Waa Qoraal Luxdan Ee Inta Danbe Si Fiican U Akhri Muwaadin Dhamaatii

0
Thursday May 28, 2020 - 10:00:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Qoraal Luxdan Ee Inta Danbe Si Fiican U Akhri Muwaadin Dhamaatii

    Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Ahmed_Siilaanyo si kasto loo lahaa xasuustiisa hoos u dhacdey. Hadana fagarayaal badan oo caalamiya ayuu Isla soo taagey khudbaddo dhaadheer oo qadiyadda Somaliland uu ku soo bandhigayey. Isago isticmaalayay weedho culculus oo diplomasiyadeed aan la liicin kareyn oo kalsooniyi ka muuqatey.

 

Dhageys-tayaasha fagarayaashu ka hadleyna aad bey ugu riyaaqi jireen. Iyadoo suaalo badana laga weydiin jirey oo uu kaga jaawabi jirey si hufan oo cilmiyeysan.

 

Waligey inta aan xasuusto maalin uu xanaaqey waxa jirtey mar uu ka hadlayay maxaddka darasaadka caalamiga ah ee IRI Markeykan.

 

Gabadh reer buhoodle ahi, hadalka kala joogin weydey iyadoo leh. Ciidanka Somaliland haka soo baxo gobolka Sool. Markii xidhiidhiyihii madashu yidhi sug hadaba halagaga jawaabe bey aamusi weydey.

 

Markaasu intuu xanaaqey yidhi Rabish. Inta badan waxu ku ahaa saxaafadda balaaqi.

 

Markuu SNM ahaa wariyayaasha BBC sifiican buu isaga celin jirey. Waxaan qabaa inuu kursi jeclaa, maamulkiisa waxii ka qaldamey dad badan oo siyaasadda faleeya waxey qabaan in aanu waxbadan kala socon.

 

Aragtiyo kuwaas ka duwan ayaa qaba in aanu masuuliyadda isagu lahaa, markaa aan loogu garaabeyn waxba muu ogeyn. Isku soo wadda duubo waqtigiisii wuu soo qaatey, wallow uu maanta gaboobey. Siyaasaddana Ka baxey.

 

Anigu waxaan Ka midka ahaa dadka xukumadisii ugu dhaliisha badnaa waxaan filaayaa 1000 iyo dheeraad article baan ka qorey. Hadaaneyba Ka badneyn.

 

Balse shaqsiyadisa marnaba maan aflagadeyn jirin. Waxaanse mar walba tilmaami jirey ama sheegi jirey waxey xukumadiisu qaladdo. Qolyo reer kulmiye ah baa igu odhan jirey.

 

Adigu waddani waad ka horeysa bal qalinka yara dhig. Qaarkoodna qabeen in aan degaan ahaan u maagayo. Waxaan xasuusta kulankii isagu kaayo horeysey isaga iyo aniga intuu xafiiska joogey waxu ahaa 10 October 2010.

 

Sifiican buu ii qaabiley, balse iskumaanu raagin xukumadiisii oo markaa raga ku jirey dowladdnimadda ku wadda cusbaayeen oo qofka xukumadii UDUB ku jirey u heysta (GAALYAR).

 

Markaan arkey ayaan iskaga tagey shaqadii xukumadda. Isaguse maalinta imuu tusin cunsuriyad ama naceyb uu u qabey dadka xukumadaas la shaqeynayay.

 

Markaasna waxa socotey sidii mansabyadda dowladiisa looga buuxin lahaa tageerayaashi xisbiga kulmiye oo aan xukumadiisa raga kujiraa qarsaneyn.

 

Kulmiyahii wagaas iyo kulmiyaha maantase farqiweyn baa u dhaxeeya. Waayo xisbiga kulmiye isaga hadda isugu filan mucaaradd.

 

Waayo rag badan oo banaanka la dhigey ayaa sidda curiga (Guuxaya) oo aan mooda iney bisad gaadayaan!!!! UUC OOH. Iyagoo tirsanaya hogaamiyaha maanta iney tacab badan galiyeen inuu kursiga yimaado.

 

Weyse dhacdaa intaad Geed beerto inuu ka qaado. Waxase la sameeya lagama samree beerta inta dib loo baaqbaaqo ayaa dib mid kale loo abqaala. Waxaana qabaa Geedka cusub ey beeri doonaan inuu noqon doono Xisbiga Waddani.

 

Waxaan leeyahey sidii aad waagii u fekereyseen u fekeri meyne. Soo dhowaadda qof-walba oo siyaasadda maanta xukumadda kulmiye saluugsan waxaan leeyahey xaruntii isbedelku waa WADDANI. Waayo siyaasigu mar walba waxu raadinaya (political Market)

 

Markaa suuqa maanta macaashka siyaasadeed ee mustaqbalka ah lahi waa halkan ee (Siidhka) aad rabtaan inaad beertaan xisbiga kusoo ridda si aad uga mid noqotaan guusha mustaqabalka. Dalkana isbedel cudoon oo caafimaad qaba oo umaadu gacmaha iswadda heysato loo gaadhsiiyo.

 

Alle caafimaadka ha u siyaadiyo.

Faaladda Caawa.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...