Wasiirka Amnigga Galmudug Oo Digniin Adeg Kasoo Saaray Khamriga

0
Wednesday May 27, 2020 - 15:34:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amnigga Galmudug Oo Digniin Adeg Kasoo Saaray Khamriga

    Wasiir Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa u sheegay in dhamaan baraha Koontaroolada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa u sheegay in dhamaan baraha Koontaroolada




Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si rasmi ah ula wareegay dhammaan baraha Koontaroolada ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay maamuli jireen Ciidamo Maleeshiyo beeled ah.

 

Wasiir Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa u sheegay in dhamaan baraha Koontaroolada laga soo galo iyo kuwa Canshuuraha lagu qaado lagu wareejiyay Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo goobaha ka shaqeyn doona.

 

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska looga baahan yahay inay wadashaqeyn la yeeshaan Shacabka Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay dhankooda la shaqeeyaan laamaha amniga.

Dhinaca kale Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu tilmaamay in deeganada Galmudug laga mamnuucay waxyaabaha maanka-dooriya oo uu ugu horreeyo Maandooriga loo yaqaano Khamriga.

 

Isaga oo sii hadlaayay Wasiika amniga Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in shaqsigii lagu arko isagoo ka ganacsanaya ama isticmaala uu maamulka tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.

 

La wareegida baraha Kontaroolada ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , Wasiiro iyo madaxda maamulka Gobolka mudug iyo kan Gaalkacyo.


Loading...
Loading...