Xuska Furashadii Burco (27 May 1988).

0
Thursday May 28, 2020 - 12:03:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Furashadii Burco (27 May 1988).

    Faataxada Ha Loo Maro Halyeeygan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faataxada Ha Loo Maro Halyeeygan

Maanta Waxay Ku Beegantahay Maalintii Gobolka #Gabilay 27 May 1988 Ay isku Soo Maqiiqeen Mujaahidintii Guutadii 5-aad(Shanaad) Loo Yaqaanay Ee Uu Hogaanka u Hayay Mujaahid Mahdi Cali #Bidhiidh

 

Muj. Mahdi Cali Faarax.#Bidhiidh

 

Mujaahidkan deymada Libaaxa lihi, waa ninkii u sababta ahaa in ururkii SNM ay u soo baxaan ciidamadii ugu Tayada iyo tirada badnaa. Ciidankaas oo ahaa kuwii cagta mariyay ciidamaddii Faqashta ee Soomaaliya. Waa taliyihii dugsigii tababarka SNM ee AWAARE ku yaaley. Muj.Mahdi Cali Faarax.

 

Muj.Mahdi Cali Faarax wuxuu ku dhashay Jameecada oo deegaanka Gebilay ka tirsan sanadkii 1936, waxbarashadii qur’aanka iyo tacliintiisii Dugsiga Hoose/Dhexe wuxuu ku qaatay Gebilay, dugsiga sare wuxuu ku dhamaystey Suuriye ka dib wuxuu galay kuliyado dhinaca Ciidanka oo dalalka Suuriya/Masar ka tirsan, waxaanay derejadiisa ciidanku gaadhay Gaashaanle Sare.

 

Muj.Mahdi Cali wuxuu halgamayaashii ururka SNM ka mid noqday 1982. Xiligaas oo SNM bilow ahayd, mujaahidku wuxuu u noqday shamac ifiya halganka, khibradiisa ciidan oo aad u sareysay aawadeed. Muj.Mahdi Cali Faarax, wuxuu aad isugu taxaluujiyay in la helo ciidamo si adag u tababaran oo ka hortaga ciidankii cadowga ee waddanka heystay, taas oo suura-gashay Bishii saddexaad shanteedii 1984-kii, iyadoo maalintaas la furay dugsigii tababarka SNM ee ku yaalay magaalada Awaare, dugsigaas oo madax looga dhigay Muj.Mahdi Cali Faarax.

 

Mudo aan ka badneyn lix bilood ayuu Muj.Mahdi Cali, ku soo saarey ciidankii ugu tirada badnaa uguna tayada wanaagsana SNM,kuwaas oo ahaa ciidankii loo bixiyey SAYID-CALI. Ciidankaas oo lagu wareejiyay Muj.Lixle,si uu gudaha ula galo.Waxaase dagaal ku qabsaday meesha la yidhaahdo Burco-duurey, halkaas oo ay jabweyn ugu geysteen ciidankii dawladda ee duulaanka aha 17.October.1984. Isla bishii xigtay ee November.1984, ayey Ciidamadaas Sayid-cali waxay xoog ku soo galeen waddanka, dagaaladaas oo la baxay,dagaaladii buuraha, waxay jab weyn oo aanay ka soo waaqsan gaadhsiiyeen ciidan ku sheegii maato dooxa ahaa ee Soomaaliya.

 

Muj.Mahdi Cali, dhisada ciidamada ka sokow wuxuu qayb ka ahaa duulaankii weynaa ee SNM soo qaaday 1988-kii, wuxuuna madax ka ahaa guutadii 5-aad, oo ka tirsanayd waaxdii Aaga Maka ee weerarka ku ahayd Hargeysa iyo naxaawigeeda. Muj.Mahdi Cali iyo guutadisii 5-aad waxay si gooniya ugu jihaysnaayeen Gabiley iyo naxaawigeeda, halkaas oo ay si xarago leh kula wareegaan 31.MAY.1988.

 

Alle ha u naxariistee halgamaa, Muj.Mahdi Cali wuxuu ku geeriyooday Durya oo ka tirsan Itoobiya, 25/11/89-kii. Sida la sheegay wuxuu u geeriyoodey beerka, waa isla beerkii uu u geeriyoodey Muj.Ibraahim Koodbuur 1987-kii, waxayse u dhowdahay in labbadaas mujaahidba ay ciidankii dooxata ee Maxamed Siyaad Barre ay sumeeyeen.

 

Maxaa Geesi Kugu Maqan!

Sawirka imisa mujaahid ayaad ka garan?

 

W/Q: Muxyadiin Yuusuf




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...