Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo Siiyey Somaliland, Fariina U Diray Hogaamiye Muuse Biixi

0
Wednesday May 27, 2020 - 18:29:46 in News by
  • Visits: 2884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo Siiyey Somaliland, Fariina U Diray Hogaamiye Muuse Biixi

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo Siiyey Somaliland, Fariina U Diray Hogaamiye Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo Siiyey Somaliland, Fariina U Diray Hogaamiye Muuse Biixi

 


Hargeysa(HWN:-Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka hadlay talaabadii uu madaxweyne Farmaajo raaligelinta kaga bixiyey tacadiyadii ay dawlada Siyaad Bare u gaysatay shacabka somaliland.



Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa warbixin ku saabsan amaanka soomaaliya oo uu siinayey golaha amaanka waxa kale oo uu fariin ugu diray madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi.

Letter to HE UN Secretary-General-Elect Antonio Guterres ...

Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Gutteres ayaa soo dhaweeyey kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiye Muuse Biixi isaga oo ugu baaqay inay soo xoojiyaan xidhiidhka u dhaxeeya.


Xoghaye Antonio Gutteres ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi waxa uu ahaa talaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan ee togan,waanan bogaadinayaa , madaxweyne Farmaajo-na waxa uu soo saaray warbixin oo uu ku qiray raali gelina kaga bixiyey tacadiyadii iyo xad gudubyadii ka dhanka ahaa bani-aadamtinimada ee ay gaysatay dawladii Siyaad Bare, Muuse Biixina wuu aqbalay raaligelintaas.”


Xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo hadalkiisa sii wata intaas raaaciyey " Waxaan u soo jeedinayaa labada hogaamiye ee Soomaaliya iyo Soomaliland inay dhisaan xidhiidhkooda oo ay kobciyaan si ay u sameeyaan horumar laga gaadho wada hadalada soomaaliya iyo somaliland.


Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa nasiib daro ku tilmaamay in wada hadaladii somaliland iyo soomaaliya ay taagan yihiin tan iyo wakhtigii ay hogaanka qabteen Muuse Biixi iyo madaxweyne Farmaajo.



Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland


Loading...
Loading...