Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsi Umadeed Ee U Baahan IgmashoMasuul. W/Q: Abdishakur Gande.

0
Thursday April 11, 2019 - 14:50:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsi Umadeed Ee U Baahan IgmashoMasuul. W/Q: Abdishakur Gande.

    Wadaniyada ayaa ah waajibaad muwaadin walba faraysa Xil ka saaran wadankiisa. Balse,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadaniyada ayaa ah waajibaad muwaadin walba faraysa Xil ka saaran wadankiisa. Balse,
Xilka ugu mudan baa ah igmashada ama magacaabista Madaxwayne uu masuuliyad sharciyan ah oo shacabka u hogaamisa qofka Madaxwaynahu igmaday. Sidoo kale, qofkaasi loogu hagaagayo xisaabtan uu ku muto abaal marin iyo ciqaab sharciyeed waafaqsan hadba siduu u guto xilkuu qaranka u hayay. Xilka ama masuuliyadu ma aha wax sahlan oo si sahlan lagu doono haddaanad isu garanayn in aad qaadi karto ama aad tahay qof qarankan in uu xil u qabto wax usoo kordhinaya. Taasi waa sababta maqaalkan keentay.
.


Mudane Madaxwayne, Waxa duurka & dibada ka jooga xukuuumadaada & dawladnimada ba halyayo hibo & hawlkarnimo leh balse hirdiyeen rag nasiib u helay inay hareertaada joogaan ilaa ay hilinka wanaagsan ku baal marinayan. Hogaamiyuhu markaste ma noqdo midka talo ugu haboon balse markaste wuxu noqda midka u nasiibka wacan ee nasiibka uhelay hogaanka dalka. Balse hawsha qaranku waxay sida u haboon u hirgasha is-hareero jooga haldoorka qaranka & kaashiga waxgaradka talada wanagsan. Rag gobanimo, xeerin & garasho gondahooga buuxisay baa wadaniyad darteed u hogaansan gaf. Umada dulmi u adkaysataa waxay kacdaa xili ay adkaato in kalsooni dib loogu helo qaranimo & wax wada lahaansho danbe. Mudane madaxwayne haldoorkii mudna inay maamulka dalka ka muuqdaan marka loo eego waayo aragnimo & aqoon ayaa dalkoogii marti u ah taasi muwaadinka samraya waa u wadaniyad dalka na waa masiibo waayo waxaa la lumiyay awood dal ama khayraadkii dalka ee in laga faa'idaysto ay muhiim ahayd. Sidaa waxa ka dhigan haldoorkeena wadamada dariska ku macasheen iyago looga faa'idaystay fursadaha hogaamineed ee ay wadamadaasi iyadoo tixgalin la'aantu & caqabado jiraa yihiin sababta ku kaliftay inay dalkooga, dal kale dhaafsadaan maadamo ay u arkeen xalka mustaqbalka nolashooda. Iyadoo xaqiijinta kartida ay leeyihiin inay meel kale ku muujiyaan sababtay qarankoogii ugu wacad fureen.
.

Qofku Intuu Kutari Karuu Kuyeeli Kara --

.
Nin waxba ku yeeli karin waxba kuma tari karo. nin wax ku tari karaa wax kuyeeli kara. Qofku qiimahu leehay hadii la qirin mar aan munaasib ahayn buu meel aan la jeclaysan qiimahiisa ku muujiya.
.

Haddalka Aan Saafo--

.
Run ahaantii, xisbinimada midka lagu yahay ee dimuqraaddiyad ku dhisan baa waxaad lahaanshiyo, wax isku darsi. Tusaal: sida dhari lawada bislaysanayo si baahida guud loo reebo. Sidaadarteed, dharigaa ninja wax but ku darsadaa. Qof basal keena, ku Baradho keena, mid milix Kudaray, mid xawaash ku rita iyo kuwa ugu damaca sareeya ee hogaanka ah oo Cad/hilib kudarsaada. Sikaste ha ahaate qof waliba damac buu leeyahay. Sidaa waxa ka dhigan rabitaanka murashaxa wuxuu ku hirgala halganka raga hareero jooga iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga halka rabitaanka ama hanka xisbiyanada u baahan in ay xukuumada kasoo muuqdaana Amarka Eebe kasokow ku xidhan yahay igmashada / magacaabista Madaxwaynaha.
.

Mudane Madaxwayne markaa ku dooranaynay badhkaayo waaxay u taagnayd waa markaygii se anigu waxaan kala dooranayay hogaanka qarankayga himiladiisa hirgalin kara kaan u doortay ee halganka hawsha badan ee maskax, muruq iyo maal ba aan u huray adiguu ahaa ilaa maanta na waan kugu hareer tagaanahay talada qaranka oo adigaa sheegay in taladu ku toosayn madaxwayne kaligii lagu eego ee ay taabagalayso wada shaqayn & hogaansanaan.
.

Aduunyada waxa ugu daran
Nimaad sugaysoo soosocon
Nimaad sooryaysoo kaa socon
Iyo nimaad saartay oon kusaarin.
.

Siyaasada wax isku darsiga (Siyasad wadaaga) ayaa ah in aad qof aad saarto halka uu rabo. Adigoo u baacinaya in markad heegada saarto isna gacan kuu fidiyo. Sidaadarted, Aduunyada waxa ugu daran, Nimaad sugaysoo soosocon, Nimaad sooryaysoo kaa socon, Iyo nimaad saartay oon kusaarin.
.
Qalbiga faraj raadinaaya
Ha quusan adoo faraaya
Miyay fahmayaan dadku
Inaad Farxad muujinayso
.
Abdishakur Gande
Abdishakur Mohamed Hassan (Gande)
634200882 / 634454882 / 654200882
Hargaysa, Maroodijeex Somaliland.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...