Danjiraha USA Ee Soomaaliya Donald Yomamato Oo La Filayo Inuu Socdaal Ku Yimaado Hargeysa

0
Wednesday April 10, 2019 - 23:33:02 in News by
  • Visits: 3748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha USA Ee Soomaaliya Donald Yomamato Oo La Filayo Inuu Socdaal Ku Yimaado Hargeysa

    Danjiraha USA Ee Soomaaliya Donald Yomamato Oo La Filayo Inuu Socdaal Ku Yimaado Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha USA Ee Soomaaliya Donald Yomamato Oo La Filayo Inuu Socdaal Ku Yimaado Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Safiirka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaalida danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu socadalkiisu noqon doonaa kii u horeeyay ee uu Hargeysa ku yimaado tan iyo markii bishii julay ee kal hore xilkan loo magaaabay.




Danjire Yamamoto oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika isagoo hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay dad badan oo ay ku jiraan khubaro Maraykan ahi ku dhaliileen danjiraha sababta uu u soo booqan waayay Somaliland.


Hase yeeshee, warar soo baxay ayaa sheegaya in dajire Donald Yamamoto uu maalmahan socdaal ku iman doono caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.


Dadka qaar ayaa danjire Donald Yamamoto ku eedeeya inuu yahay maskaxda ka dambaysay in Maraykanku meesha ka saaro siyaasadii (Dual track policy) oo ahayd macaamil uu Maraykanku mucaawinada ugu kala qayb jiray Somaliland iyo Soomaaliya.

Loading...
Loading...