Wax Na Diley. W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
waqtigu uu curtey wuxu ku beegnaa xiligii maamulkii rayidka ahaa ee dawladii somaaliya. Abwaanku wuxu dadka somaliyeed u hoga tusaalaynayaa dhibkii xiligaa ka taagnaa maamulka iyo dadkii rayidka ahaa ee ay xukumayeen. Wuxu si hufan abwaanku inoogu soo tabinayaa hadimooyinkii iyo dhibkii faraha badnaa ee maxkamadahii somaliya ka jiray, odayadii nin tooxsiga iyo eexda ku dhaqmi jiray ee sharciga ku tuman jiray, wuxu si gaar ah abwaanku ugu sheegayaa laaluushka ay caadaysteen maxkamadihii umada u garsoori jirtay ee uurxumada kala dhexdhigtay bulshadii walaalaha ahayd, muu iloobin inu inoo sheego in aanadu ay garaadka aadmiga dhaawacdo oo cadaalad darada aabaheed tahay, wuxu soo tabinayaa aargoosiga iyo dulmigu inay yihiin laba ilmaadeer isu ah oo aan sinaba ukala dheerayn, xaqii oo goor horeba laga talaabsaday ayuu meerisyada soo socda ku bayaaminayaa, sidoo kale tolnimo qabiil huwan oo layskugu abtiriyo oo umadii yar iyo weyn u hamuun qabaan markii binu aadminimada laysku qadarin waayey ayuu ku xejinayaa, sidaas aan soo sheegnoo dhan waxa ka dhigan masuul xil loo igmaday oo dadka inu dhex u ahaado loo doorbiday oo dadkiisa kala xishoon waayey qaybin, qabyaalad qaawan, cadaalad daro uu u horseed ka yahay, wuxu yidhi abwaanku isagoo arimahaas oo dhan tilmaamaya:
· Afkaa laga maqlaa maadadiyo ereyga qaanuune
· Faqli guriga lagu soo ebyey ka akhriyaan koodhe
· Iyo oday ergo ah baa sharciga dila abidkoode
· Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan uurxumiyo ciile
· Aanaduna cadligaa laga tegay aabaheed tahaye
· Aargoosigiyo dulmigu waa isu adeere
· Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye
· Hadii uu insaaf jiro qabiil lama ogaadeene
· Kolkuu oday durbaan tumuu inana ciyaaraaye
· Waxa ka dhigan masuul edeb la’oo lagu ilqaadaaye.
Suurogal maaha in aad dadka xumaha ka waaniso hadana wixii aad ka waaninaysay aad adigu ahaato mid marwalba lagu arko kuna dhaqma falal liita, dadku marnaba kaama aqbalo qalad ay kugu arkayaan, ma haboona in aad iintaada arki kari weydo ama ceebta ay dadku kugu sheegayaan.
Abwaanku alle ha u naxariistee meerisyada soo socda wuxu
inoogu soo tebinayaa dhibaatooyin badan oo dadka somaliyeed haysta wuxu ugu
horaysiiyey
· Danbi aanad ogayd qofkii galay hayeeshee aad aanadiisa marwalba laguu haysto oo adigu aad bixinayso
· Waxa kale oo aad uga cabanayaa abwaanku ku faanida qabyaalada oo noqotay wax shaac baxday oo umadu isku faanto oo laandheeranimo laysku tookho waxna lagu qaybsado.
· Wuxu sidoo kale abwaanku dhib ka sheeganayaa dawlada oo aan dadkeeda waxba u qabanayd albaabadii danta guud ahaa ee dadka lagu hanuunin jireyna ood saartay.
· Abwaanku meerisyada dhexe wuxu kaga cabanayaa in maamulkii somaliyeed ee xiligaa ay jeclaayeen in aanay dhulkooda ilaashan oo dadka ajaanibta ah ee wadamadaa ka yimaada ay qabsadaan oo Kongo lagu abuuro.
· Ismaqal la’aan lagu saliday umada somaliyeed oo aanay is adeecayn ayuu markana abwaanku inoo soo tebinayaa inaguna jalbeebinayaa
· Meerisyada xiga wuxu kaga cabanayaa tujaarkii iyo ganacsatadii ku maal heshay dhiiga umada iyo ku qaali garaynta ascaarta dibadaha laga soo dhoofiyo, iyo sidoo kale shaqaalihii u shaqayn jirey ee iyaguna qiimaha ku dalaci jirey.
· Abwaanku wuxu soo bandhigayaa dibindaabyada ay dadka somaliyeed u horseedaan qofka horumarka ka shaqeeya, iyo sida aanay marnaba guul ugu ogolayn inu qofkaasi gaadho qarankiisana horumariyo, wuxu inoo sheegayaa in qofkii wax abuuri lahaa loo sheekaynayo waqtigana laga luminayo.
Arimahaas oo dhan isagoo inoo tilmaamaya wuxu abwaanku yidhi:
· Dadku kuma aqbalo qalad haday ku arkayaane
· Adna iinta inaad dhawrataa ku arin waydaaye
· Waxa na diley xaqoon aasniyo iib dacaawiya
· Waxa na diley dunuub aanad ogayn aanadeed bixiye
· Waxa na diley anaaniyad iyo ab iyo laan sheege
· Waxa na diley albaabada dantaan uunka loo furine
· Waxa na diley halkaad ku agbanayd kongo ku abuure
· Waxa na diley is maqal li’da aan lays adeecahayne
· Waxa na diley istaafkiyo tijaartoo iskaashado’e
· Waxa na diley araajida la qoro imad la’aaneede
· Waxa na diley ujrada kuuligaan abid la siinayne
· Waxa na diley u sheekee midkii hawl ebyi lahaaye.
Gabogabada gabayga wuxu abwaanku inoo soo gudbinayaa arimo ay haboon tahay in aynu ka dheeraano kuwaas oo umada la hadhi kara ceeb iyo facshar weyna ku ah cida ku dhaqanta ee caado ka dhigata arimahaas waxa kamid ah:
· Waajib ay haboonayd in aad adigu qabato balse hadii aad qabato lagugu qabsanayo eedna dusha lagaa huwinayo.
· Dugsiyada wax lagu barto oo macalinku yahay mid aan xil iska saarin ardayga uu wax barayo, macalinka oo aan ku dedaalin dhexdana u xidhan sidii arday akhlaaq iyo cilmiba ka dhisani u soo bixi lahaayeen
· Dadka oo la yaso, la xaqiro ayuu abwaanku meerisyada soo socda ugaga digayaa bulshada somaliyeed, maxaa yeelay umada aduunka ku nooli way qadarisaa kii wax qabtay kii kabaha tolay, kii diyaarada sameeyey ee suubiyey, kii gaadhiga hal abuuray iyo dhamaan midkasta oo hal abuur hor leh la yimid hayeeshee umada somaliyeed way liidaan oo yasaan kii kabaha u tolay ee quruxdiisa qaybta ka ahaa, kii timaha ka jaray ee qurxiyey, waxaanay u yaqaaniin magacyo gaar ah. Waqti waqtiyada kamid ah waxa mid kamid ah diyaaradaha casriga ah ee dheereeya wada raacay qoraaga weyn ee somaliyeed Abdiqadir Aroma iyo nin saaxiib ahaayeen markii isaga saaxiibkii quruxdii, qaab samayskii diyaarada ay la indho daraan dareen ayuu saaxiibkii ku yidhi qoraaga waxba ha la yaabin waxa samaystay umad birmaalkeeda iyo kabo toleheeda qiimaysaye.
· Qof sabool ah oo eed aanu lahayn dusha laga saaro oo xabsiyada ku dacdarooda kuna dhibaatooda waxay kamid ahayd dhaqanadii xukuumadihii somaliya iyo kuwa maanta jooba
· Dhibka kale ee abwaanku aad uga cabanayaa bulshadana u sheegayaa waa mid ilaa maanta taagan umada somaliyeed oo aan iyagu marnaba aan is qiimayn is qadarin iyagoo danahooda kala tashanaya dadka ajaanibta ah una kala dheereynaya runtii waa dhibaato ilaa maanta taagan oo dambarkeeda ay Somali badan dhantay kana dheregtay.
· Wuxu kusoo gabogabaynayaa madax hunguri doon ah inay yihiin madaxda somaliyeed aanay dan iyo daarad midnaba aanay ka lahayd dadka ay xilka u hayaan, sharafta dadkooda qaar dhaafsaday shilimaad yar oo maalmo lagu noolaado.
Waxa uu yidhi xaajigu:
· Waxa na diley umuur waajib aad kaga baqdaa eede
· Waxa na diley iskuulada la baro inanka qaad keene
· Waxa na diley akhlaaq xumo masuul aabaheed yahay
· Waxa na diley dadkoo la xaqiriyo gaal isku ekeysiine
· Waxa na diley faqiir eed nin kale lagu ijbaaraaye
· Waxa na diley rag amarkii sinaan iniq is dheerayne
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!