Maamulka Koofur galbeed oo shegtay in dib loo furay wadooyin Cusub
maamulka Koofur Galbeed soomaaliya oo la hadlay warbaahinta
Ciidamo ka tirsan Militariga Somalia ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dib u dhis ku sameeyaan waddada isku xirta Jannaale iyo Buufow bacaad oo ay jareen, iyadoona arintan ay ka hadleen Masuuliyiinta maamulka Koofur galbeed Somalia.
maamulka Koofur Galbeed soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Koofur galbeed ay ku guuleysteen in ay dib u furaan wadada isku xirta Jannaale iyo Buufow bacaad oo go’doon aheyd.
Hadalka wasiirka arimaha gudaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ay booqasho ku tageen wadada isku xirta Jannaale iyo Buufow bacaad ee gobolka shabeellada Hoose.
Loading...
Loading...