaha kalena sidaas buu xaalku ahaa. Waa toddoba sano ka dib gooni isu taaggii. 1991 shacab wax go'aamiya oo talo ay gacanta ugu jirtaa waddanka ma joogin oo miyi iyo xeryahaas baa lagu maqnaa, degaannadu na waa ay kala xidhnaayeen .
1.2 Haddaa Go'aanka Yaa Gaadhey, Sidee Se Ku Yimi? Dalka gudihiisa shacabkii ku sugnaa waxa uu ku hawlannaa wada hadal iyo dibuheshiisiin. Xitaa ma jirin awood hub-ka-dhigiseed.
Jabhad habqan ah oo magaca SNM mooyee aan aragti iyo qorshe kale ku wada socon ayaa magaalooyinka oo burbursan oo miinaysan ku sugnaa. Madaxda jabhadda (hoggaanka siyaasadda iyo saraakiisha milateri) iyo jabhadiintu si kala dambayn buuxda leh isugu ma ay xidhnayn.
Khilaafyo siyaasadeed oo fac weyn oo Qaaxo laga la yimi iyo is diiddooyin badan oo dhex oolli jirey siyaasiyiinta gudahooda oo dhan ah iyo dhinaca kale siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada u dhex ahaa, ayaa Hawd laga la soo guurey oo waddanka la la soo galay. Sida uu sheegay guddoomiye-ku-xigeenkii SNM ee 1991, Xasan Ciise Jaamac, waxa arrinta gooni isu taagga hoggaamiyey oo ula yimi laba nin oo SNM ka tirsanaa oo mid na ka yimi Gebiley, mid na Burco barigeeda. Hadda u fiirso, waa laba nin oo laba degaan beeleed ka soo abaabul galay oo haddana SNM ahaa oo walwaalaya hindise weyn oo aan sii qorshaysnayn:
Gooni Isu Taag! Burco waxa laga diyaarinayey shir ay isugu imanayeen odayaasha beelaha Waqooyi iyo waxgaradkoodu oo wadahadallo nabadeed ku saabsanaa oo daba joogey shirkii Berbera ee ayaamahaas ee waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedkaas beelaha Waqooyi wada dega 5 ee kala hor iyo daba jeedey xilligii aanay dawladda dhexe burburin, ee SNM na gaylamaysey ee labada dhinac kala taageersanaa.
Beelahaasi in ay wada hadlaan oo heshiis nabadeed xidhaan ayaa ujeeddada shirku ahaa. Bari ilaa galbeed ba waa la isaga yimi. Marka laga reebo Xasan Ciise Jaamac iyo kooxdii abaabulka hoose miiqaysay mooyaane ma jirin cid kale oo arrintaas gooni isu taagga huursanaysey oo ka mid ah ergooyinkii kala duwanaa ee shirkaas. Xataa Cabdiraxmaan Tuur, Ahun, Xasan Ciise waa uu ka diidey hindisahaas (ku dhawaaqa gooni isu taagga) in shirka Burco la keeno. Yaxye Sheekh Ibraahim (Gebiley) iyo Axmed Maxamed Halac (Burco berigeeda) Ahun labadaba'e, ayaa Xasan Ciise ula yimi qorshihii ahaa in madaxbannaanidii Waqooyiga shirkaas Burco lagaga dhawaaqo oo dib loo soo celiyo. Xasan Ciise Jaamac waa uu ka diidey markii hore labadaas nin hindisahaas cusub ee aan hore u qorshaysnayn. Ilaa daqiiqaddaas wixii ka horreeyey haabka lagu ma hayn in gobollada Waqooyi la gooyo. Cidi hore uga ma wada hadlin. Labadaas nin baa keenay. Hase yeeeshee sida uu Xasan sheegay waxa uu ka yeelay mar dambe, isaga oo yidhi "waxa aan dareemay in fekerkaasi soo xoogaystey oo uu taageerayaal badan helay".
Jabhadiintii hubaysnayd oo cunfi, cadho iyo tabasho badani maankooda degeshi iyo oollimaad ku lahayd ayaa lagu dhidhiyey oo dareenkooda lagu damqay warkii Muqdisho ka yeedhay ee Manifesto iyo xukuumadda cusub ee aanay wax ba kala socon, cidi na aanay hansal ka qaadin ee aan waxba laga weydiin. Si yar ayaa loo dhacsiiyey in gobollada Waqooyi oo intooda badani ay gacanta ugu jireen in la gooyo, heeggoodana ay u socdaan.
Taageerayaasha hindisahani waa raggaas hubaysnaa ee ma aha shacabkii daallanaa ee wax na xeryaha qaxooti ku laalnaa, waxna miyiga ku liqaansanaa, wax yari na magaalooyinkii burbursanaa ee miinaysnaa ku gataati ciirsanaa ee daalka, dekaanka, diifta iyo darayada la daadsanaa ee tooda ba bogan la'aa. Xasan Ciise waxa kale oo uu sheegay in uu arrintii (hindisihii goosiga) uu ula tegey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Ahun, una bandhigay, Cabdiraxmaan, oo ahaa markaas guddoomiyhii SNM na uu taas ku diidey, isaga oo u sheegay Xasan in haddii arrinka gooni isu taaggu uu shirka Burco ka soo baxo in uu is casili doono. Xasan waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray in odayaal kale oo waaweyn oo SNM ahaa ay ra'yigaas Cabdiraxmaan la qabeen oo ay goynta gobollada Waqooyi aanay oggolayn, raalli na aanay ka ahayn.
1.3 Waa Kuwa Ma Odayaashaasi? Waa intii ugu badnayd ee goobjoogga maalintaas ahayd ee siyaasiyiinta ahayd. Waxa ka mid ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Ismaaciil Hurre Buubaa, Saleebaan Maxamuud Aadan, Jaamac Maxamed Qaalib, Cismaan Jaamac Cali (Kalluun), Daahir Warsame Yuusuf iyo rag kale oo badan.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa guddoomiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee SNM soo mara ayaa is na sheegay in aanu gooni isu taaggu ka mid ahayn siyaasaddii SNM iyo mabaadidii ay u taagnayd, ilaa daqiiqadihii u dambeeyey na (May 1991) aanu ahayn wax qorshaha ku jirey oo laga tashaday, laakiin se Manifeestadii Muqdisho lagaga dhawaaqay ay taas ku kelliftey markii SNM oo Waqooyi intiisa badan gacanta ku haysa laga tala-gelin waayey xukuumaddii Xamar lagaga dhawaaqay. 7 "Gooni isu taaggu taas buu falcelin u ahaa" buu yidhi Axmed Siilaanyo hadal uu jeediyey maalmihii uu Xisbiga Kulmiye ka sharraxnaa ee 2010.
Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Ahun, oo ahaa guddoomiyihii SNM ee maalmahaas guuxa gooni isu taaggu soo baxay waxa ka mid ahaa hadalladii uu shirkaas Burco ka yidhi "Geeska Afrika ayaa laga yaabaa in uu isu tago mustaqbalka. Arrintan (goynta) waa in aad ka fiirsataan. Waa aayatiinkii ummadda. Ka taliya dhaxalka berrito". Hadalkaas waxa uu Cabdiraxmaan yidhi 05.05.1991, Burco madashii shirka.
Maxamuud Cabdi Cali Bayr oo ahaa mas’uul hore uga tirsanaa SSDF, madaxdii xisbi Daliica, markii dambena ka mid noqday SNM golihiisii dhexe, kana soo jeeda Sanaag Bari, ayaa goobjoog ka ahaa shirkii Burco ee May 1991 gooni isu taagga lagaga dhawaaqay.
Maxamuud oo hadda Muqdisho, waxa aan wax ka weydiiyey sidii wax u dhaceen shirkaas Burco, waxanu yidhi, "Gooni u goosigu ma ahayn wax la sii qorsheeyey oo lagu tala-galay. Koox xagjir ah ayaa la soo baxday oo wadatey, waxana dabada ka riixayey Ibraahim Maygaag Samatar, Ahun, oo ahaa guddoomiyihii golaha dhexe SNM ee waagaas (May 1991)”. Maxamuud Bayr oo ergooyinkii shirka iyo madax joogtey xaaladdooda ka hadlay, waxa uu iiga tibaaxo bixiyey in ergooyinka yimi iyo madaxdii kale SNM la saaray cago juglayn, cadaadis, cabsi gelin iyo handadaad badan. Maxamuud oo taas ka sii hadlaya, "Go’aamadii la gaadhay, gaar ahaan qodobka gooni u goosigu waxa uu ahaa mid jujuub ah oo ra’yi doorasho iyo talo aan laga oggolayn. Waa na lagu afduubay. Dadka oo dhan baa la baqdin geliyey oo af iyo addin ama cod iyo ciidan ba waa loo adeegsanayey.
Golihii dhexe ee SNM oo go’aanka loo soo gudbiyey si loo ansaxiyo cidi waa ay ku dhici weydey in laga horjeeddo, iyada xubno badani ay saluugsanaayeen. Dhawr nin baa ka codeeyey oo aniga iyo Daahir Warsame Yuusuf ka mid ahaayeen”.
Maxamuud Cabdi Cali Bayr waxa intaas ii sii raaciyey inta madaxdii SNM aanay ku qanacsanayn go’aankaas gooni isu taagga ahaa, wax se laga faa’iideystey dhawaaqii xukuumaddii Manifesto ee Muqdisho laga sameeyey, madaxweynihii la magacaabay na, Cali Mahdi, uu khudbaddiisii ugu horreysey kaga hadlay in dagaalku 1990-kii gobollada dhexe ka soo abaabulmey, Muqdisho na lagu qabsaday, isaga oo aan soo hadal qaadin jabhadii kale ee soo dagaallamay, sida SNM oo markaas Waqooyi intiisa ugu badan gacanta ku haysan iyo SSDF oo ahayd tii halganka ba bilowday. Tii laga baqayey baa Burco ka dhacday oo shirkii nabadaynta beelaha Waqooyi waa la afduubay oo waxa loo rogey shir aayo-ka-tashi, Waqooyina lagu goynayo.
Ergooyinkii shirka yimi oo war ma qabto ahaa ayaa ku baraarugey in gaadh dablihi ku wareegsan yahay. Talo ayaa ku caddaatay. Waxa ka dhacday "qaflad iyo wada qaad", iyo "qab ama ha qabin, anba waan ku qaadsiin". Xagga kale ayaa loogu rogey. Nabad loo ballansanaa, loo na wada jeellanaa iyo gooni isu taag la isku jujuubay oo qori caaradii sanka la iska geliyey ayaa sida sandwich-ta la isku laabtay oo daamanka la dhigay. Shib iyo shaamarreer iyo ninka sheegay ma dhaafto!
1.4 Ergooyinkii Bari iyo Galbeed Boorame waxa ka tegey ergooyin Burco aadey. Sidii ergooyinkaasi Boorame uga soo ambabaxeen iyo wixii ay Burco kula kulmeen waxa iiga warramay Maxamed Cabdillaahi Obsiiye oo wasiir na Somaliland ka noqday xilligii Axmed Siilaanyo.
Obsiiye waxa uu iiga tibaax bixiyey, isaga oo hadda Sweden jooga, in aan talo iyo qorshe la la tegin Burco oo odayaashii iyo waxgaradkii tegey aanay bulshada waxba sii weydiin ee midh midh loo la baxay, iyada oo aan si cad loogu sheegin ujeeddadii rasmiga ahayd ee shirka Burco ee gooni u goosiga. Si habqan ah bay Burco ku tageen, 9 Iyagaa ugu horreeyey ergooyinka.
Anigu xogagaal baan ahaa oo Boorame ayaan joogey, arrinta na si dhow baan ula socdey. Markii ay ergooyinka Boorame ay Burco tageen waxa loo sheegay in ay sidaas ku aqbalaan hindisihii iyo qorshihii sii abaabulnaa, waxna aanag kala socon ee gooni isu taagga.
Qolyaha bari ka yimi ee Sanaag Bari iyo Sool markii ay Burco soo gaadheen, waxa ay ku soo horreeyeen qolyaha Boorame, si ay uga helaan mar haddii ay goobta kaga soo horreeyeen. Waxa ay waraysteen bal sida xaalku yahay. Waxa la hadlay oo u warramay Suldaan Maxamed Jaamac Samatar, Ahun, oo nin da’ weyn ahaa. Waxa uu ku yidhi ergooyinkii Reer Bari, "Annaga sidaas baa na loo sheegay oo gooni isu taagga aqbala” ayaa na lagu yidhi. "Doorasho iyo ra’yi na laga ma qaadin oo waannu oggolaannay ee idin ka hadda ka sii tashada oo wax iskaga sii ogaada.”
Maxamuud Xasan Hidiidaa (Qawaacid) waxa uu ka mid ahaa ergadii Bariga Sanaag (Warsangeli) ee ka qaybta ahayd shirkii beelaha Waqooyi ee Burco ee May 1991. Hadda Maxamuud Qawaacid waxa la ii sheegay in uu ku nool yahay Australia.
Qawaacid waxa gole 126 qof ku jiraan kaga dhex hadlay wixii Burco ka dhacay 2-dii - 17-kii May 1991 iyo sidii wax u dhaceen mar hadduu goobjoog ahaa, dadkuna siyaalo kala duwan wax u sheegi karaan. Maxamuud Qawaacid waxa uu yidhi waxa aan hadalkan ku duubayaa, "waxa lagu soo celceliyaa dheeg duuban (clip) oo lagu muujinayo Ismaaciil Suldaan , Ahun, oo rag Isaaq ah la fadhiya Burco 1991. Qawaacid waxa kale oo uu yidhi "waxa aannu 24 ergey, laba wiil gawaadhida noo wadey iyo Cali Ismaaciil Suldaan, Ahun, oo dhallinyaro ahaa. Laascaanood ayaannu nimi oo Dhulbahante laba ugu kala qaybsanaa. Qayb uu Garaad Cabdiqani wato iyo qaybta kale ee Garaad Saleebaan la socota. Ergadayadii maalintaas waxa ka nool dhawr qof oo ay ka mid yihiin Maxamuud Cabdi Cabdi Bayr iyo Axmed Sheekh Saalax". Qawaacid: "Ceeldhaab oo u dhexeeya Oog iyo Caynabo waxa nagaga horyimi goor casar gaaban ah Waraaba-cadde (Xaaji Maxamuud Ismaaciil Cali, Reer Daahir/HJ), Ahun, oo golaha dhexe SNM ahaa, sida mar dambe aannu oggaanney, oo wata ciidan hubaysan oo Habarjeclo ah oo wata gaadhi Diane ah. Burco ayaannu fiidkii galnay. Waxa na la dejiyey Guriga Dalxiiska".
Maxamuud Xasan Hidiidaa (Qawaacid) waxa uu ka hadlayaa wixii ay Burco kala kulmeen, waxa aanu yidhi, "laba bistooladood baannu sidanney. Waa na laga qaaday oo waxa la yidhi amniga ayaa la sugayaa, dib na uma aannu arag oo na loo ma soo celin. Qolo Samaroon ah baannu guriga ugu nimi. War ma qabtaannu ahayn. Waxa ay noo sheegeen Isaaq kulan hore Hargeysa ku soo yeeshay oo guux gooni isu taag ah ay hiyiga ku hayaan. Annaga (Samaroin) dad badan baa na laga laayey (700 - 800) oo qof. Waa na la haystaa ee idin ka tashada haddaad Harti tihiin". Qawaacid: "Labadii May 1991 ayay ahayd.
Arrintaas waannu ka wada hadalnay. Ragga qaar baa yar hamraday. Ismaaciil Suldaan, Ahun, ayaa hadal qiimo lahaa yidhi, 'Seyid Maxamed Cabdille Xasan berigii uu u yimi Suldaan Maxamuud Cali Shire ee uu ku yidhi inta uu xoolo badan siiyey Warsangeli soo rar oo xarunta keen, markii uu Suldaanku guryo yimi na inta uu shan rasaas u dhiibay ayuu ku yidhi 'waa labadeenna Ina Carro naas dheer'. Halkii bay maantana taagan tahay. Gunnimadii uu aabbahay berigaas Warsangeli u diidey maanta in aan dusha ku qaado oo Warsangeli saaro yeeli maayo. U saxeexi maayo gunnimo oo u soo qaadi maayo".
1.5 Madmadow Soo Baxaya Waxa halkan ka soo baxaysa in saxeexyada la hayo ee ergooyinkii beelaha ee go'aamadii shirka Burco uu madmadow soo gelayo oo ama ay jiraan dad saxeexyadooda la been abuuray ama qori caaradii lagu jujuubay in ay saxeexyo bixiyaan si aan rabitaankooda waafaqsanayd.
Teeda kale, waxa iyana muuqata in maalinta gooni isu taagga lagu dhawaaqay aanay ahayn 18 May ee ay ahayd 17-keedii. Waxa sidaas (in dhawaaqu ahaa 17-kii May) Maxamuud Xasan Hidiidaa (Qawaacid) la qaba Cabdillahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo ka mid ahaa siyaasiyiintii goobjoogga ka ahaa ku dhawaaqii la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, kana mid ahaa madaxdii SNM, gaar ahaanna xilligaas ahaa guddoomiye ku xigeenka golihii dhexe. Cabdillaahi Jawaan waxa uu yidhi, "18-ka May waxba looma qoondayn. Waxa ay ahayd maalintii ay dadweynuhu soo baxeen ee go’aamada, naguna taageereen. Waxa aan xusuustaa nin naga soo horjeeddey oo ka mid ahaa qolyihii lahaa yaan dalka kala jarin, iyada oo cadceedku kulushahay oo aad mooddo Yoomal Qiyaamihii oo dadkii oo dhami soo bannaanbaxay, ayuu dhabanka iyo gacanta isa saaray oo uu calaacalay. Aniga iyo Prof Maxamed Yoonis oo ka dambayna ayuu nagu soo jeestey oo nagu yidhi, ‘horta waa aad naga rayseen oo ummaddii baa idin raacday oo idiin hiilisey. Bal se waxa aan eegayaa in 17-ka May ay tahay maalin nasiib wacan iyo in ay tahay maalin xun’. Waa uu kaftamayoo, waxa uu yidhi, waa aan faalinayaa’! 17 kii buu sagaal tuuray oo siddeed baa soo hadhay oo waa ‘LUCKY’ buu yidhi. Bal ‘midh’ ku dar buu yidhi oo 18 ka dhig. ‘18 kii sagaal tuur, maxaa hadhay? Waxa hadhay sagaal. Waxa uu yidhi ‘sagaalkaana tuur’. Waxa uu yidhi ‘waa madhan. Madhantaas baannu ugu xuddun xidhnay, wax ay noqonaysaa ma jirto oo waa sifir’!! Waa Xuseen Saalax Muuse ninkaasi waxba qarin maayo’e, isaga oo Muqdisho jooga ayaa iigu dambeysey, in uu nool yahay iyo in kalena garan maayo”. 17 – 9 = 8, sagaal kale kama sii go’i karo. 17 + 1 = 18 – 9 = 9 – 9 = Madhan!!
Cabdillaahi Jawaan waxa uu ku adkaystay oo yidhi, "Axdigii ku-meel-gaadhka ahaa ee dalka lagu maamulayey 17-kii May 1991 – 16 May 1993 meelna kagama taallo in 18-ka May, garanna maayo meel laga keenay iyo goor la beddeley. Labadii sano ee SNM dalka maamulaysey waxa la xusay 26-ka Juun oo May cidi ma soo qaadi jirin”. Anigu markii iigu horraysey aan 18-ka xuskeeda maqlaa waxa ay ahayd sannadkii 2001 oo ahaa toban guuradeedii oo aannu magaalada Leidan, waddanka Netherlands aannu ugu dabbaaldegney. Wixii sannadkaas ka dambeeyey 18-ka May xuskeeda waa lagu sarkhaami jirey, in kasta oo sannadihii u dambeeyey miisaankeedu hoos u sii dhacayey, sannadkan 2020 lagu xusay baaqyo bulsheed oo tabashooyin muujinaya, taagaya na su’aalo ku saabsan Somaliland halka ay ku socoto, sida loo baal-maray wixii ay ummaddu ku heshiisay iyo sida ay weli ummaddu koox yar ugu afduuban tahay. Si kasta oo jujuub iyo cabsi gelini Burco u taalley, haddana shirweynaha beelaha Reer Waqooyi ee Burco waxa u dhammaa salaadiinta, odayaasha iyo cuqaasha beelaha Reer Waqooyi.
Maxamed Mahdi Aadan (Baayir) ayaa waxa aan ka helay qodobbadii ay salaadiintu shirkaas ka soo saareen iyo magacyadii ku saxeexnaa qodobbadaas. Maxamed waxa uu ka mid ahaa qolyihii xoghaynta ahaa ee qoraallada samaynayey, isaga oo xubin ka ahaa raggii ka yimi gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle. Qodobbadaas (hoos ka eeg) ayaa loo gudbiyey golihii dhexe ee SNM iyo hoggaankii SNM oo ay iyana ansixiyeen, kuna dhawaaqeen 17 May 1991 sida uu tibaaxay Cabdillaahi Jawaan oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii golaha dhexe ee SNM ee maalintaas, sida meel kale uu Maxamuud Qawaacid na inooga tibaaxda bixiyey in 16-kii May BBCda laga dhawaaqay dawlad Muqdisho laga dhisayo, maalintii xigtey na (oo ah 17 May) Burco lagaga dhawaaqay gooni isu taagga.
1.6 Go’aamadii iyo Saxeexayaashii Shirka aaya-ka-tashiga Waqooyi oo ay isugu yimaaddeen guurtida iyo suladaannada iyo odayaasha waxgaradka ah ee beelaha waqooyi oo maanta lagu qabtay magaalada Burco waxa la isku raacay qodobbadan hoos ku qoran:
1. In waqooyi gaar isu taago oon la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo Shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Waqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Waqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo beelaha Waqooyi 6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto oo guddi loo saaro.
Magacyada saxeexay qodobbadaas ee hadda madmadowga laga muujinayo:
1. Suldaan Maxamed Faarax - G/W/Galbeed
2. Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar – Guddoomiyaha Guurtida reer Shiikh - Isaxaaq
3. Suldaan Cabdi Sh. Maxamed – G/W/Galbeed
&


0 





