Mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha ugu saameynta badan oo dul saaran seefta Cumar Filish

0
Thursday May 28, 2020 - 10:35:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha ugu saameynta badan oo dul saaran seefta Cumar Filish

    Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in degmadiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in degmadiisa


Cumar Finish oo saacado dheer gudoomiyay maanta shir amniga looga ...


Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaan iyo dabagal ku sameyneysa mid ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo ku eedeysan arrimo la xiriira masuq maasuq iyo xadgudub dadweyne.

 

Maxamed Abuukar Jacfar, Guddoomiyaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa wajahaya tacadi maalmihii u dambeeyay ay ku eedeynayeen dhalinyaro ku nool degmadaas.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi kooban u saartay iney baaraan eedeymahaas,waxaana wararka qaar sheegayaan in guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Guddoomiye Jacfar si loo soo dhammeystiro baaritaanka eedeymaha loo heysto,maadama dhowr kiis ah oo halis ah lagu eedeynayo.

 

Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in degmadiisa uu yaal xabsi si gaara loogu ciqaabo dadka dhaliila siyaasadda guddoomiyaha degmada Deyniile, balse Maxamed Abuukar Jacfar ayaa eedeyntaas gaashaanka u daruuray isaga oo ku tilmaamay inay tahay waxba kama jiraan.

 

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa la wareegay xabsiga Cusboole oo guddoomiye Jacfar lagu eedeeyay inuu dadka ku dhibaateyn jiray.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa si aad ah loo hadal hayay in guddoomiyaha degmada Deyniile uu xabsi gaara ku dhibaateeyo dadka dhaliila isaga iyo maamulkiisa.

Loading...
Loading...