27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska Iyo Qabsashadii Cadaadley. Q2aad

0
Thursday May 28, 2020 - 13:55:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 May Maalintii Dhalan-Rogtey Taariikhda Geeska Iyo Qabsashadii Cadaadley. Q2aad

    W/Q: Maxamuud Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Biixi

 

Hadaba, aan idinla wadaago, xaaladda ciidanka Siyaad Barre iyo ta dhanka jabhada SNM.

 

(1)dhanka SNM-ta, Ahmed Xasan oo ciidankaas kujirey hada ah ganacsatada suuqa Waaheen ee Hargeysa.

 

(2) korneyl kii xoojinta Hargeysa Ka keeney noqdeyna kuxigeenkii Gen. Kaahiye xasuus qorkiisii.

 



.....Nasiib wanaag, sarkaal sare oo ciidanka Siyaad Barre ahaa oo layidhaa Ahmed Xasan C. Raxmaan( Godane) oo aabo u ah, (taliyihii hore ee ciidanka police jidadka iyo taliyihii hore ee ciidanka police ka G. Togdheer Muj. Ilkacase), ayaa kasoo goostey, si dhaqso ahna xogtii cadowga soo gaadhsiisey, taliskii SNM ta oo ahaa dooxada durdurka ah ee Cadaadley

ee SIIG agteeda ahaa.

 

 

Sarkaalkaasi waxa uu sheegey in ciidan culus oo xoojin ahi kusoo biirey kii hore, kana soo ruqaansadeen fadhiisimada, Berbera, Dararweyne, Mandheera iyo Hargeysa intaba.

 

Waxa kale oo sarkaalku sheegey noocyada ay ukala fadhiyaan, waxa Isla markiiba boodey Ahmed Weysa-Cadde oo taliska kamid ah, isagoo Ku dhawaaqaya, waar ninka dila, waa Ina bajinayaaye.

 

Xuseen Dheere ayaa hadalkii qaatey, oo yidhi: Fadhi inooma yaal, hadii waagu inaga baryo, waxa la arkayaa tiradeena, waana la ina qaqabanayaa.

 

Isagoo, hadalkiisa sii wata, qorshihiisii dagaal (War-plan techniques) dhaqsona ugada galay qorshayaal is barbaryaal ah oo dhawr boqol oo jabhad iyo shicib ahi, u waajihi lahaayeen ciiidan kumaankun ah saanadiisuna u dhantey. Waxaanu u dhignaa sidan:

 

(1) in dhamaan Wixii tikniko ah Isla galabta gacmaha lagu riixo ilaa 7 km oo dhanka dambe laga maraa madaafiicda!!! Waayo? Xuseen waxa uu Ku tiraabey hadii madaafiicda aynu qabsano dagaalka in lagu guuleysanayo, hadii aynaan qabana, marka la inagu garaaco dhagaxa iyo jeex- jeexa ayeeynu Ku madhaneyna.

 

Ciidankii lugtana afar meelood u qeybiyey isagoo Ka duulaya xogta uu sarkaalkii soo goostey bixiyey. Dagaal galintana Ayatulah: Maxamed-Cali ayaa masuul Ka ah. Waxaana la bilaabaya 3 AM habeenimo, si looga hormaro, waqtiga 4 AM oo Gen. Kaahiye kutalagaley in bilaabo madaafiicda, subixiina ciidanku Ku ruqaansado SNM-ta ku sugan gudaha Cadaadley.


Isla habeenkii 3am, ayaa sidii la isku ogaa ciidankii SNM xabadii bilaabeen, qeybtii madaafiicda ay cabsida Ka qabeen.

 

Iyadoo, qeybtaas madaafiicdu aheyd, furaha guusha uu Gen. Kaahiye, ku xisaabtamayay, ahaayeena in garaacaan xeryahoodii laga qabsadey oo si fiican u garanayeen, mudo ku siman 2 saacadood. Kadibna ciidanka lugta iyo tiknakada oo wada socdaa galaan marka saacadu tahay 6 subaxnimo.

 

Waxa halkaas durtaba ka baxey oo lagu waayey, cududii ugu culeysleyd ee ciidanka Siyaad Barre, waxaaney kaliftey in ay waajaheen isdhex yaac, niyad jabina u weheliyo. Dagaal waqtigiisii laga soo hormariyeyna ay bilaabaan.

 

Saacadu waa 4 AM oo wax dhiman, walina ma oogsan hiirtii wabari, aragana waxa ku gadaaman mugdi. Waxa ay qasabtey in ciidan badani oo lugta ahi, hal mar isasoo maqiiqaan, afkana uga soo galaan, ciidankii SNM oo hoostooda ku diyaar ah.

 

Waxa Maxamed-Cali farey ciidanka in la sugo, kolka ay inoo jiraan ilaa 10 talaabo in xabada lagu-boobo. Si qasaaraha ugu badan loo gaadhsiiyo, aragagaxna ku noqo(miyaan Burkaba Bahal ka fishay).

 

(2) dhanka cadowga, waxa isasoo tareysay jabka ciidanka, saanadoodiina si dhaqso ah u gubaneysay, marba, marka Ka dambeeya, waxa is-qoorsatey guuldarooyin isdaba jooga iyo baahiyaha guutooyinka(logistical support) Kala duwan oo gabi ahaanba meesha ka baxdey" sidaasna waxa yidhi korneylkii taakulada Hargeysa ka keeney.

 

Korneylku isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi "Ilaa ay gaadhey heer Gen. Kaahiye uu indhahiisa kusoo arko dabka kusoo huraya ee ciidankan SNM awoodiisu soo xooganeyso.

 

Gen. Kaahiye, waxa UU bilaabey in fooniyii(milatary wireless communication) toos ugu xidhnaa Gen. Morgan, uu bixiyey hadalo isdhaaf ah, marka uu tabinayo jabka ciidanka ku fasiraya in ay guul gaadhayaan.

 

Yeelkeedee, xili dambe uu isogaadey khaladka uu bixinayo, Gen. Kaahiye oo Ku caan ahaa American military uniform iyo qori, bastoolad aanu dhigi jirin, isagoo niyad jabsan dib usoo baxey geed weyn na hoos fadhiistey, halkaas, oo weysadiisii barkadey, baastooladiisiina lasoo baxey, laba Xabadood dhafoorka iskaga dhuftey, naftuna kaga baxdey.

 

Talo Faro Ka haadey, oo anigaa lawareegey taliskii oo ah korneylkii xaley yimid wax aqoon ahna deegaanka u laheyn, waxaan saxey khadkii, taarka, oo aan Morgan gaadhsiisey in ciidankii aad usoo gurmayo.

 

Si cadho leh, buu MorganIgu yidhi u dhiib taarkaGen. Kaahiye, waxaan ugu jawaabeytaliye nasasho gaaban buu qaatey, baan Ku jawaabey. Si isgaadhsiinta SNM tu u ogaan geeridiisa, hadii aan idhaahdo fasax dheer buu galey.


Layaab waxa igu noqdey, in Siyaad Barre khadka soo galey amarna Ku bixiyey in Xamar lakeeno meydkiisa. Ciidankii hambadiisiina aan Kala soo baxey goobtaas.

 

(3) Waxaan dharaartaas goob joog aan u ahaa Hargeysa oo bando saarantey, baabuur land- daroofar ah, oo mikrafoono ku xidhanyiin magaalada Hargeysa wareegayo, waxaana saaran, heestii ay midhaheeda ka mid aheyd. Samadiidoow dabin baa kuu qoolan, lagugu dili doonoo.....

 

Isla markii warkii dagaalka Cadaadley soo gaadhey Hargeysa. Waxa xaafadayada deganaa saraakiishii ciidanka Cadaadley qaarkood.

 

Waxaa durtaba dareemayaa, wajiyo murugo ka muuqato, rag afka isasaaraya. Aakhirkii waxaan soo dhinac marey, makhaayad ay Ku kulmi jireen taageerayaashii Siyaad Barre, degdeg baan talaabada u boobey anigoo cabsi igu jirto aargoosi iyo farxada warka aan maqlayo, dhagaheygu waxey maqlayeen, oo ah meydku waa wadhanyey min Cadaadley ilaa wadada Berbera, iyo dagaalkii weynu ku jabney.

 

Ugu dambeyntii ciidankii SNM waxay difaac ka xidheen jiidaha koonfureed ee Oodweyne iyo kuwa galbeed ee Bandar-wanaag.

 

Cabsi horleh ayaa soo food-saartey ciidankii Siyaad Barre, taas oo kaliftey in Gen: Morgan uu amrey taliyihii Bandar-wanaag in ay weeraan ciidanka SNM ee Cadaadley qabsadey. Ciidanka Bandar-Wanaag waxa uu heystey, saanad milatari oo culus heystey kana mid ahaayeen ilaa 12 kaare,

 

Nasiib-darro , taliyihii waa Ka diidey Morgan isagoo leh taliye, ciidankii Cadaadley ragii liqey iima daahayaan.

 

Morgan waxa uu ku celiyey waa amar, ee dhaqso uga hortag!!!!!! Taliyihii Bandar-Wanaag amardiidadaas waxa UU kaga jawaabey in uu isdilo.

 

SNM waxa Ka dhintey ilaa tobaneeyo, uu kamid ahaa Ismaciil Haaji Cabdi, xubin golaha dhexe ah, ahaana wariyaashii BBC da 1965-69, kana mid ahaa madax gudidada siyaasada ee golaha dhexe SNM.

 

 

 

W/Q: Maxamuud Biixi

 

[email protected]


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...