Dowladda Gaasiro ee hadda Jirta Waa Ka Liidata Dowladii Qabyo ee Ka Horeysey

0
Wednesday May 27, 2020 - 08:36:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Gaasiro ee hadda Jirta Waa Ka Liidata Dowladii Qabyo ee Ka Horeysey

    W/Q: Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

 

Hanaanka sii wadida (continuity) heerka ay ka soo gaartey meelmarinta hawlaha waxqabadka waa bud-dhig lagama maarmaan u ah in halkeeda laga sii wado meesha ay mareyso ka sii ambaqaadideeda, islamarkaana dadaalada sii wadida lagu lamaaniyo isbedel dhab ah oo dhaliya koboc iyo korukac ku yimaada meshi laga soo dhaqaaqay. Heerka koriinka horumarka oo sisare u kaca waxaa dhaliya wadajirka lamaanaha isku dabran ee (continuity & change), kuwaas oo si is xigxigta oo is dabayaal iskula falgelaya. Hawl wadid sii socodkeedu uusan dhalineyn wax isbedela waa gaasirnimo ay ku dhumeyso wakhti oo ay wehliso gabaabsi halisteeda wadata. Sidoo kale isbedel aan lahayn meel uu wax ka sii wado ma keenayo koboc horumarineed, balse wuxuu dhaliyaa jahwareer qas ku abuura hanaanka meelmarinta loo raacayo socodsiinta hawlaha la fulinayo. Isbedel kasta waxaa hareer socda heerar joogteyn ah oo midba midka ka dambeeya ka dheer yahay sare u kaciisu. Ma jirto waxaan ku soconeyn heerer iswada oo joogteyntoodu ay ku dhex dhafan yihiin isbedelo saameyn ku yeesha kobocooda. Wakhtiga iyo noloshuba waxey labaduba tusaale u yihiin iney si isdabjooga ugu socdaan heerar kala duwan oo hawlahoodu si joogteyn leh loo sii wado, iyagoo si talanteela u sameeya isbedelo keena koriimo, duugnimo, iyo cimilooyin is wada dhaafsan.



Mw Farmaajo xiligii uu musharaxa ahaa 2017 wuxuu fikir wadaag la ahaa 22 Musharax oo aragtidoodu ka soo horjeedey hogaamiyeyaashii xukuumada markaas xilka haysey oo aragti ahaan aaminsanaa hanaanka sii wadida qabyotirka hawlihii xukuumada Qabyo (continuity), meesha musharixiinta mucaaradka ahayd ay rumeysnaayeen in hanaanka sii wadidu ay u baahan tahay isbedel (continuity & change), hindisahaas oo mucaaradku heshiis qoran ku wada gaareen. Waxaa xigey in Mw Farmaajo iyo kooxdii maalgelintiisa u gaar ahayd ay soo dhisteen xukuumadooda danaha shaqsiyaadkooda raacsan, melena ay iska dhigeen afkaartii uu heshiiska kula ahaa mudane Farmaajo musharixiintii saaxiibtinimadu ku kulmisay mucaaradnimada. Waxaa musharixiintii talowadaaga la ahayd mudane Farmaajo amakaag iyo yaab ku noqotay kadib markii ay arkeen dhan walba sida ay dowladda Farmaajo u qaaday dhabihii xukuumadii ka horeysey oo fikir ahaan iyo ficil ahaanba raacday hanaanka sii wadida wax walba heerka ay horay u joogeyn iney ku sii hayaan (continuity), inkasto oo ay joogteyntoodu ku hayeen heerar ka hooseeya meeshii ay gaarsiisneyd dowladii ka horeysey ee Qabyo:


1.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dhagxaan jidadka lagu wada gooyey oo loogu talagalay iney sugaan amniga, meesheedii ayuu ka sii wadey oo weliba meel ka daran ayuu sii gaarsiiyey oo heerkeedu ka sii hooseeyo kii hore, kaba sii darane waxey madaxda dowladu macaash wadaag la noqotay ganacsiga mashruuca dhagaxdaas (continuity without change).


2.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay muran dacwadeed oo Soomaaliya kala dhexeysa Kenya oo qeyb ka mida dhul badeedka Soomaaliya xoog ku heysata, meesheedii ayuu ka sii wadey meel ka sii liidatan waa gaarsiiyey heerkeeda, kaba sii darane hanjabaada Kenya oo cabsigrlisey hantida kenya ka taala madaxda soomaaliyeed waxey keentay in laga aamuso oo aan la horjoogsan codsiyada Kenya ay dib ugu dhigeyso dacwada (continuity without change).


3.   Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay maamul goboleedyada dalka oo hantida qaranka si laaluusha loogu soo saaro musharaxiinta ay wadato madaxda dowladda dhexe, wuxuuna meesheeda ka sii waday habraacaas oo weliba uu sii raaciyey dhiig ku data kuraasta ay musuqa ku fadhiisiyeen musharixiintooda (continuity without change).


4.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay garsoor aan dhameystirneyn oo ay ka maqan yihiin gudiga madaxbanaan ee garsoorka iyo maxkamadii dastuurka, wuxuuna meeshaaedi ka sii waday sidii ay ahayd oo weliba meel ka sii liidata gaarsiisey musuqa garsoorka, kadib markii uu dad ay xidi wadaag yihiin jagooyin badan ku soo buuxiyey (continuity without change).


5.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay balankabax qabasho doorasho qof iyo cod ah, taas oo bedelkeedana codsi dheereyn ah lagu dalbaday kororsiimo, wuxuu isaguna meesheedi ka sii wadey sidii ay ku socotey wax ka qabasho la’aanta xujooyinka ku hor dadban doorashada, wuxuuna damacsan yahay inuu isaguna ku dhawaaqo inuusan doorasho qof iyo coda qaban karin, islamarkaasna uu dalbanayo wakhti kororsi (continuity without change).


6.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dastuur qabyo ah oo aan dhameystirneyn, wuxuuna meesheedii ka sii wadey qabyo ku haynta dastuurka si uusan kitaabkaas yar u dabrin danahiisa siyaasadeed (continuity without change).


7.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay baarlamaanka aqlabiyada codkooda oo xoog iyo xeelad lacageed ama laaluush jago siin lagu milkiyo, wuxuuna meesheedii ka sii waday habraacaas oo weliba meela aad u liidata gaarsiiyey kadib markii loo xoogsheegtay Md Jawaari oo ahaa gudoomiyaha Golaha shacabka (continuity without change).


8.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay xadgudubka loo geysanayo si loo aamusiyo suxufiyiinta iyo saxaafadda madaxbanaan, siyaasiyiinta madaxbanaan, mucaaradka, iyo xuquuqda rayidka muwaadiniinta ah oo hantidooda iyo xoriyadooda gaboodfal joogto ah uu ku socdey, isaguna meesheedii iyo meel ka daran ayuu ku waday, waxeyna ugu darneyd markii saaxiibkiisa oo ay wada ahaayeen musharixiin mucaarada oo ay kadib ku kala fogaadeen kala aragtiduwanaan uu u maleegey dilqorsheysan in lagu khaarajiyo, laguna aamusiyo mucaaradnimadiisa qayaxan (continuity without change).


9.   Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay kooxeysi ka kooban dad yar oo awoodii talada dalka gacmahooda ku soo koobay oo siyaasiyiinta waxgaradka ah intooda kalana ka dhigay dibed joog, isaguna meesheedi ayuu ka sii waday oo koox yar ayey awoodii talada dalka gacmahooda ku kooban tahay, weliba ka sii darane boqortooyo yar sirdoonkeeda ayey talada dalka gacanta ugu sii jirtaa (continuity without change).


10.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dad aan aqoon lahayn in loo magacaabo darajooyin aysan miisaankooda iyo mudnaantooda lahayn, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey guulwadeynta darajooyinka iyo magacaabista qowsaaro aan wax ku ool badan lahayn, weliba ka sii darane wuxuu qortay caruur aan qaangaar ahayn iyo cirooleyaal ku taageeraya ceebeyn iyo caay ay baraha bulshada loolan ugu sameynayaan ka difaacida mucaaradka (continuity witout change).


11.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay xaflado lagu xayeysiinayo dowladda iyo heeso lagu amaanayo madaxda, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday hab masraxiyeedka dholatuska loogu sameynayo xaflado lagu taageerayo is qaadqaadka madaxda dowladda, weliba ka sii darane ay ku sii kordhiyeen hirgelinta wadatey maqalka iyo muuqaalka ee la baxay ‘igu sawir” (continuity without change).


12.                      Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay iyadoo la hayste u ah madaxda xukuumada itobiya oo si qaawan faragelin ugu haysey arrimaha gudaha soomaaliya, isaguna inkasto markii uu musharaxa ahaa shacabka ku dhagray inuu ka soo horjeedo faragelinta itobiya, haddana qiyaanadiisa waxey soo baxday markii uu isbedel lama filaana ku qaatay inuu danahiisa siyaasadeed ee gaarka ah kula walaaloobo Itobiya iyo eriteriya oo ay u soo tababaraan ciidamo beeleedyo uu wax ku caburiyo, taas oo uu halkeedii ka sii waday xoojinta ciidamada itobiya tacadiyada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed (continuity witout change).


13.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay in jabhadaha xaq u dirika ah ee u dagaalamaya ayokatalintooda loo aqoonsado argagixiso si loogu raali geliyo dowladda Itobiya maslaxadeeda somali-diidka ah, isaguna neesheedii ayuu ka sii wadey, weliba ka sii darane wuxuu ku daray dhiibista muwaadin Soomaaliyeed oo halgan hubeysan la galay Itobiya isagoo difaacaya qaranimada soomaaliyeed oo uu ka tirsanaa mujaahidiinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed dagaalkii 77 (continuity without change).


14.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay safaro ay madaxdu macno darro ugu baxdo dalka dibadiisa oo hantida yartaa ee dakhli ahaan u soo xarooto dibeda dalxiis loogu aado, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey, weliba in ka badan toban jibaar ayuu kuwii ka horeeyey xawli ka dheereeyey ku dhaafay (continuity without change).


15.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay mashruucyo lagu xaraashayo kheyraadka hantida qaranka soomaaliyeed, isaguna meesheedii ayuu ka sii waday xaraashka kheyraadka bada iyo kan shidaalka, weliba ka sii darane wakhti qiimaha shidaalka addunka oo dhan uu hoos ugu dhacay si bilaash ku qaadasho la mid ah (continuity without change).


16.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay ciidamo ka kooban maleeshiyaad beeleed oo meesha ka saaray dhismaha ciidan qaran oo isku dhafa, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday diidmada ciidan qaran oo isku dhafa, weliba ka sii darane wuxuu Gedo ka soo afduubtay carruur aan qaangaar ahayn oo uu Eriteriya u soo tababartay si ay qeyb uga noqdaan ciidamo beeleedyada qaab dowladeed u hawlgelaya (continuity without change).


17.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay shaqaalaha iyo adeega dowladda iyo deeqaha dibeda ee waxbarashada iyo caafimaadka oo ay sigaara uga manaafacsadaan madaxda iyo qaraabadooda iyo qowsaarada ay ku adeegtaan, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday sii socodsiinta xigaalo iyo xidid iney ku soo koobmaan shaqaalaha dowladda, deeqaha, iyo adeegyada ay dowladu fidiso (continuity without change).


18.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay boob ay marwooyinka madaxdu ku hayeen fursadaha dhaqaale iyo hantida maguurtada ah oo ay leeyihiin dowladda ama rayidka masaakiinta ah, isaguna wuxuu meesheedi ka sii waday dhaqan raacaas aan xishoodka lahayn ee lagu xalaaleysanayo hantida qaranka, dakhliyada gobolka iyo kuwa degmooyinka qaar, deeqaha dibeda, iyo laaluush ka aruursiga ganacsatada (continuity without change).


19.                      Md farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay la dagaalanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo ah koox diimeed ay curiyeen suufiyada gobolada dhexe, kuwaas oo dagaal adag la galay xagjiriinta Al Shabab, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday dagaalkii lagula jirey xukun ka marooqsiga ahaa ee lagu hayey ASWJ (continuity without change).


20.                      Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey uu ka dhaxlay saraakiil xagjiriina oo heshiis dhexmaray madaxda dowladda qaar ka mida iyo xagjiriinta Al Shabab lagu ogolaaday in lagu dhexmilo ciidamada dowladda, kuwaas oo labada dhinac ujeedooyin kala duwan u kala gudbinaya xiriirintooda, isaguna wuxuu meesheedi ka sii waday dhaqangelinta iskudhafkaas, weliba ka sii darane sarakiishaas xagjiriinta ah waxey si gaara u bartilmaameysteen hayadda sirdoonka oo ay gabi ahaan la wareegeen gacan ku haynteeda (continuity without change).


21.                      Md farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay lacagta Soomaaliga oo ah astaanta qaranka oo dalku uusan lahayn adeegsigeeda rasmiga ah, isaguna maqnaashaheeda meesheedi ayuu ka sii wadey oo baahida dadku u qabo lacagtooda marna ma tebin soo sameynteeda, kaba siidarane waxaa la adeegsadaa doollarka Mareykanka oo in badan si faalso ah lagu soo geliyo dalka, manobolina ay ku haystaan shirkadaha sarifka oo ay leeyihiin wadaado (continuity without change).


22.                      Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay Baasaboorka Soomaaliga oo aan caalamka laga aqoosaneyn, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey, waxaana ka sii daran kadib markii viisooyinka la siiyo madaxda dowladda loo isticmaalo tahriibinta dhalinyarada dalkoodii ka rajo belay (continuity without change).


23.                      Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay dalka oo aan lahayn bangiyo aqoonsi buuxa leh, taasna ay kaliftay in dalka ay ka jirtey dhibaatooyin la xiriirta soo gelinta lacagta qalaad ama kalsoonidarro maalgelineed, taas oo bedelkeeda ay buuxiyeen wadaado burcada oo xawaalooyin fara badan furtay, lacagta dadkana sida ay rabaan ugu takrifala, isaguna wuxuu habdhaqankaas ka sii wadey meesheedi, waxeyna ka sii dartay kadib marka ay ganacsatadaas burcada ah iyo madaxda dowladdu heshiis ku noqdeen canshuur dhaafyo iyo saami-wadaag lagu shirkoobey hantida qaranka (continuity without change).


24.                      Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay dhagaxdhigyo mashaariicyo aan la fulin, isaguna meesheedii ayuu ka sii waday balanqaadyo ku dambeeyey balanfuryo, weliba waxey ugu darneyd markii uu tegey gobolada dhexe oo uu soo dhagax-dhigay mashruucyo aad u fara badan, taas oo soo jiidatey quluubta dadka. Reer Galmudug waa dadka Soomaalida ugu daacadsan oo rumeysta balanta iyo qawlka dadka waaweyn, wuxuuna si daacada ugu duceeyey caaqilka guud ee dhaqanka si kal iyo lab leh, nasiibdarro weli indhihii shacabkaas waxey dib u soo jaleecayaan balanfuryadii uu ku sameeyey (continuity without change).


25.                      Md Farmaajo wuxuu dowladdii hore ka dhaxlay dalka oo indheer-garadkiisa lagu bartilmaameysto dilal qorsheysan oo ay fulinayaan xagjiriinta, burcad qaab dembiyeed u abaabulan, jawaasiis u adeegeysa dano shosheeye, iyo sirdoonka dowladda oo qeyb ka ahaa, isaguna wuxuu ka sii wadey meesheedii oo uu gaarsiiyey meel ka daran, waxeyna ugu darneyd kadib markii madaxweyne yaasha hore ee Hassan iyo sheikh Sharif mudo saacad ku dhow hawada beledweyne lagu hayey, ujeedkuna uu ahaa in shil qorsheysan looga taqaluso (continuity without change).


26.                      Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ahayd xaruun qabileed xigtada lagu qaabilo oo haddana ku mashquulsan la kulanka dadka loo adeegsanayo difaaca iyo ka hortaga xasaradaha siyaasadeed ee dhaawacaya sumcadda madaxda dowladda (downstream damage control groups), meesha loo baahnaa ma

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...