Xubno Somaliland u Dhashay oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Sheegay in Madaxda Soomaaliya Cadaadis Ku hayaan

0
Thursday May 28, 2020 - 06:13:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Somaliland u Dhashay oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Sheegay in Madaxda Soomaaliya Cadaadis Ku hayaan

    Xubno Somaliland u Dhashay oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Sheegay in Madaxda Soomaaliya Cadaadis Ku hayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno Somaliland u Dhashay oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Sheegay in Madaxda Soomaaliya Cadaadis Ku hayaan

Muqdisho(HWN):-Xildhibaanno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana ka tirsan Mudanayaasha labada Aqal Baarlamaan ee federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay cadaadis xooggan iyo cabbudhin kala kulmayaan Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.


Xubno Xildhibaannada Somaliland u dhashay ee Baarlamaanka federaalka ka tirsan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in guddi loo saaray diyaarinta xubnaha doorashada ka qaybgeli doona iyo habka saamiga ee gobollada Somaliland ka helayaan federaalka, ay u shaqaynayaan hab ka duwan ujeeddadii loo xulay, isla markaana ay adeegsanayso Xukuumadda nabad iyo nolol iyo Madaxda Xisbiga dowladdu.


Waxay Xildhibaannadani ku doodeen inaan la doonaynin in doorasho ka qabsoonto Soomaaliya 2020-ka, isla markaana guddigii ay dirsadeen dowladda kala shaqaynayaan sidii ay doorashadu u habsaami lahayd, muddo-korordhsina loo heli lahaa iyo weliba inay Madaxda dowladdu si gaar ah u adeegsanayso.

Xildhibaannada hadlay, waxay ku doodeen inaanay aqbali doonin qorshaha Xukuumadda nabad iyo nolol iyo xubnaha Xildhibaannada iyo Wasiirrada ah ee reer Somaliland doonayaan inay ku maroorsadaan talada Dadka u dhashay Somaliland iyo waxa laga yeelayo iyo habka doorasho ee ay ku iman karaan in shaqsiyaad gaar ahi afduubaan.

Hadhwanaagnews,Office
Muqdisho,Soomaaliya

Loading...
Loading...