Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Arimaha Xasaasiga Ah Ee Doorashooyinka Soomaaliya

0
Wednesday May 27, 2020 - 19:07:26 in News by
  • Visits: 1973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Arimaha Xasaasiga Ah Ee Doorashooyinka Soomaaliya

    Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Arimaha Xasaasiga Ah Ee Doorashooyinka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Arimaha Xasaasiga Ah Ee Doorashooyinka Soomaaliya



Muqdisho(HWN):-Mucaaridka Soomaaliya ayaa ka digaya in mudo kordhin loo sameeyo madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada raysal wasaare Khayre isla markaana dalbanaya in doorashooyinka lagu qabto wakhtigoodii.

Cabdi Xaashi Oo Sheegay In La Xaliyay Khilaafkii M/gobaledyada ...


xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa lala xidhiidhinayaa inay samaynayaan mudo kordhin ay wakhtiga ku sii dheeraysanayaan madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada uu soo dhisay raysal wasaarihiisa Xasan Cali Khayre.


Hadaba guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi dheer bixiyey ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/21-ka.


Ugu horreyn Senator Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha lagu qaban doono waqtiga saxda ah ee loo qorsheeyey.


Sidoo kale wuxuux tilmaamay in aysan doorashada soo socota saameyn doonin dib u dhigista lagu sameeyey furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka iyo sidoo kale warbixinta la filayey in laga dhageysto guddiga doorashooyinka oo iyana dib loo dhigay.


Guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa xusay in dalka ay ka jiraan duruufi is-biirsaday oo ugu daran tahay tan cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay.


Cabdi Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in mudada kooban ee u hadhsan ay ku dardar-gelin doonaan hawlaha horyaalla, islamarkaana ay gudan doonaan waajibaadka saaran.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo beesha caalamka & xubnaha mucaaradka ay walaac ka muujiyanayaan diyaar-garow la’aanta dowladda federaalka ee doorashada 2020-2021-ka, iyagoona ka digay in muddo kororsi loo sameeyo ha’adaha dastuuriga ah.

Loading...
Loading...