Soomaaliya Oo Cadaysay Noocyada Hub Ay Ka Heshay Masar Iyo Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay

0
Wednesday May 27, 2020 - 19:46:42 in News by
  • Visits: 3739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Cadaysay Noocyada Hub Ay Ka Heshay Masar Iyo Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay

    Soomaaliya Oo Cadaysay Noocyada Hub Ay Ka Heshay Masar Iyo Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Cadaysay Noocyada Hub Ay Ka Heshay Masar Iyo Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay


Hargeysa(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay hub noocyo kala duwan ah oo ay ka heshay dalka Masar.


Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa warqad uu xafiiskiisu soo saaray ku shaaciyey in hub iskugu jira noocyo kala duwan isla markaana ay tiradiisu gaadhayso 4510 isaga oo xusay in hubkan ay isticmaali doonaan ciidamada kala duwan ee amaanka soomaaliya.





Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya ayaa warqada xafiiskiisa ka soo baxday oo si qarsoodi ah loo helay ayaa waxa uu ku xusay in hubka ay dawlada soomaaliya ka heshay wadanka Masar aan la ogolaan doonin in dib loo sii iibiyo isla markaana aanay gacanta u gali doonin cid aan ka tirsanayn ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Ka Soo Baxday Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo

Noocyada Hubka Ku Xusan.

No photo description available.

Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaa soo bandhigtay walaac xoogan oo ay ka qabto hubka kala duwan ee dawlada Masar ay gacanta u galisay Soomaaliya.


Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka oo uu kaga jawaabay hubka Soomaaliya ay ka heshay Masar ayaa waxa uu ku yidhi "Xukuumadda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay dowlada Somalia inay ku guuldaraysatay inay u hogaansanaato cuna qabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay.


Waxaan cambaareyneynaa Dowladda Masar ku xadgudubka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Tani waxay khatar weyn ku tahay nabadda & xasilloonida gobolka.


Halkan Hoose Ka Akhriso Jawaabta Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland




Loading...
Loading...