Codkeedii Xabeebta Lahaa.

0
Thursday May 28, 2020 - 10:27:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Codkeedii Xabeebta Lahaa.

    W/Q: Bare Maxamed Cabdi Calihayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bare Maxamed Cabdi Calihayaan

Berigii ma xasuusataa? berigii aynu isku fasalka ahayn. Alla maxaan ku xiisayn jiray. Codkaaga ayaan ka heli jiray. Cod yar oo xabeebi ku jirto ayuu ahaa. Laakiin maad hadal badnayn sidaa darteed marmar ayaan maqli jirayba codkaaga. Horta tii yarayd maxaad ka raaci jirtay. Waan xasuustaa, Ifraax baa la odhan jiray. Anigu waan necbaa iyada. Xaggaaga markaan soo jalleeco ayaan arkaa iyada soo eegaysa. Markaasaan sii jeestaa. Subax annagoo dugsiga ku sii soconna ayay igu tidhi shinbirtaa xuurta ah waan daawanayaa ee ha iga duulin. Anna waanigii dhagax ku tuuray. Waa tii markaanu dugsiga gaadhnay macallinkii axmaqa ahaa ee Geesa-garaac igu dirtay. Isna ima waraysane labada dhegood intuu I qabtay ayuu kor ii qaaday gebigaygaba. Qoortaa I kala bixi gaadhay. Aax. Wuxu axmaqsanayaa. Laakiin jaarbaad ahaydeen. Sidaa darteed baad u saaxiibteen kollay.

 

Intii aanad naga beddelan fasalku wuxu ii ahaa mid xiise badan. Mayee adiga ayaa bili jiray. Xiisadaha si fiican ayaan u dhigan jiray. Far qurux badan ayaan casharka ku qori jiray. Maalintii buuggayga saynis ii dhiib aad igu tidhi ma xasuusataa? Waa maalintii koowaad ee codkaaga oo magacaygu ku dhawaaqaya aan maqlay. Alla farxad waynaydaa!!! Hee walaal. "Buugaagga sayniska ii dhiib casharkii shalaybaa Iga maqane? Haye. Waanigii degdeg kuugu dhiibay. Isu soo dhawaansho ayaan dareemay. Ugu yaraan dad wax iska caawiya. Waadigii maalin labaadiiba ii soo celiyay. Wax uun fariin in aad isoo raacisay waanigii ka baadhay. Xaashi xaashi ayaan buugga u baadhay. Xabbad yar oo ubaxa xataa kumaad soo sawirin. Maxaad igaga soo celinaysay walaal bahalka qalalan. Mise adiga idaacadaasi kuuma daarnayn?

Anigu love baan kuugu soo sawiri lahaa. Maxaad yeeli lahayd haddii aan kuugu soo sawiro? Ma macallinkaad igu diri lahayd? Mise waxbaad ila fahmi lahayd?

Maya adigu kolay ilbax baad ahayd. Taa Geesa-garaac igu dirtay waad ka khatarsanayd.

 

Bareefadkii Seef ayaan kaa raadin jiray. Waan kaa waayay isagana. Inaanad dhigan baan yaqiinsaday. Bareefadka maxaad ugu biiri wayday walaal? Englishka ayuu si fiican noogu dhigi jiray. Dadkoo dhan baa dhigan jiray. Balcad laguma tegi jirin sida iskuulka ee qof waliba isaga oo xaragoona ayuu Iman jiray. Waxan is lahaa halkaa ha kugu aragto adoo is yar giijiyay. Waxan is lahaa practice ka aad wada qaadataan. Wax walba waa la is weydiin karayay marka practice ka la samaynayo. Haa, wax walba. What do you do in your spare time? Do you know about love? Iyo suaalo kaloo badan. Fursad wanaagsan ayuu ahaa. Xataa marka dambe aad sii dhaweysid ayaan lahaa. Maxayse ku taalaa. Anna waanigii nacay bareefadka markaad ku soo biiri wayday. Waan iska tegtegi jiray uun. Niyad umaan haynin.

 

Laakiin aroortii marka safka iskuulka la gelayo ayaan lineka innamada u dambayn jiray si aan kuu arko. Hablaha inanta ugu soo horaysa iyo kan inamada u dambeeya ayaa isu xiga. Adna hablahaad ugu dambaysaa. Maxaan ku arkaa markaa? Miyaad xishood badnayn horta? Haa kolay, waa waxan kaaga heli jirayba.

 

Waanigii mar uun ku waayay. Codkaagii ayaan u xiisay. Dabayaaqadii 2002, markii aad dugsiga beddelka ka qaadanaysay haddii aan ogaan lahaa, anna waan qaadan lahaa. Waan ku raaci lahaa. Dugsiga aad tagto ayaan tegi lahaa. Fasalka lagu geeyo ayaan weliba jeclaan lahaa in la I fadhiisiyo. Dugsigaa laguu beddelay haddaan garanayo way fiicnaan lahayd. Laba goor ayaan kulannay waagaas ka dib. Mid waa 2007dii. Kullan degdeg ah buu ahaa. Waxba kama xasuusto. Is maynaan waraysan. Kulanka labaadna wuxu ahaa 2011kii. Codkaaga ayaan gartay adoo niqaaman. Maxaan u garan waayay. Waa codka aan u jeclahay dunida. Sidiisii ayuu ahaa codkaagu. Qofku markuu weynaado codkiisu saw Isma beddelo. Adiga sidii uun buu. Xabeebtii yarayd. Alla codkaagu wanaagsanaayaa. Illaahay baan ka baryi lahaa in uu sidaa codkayga ka dhigo haddii aanan gabadh u cod eekaanayn. Maalin dhawayd ayaan arkay inan codkaagii mid u dhaw leh. Codkii xabeebta yar lahaa. Naxariis badnaayaa. Markaas ayaan ku xaasuustay. Immika xageed ku nooshahay? Ma hooyaad tahay mise weli gashaanti?

Fadlan ila soo hadal mar uun. Waan jeclaan lahaa in aan codkaagii mar uun maqlo. SCK marka aad I tidhaa haddii aan codkaaga garan waayo fadlan iska dhig telefoonka hana ila sii hadlin. Waxan hubaa in aan garan doono.

 

Fiiro gaara: Maadaama qisada dhan tahay, magacyada aan adeegsadayna run yihiin; yaan cid la xusin.

 

W/Q: Bare Maxamed Cabdi Calihayaan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...