War Deg Deg Ah:-Gobolka Sool Oo Laga Xaqiijiyey Kiisaskii Ugu Horeeyey Ee Covid-19 Iyo Tirada Dadka La Helay

0
Wednesday May 27, 2020 - 19:02:48 in News by
  • Visits: 1777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Gobolka Sool Oo Laga Xaqiijiyey Kiisaskii Ugu Horeeyey Ee Covid-19 Iyo Tirada Dadka La Helay

    War Deg Deg Ah:-Gobolka Sool Oo Laga Xaqiijiyey Kiisaskii Ugu Horeeyey Ee Covid-19 Iyo Tirada Dadka La Helay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Gobolka Sool Oo Laga Xaqiijiyey Kiisaskii Ugu Horeeyey Ee Covid-19 Iyo Tirada Dadka La Helay

Laascaanood(HWN):-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyey ee xanuunka Coronavirus.


isuduwaha wasaarada caafimaadka somaliland ayaa shaaciyey in la xaqiijiyey laba qof oo uu ku dhacay xanuunka Coronavirus kuwaas oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo uu sheegay in hada xaaladooda caafimaad gacanta lagu hayo isla markaana ay rajaynayaan inay ka soo kabsadaan.





"Waxaan haynaa laba qof oo bukaan ah, haatana xaaladoodu aad ayay uga soo raynaysaa" sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Isuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool oo intaas ku daray in cabsi badan ay magaalada ka jirto iyadoo buu yidhi aanay dadka magaaladu uba soo jeedin wacyigelinta.


Kulan ay saaka ku yeesheen gudiga ka hortaga COVID-19 xarunta wasaarada Caafimaadka ayay ka soo jeediyeen in bulshada la fahansiiyo dhibaatada uu xanuunkan leeyahay iyo sida fudud ee uu u faafo.


Waxa ay gudigu sheegeen in haatan baadhista iyo daweyntuba ya yihiin Bilaash, iyagoo aad ugu dheeraaday in laga hortago khatar aan hadhow wax laga qaban karin.


Guud ahaan gobolka Sool ayaan haba yaraatee aanay jirin wax isbedel ah oo looga hortegayo xanuunkan marka laga reebo goobaha wax lagu barto oo xidhan taasina waxay si fudud u faafin kartaa xanuunka oo dad badan oo bulshada ka mid ah shaki ay ka qabaan gooniyaynta oo ay isku difaacaan in hargab uu hay.


Loading...
Loading...