Sharcigii Jaad Joojinta Xukuumada Muuse Ma Gaadiidka Shacabka Ay Ku Xalaashanaysay?

0
Tuesday May 26, 2020 - 18:48:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharcigii Jaad Joojinta Xukuumada Muuse Ma Gaadiidka Shacabka Ay Ku Xalaashanaysay?

    "Sidoo kale waxaa sharciga xukuumadu kula wareegtay gaadiidkan xaaraan timeeyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxaa sharciga xukuumadu kula wareegtay gaadiidkan xaaraan timeeyay"

Hargaysa (HWN) Eng. Farxaan Axmed Maxamuud oo ka tirsanaan jiray Xisbiga Kulmiye haatanse iska casilay ayaa  si adag udhaliilay qaabkii xukuumada Muuse Biixi ay shacabka Gaadiidkii jaadka lagu qabtay ay ugala wareegtay.




 


Eng. Farxaan ayaa sheegay in aan xukuumadu sugin marxaladii xukun ee ay marilahaayeen gaadiidka shacabka lagala wareegay, waxaanu sheegay in ay si deg deg badani ku jiro markiiba gaadiidkaasi ula wareegeen ciidanka Boolisku iyagoo markiiba buufiyay Gaadiidkii.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharci marka la samaynayo loo baahanyahay in daraasad laga sameeyo dhibka iyo dheefta sharcigaasi yeelan doono "Dawladu marka sharci la samaynayo waxa uu ubaahanyahay in daraasad rasmiya laga keeno saamaynta Taban iyo ta Togan ee ka imanaysa, gaadiidka lala wareegay, Sharcigeena iyo dastuurka aynu ku dhaqmayno waxaa ku qoran gaadiidka in marka hore boqolkiiba shan iln lagu ganaaxo,  mar labaadka Boqolkiiba Toban lagu ganaaxo, mar seddexaadka lala wareego, Gaadiidka lala wareegayna tusaale ahaan haddii gaadhigu ahaa $4000 (afar kun oo doolar) waxay ahayd in $500 (shan boqol) oo doolar in lagu ganaaxo  oo dawladii dakhli ka hesho miskiinkii gaadhiga lahaana aan farro madhnaan la dirin”.

 

Eng. Farxaan ayaa intaasi ku daray "Waxaan warbixinteeda hayaa in xukuumadu  mudadii jaadka la joojay ay la wareegtay gaadiid dhan 97 (todoba iyo sagaashan) gaadhi, ilaa 80 ( sideetan) qofna la xukumay oo la xidhay, taasina waa sharci darro baaxadiisa iyo miisaankiisaba leh, waana dulmi iyo awood sheegasho, waana sharcigii oo xataa la baalmaray. Sifaha gaadiidkaasi lagu qaatayna waa sifo aan dastuuri ahaynba, wixii aan dastuur ahayn ee lagu dhaqmaana wa baadil, baabuurta la buufiyayna waa lagu deg degay oo xukunadii kale ee maxkamada lalama sugin, dulmigaasina waa mid madaxwaynaha aakhiro iyo iftiinkaba lagala xisaabtami doono”.          

 

Sidoo kale waxaa sharciga xukuumadu kula wareegtay gaadiidkan xaaraan timeeyay qaar kamid ah qareenada Somaliland oo  sheegay in uu ahaa xukun lagu degdegay.

 

Isku soo duuboo  tani waxay cadaynaysaa in sharcigii qaadka lagu joojay xukuumada Muuse Uga dan lahayd sidii ay  shacabka ugala wareegi lahayd gaadiidka, waxaana sidoo kale taasi cadaynaysa in gudidii sharcigan samaysay ay iyaga laftoodii jabiyeen sharcigii ay sameeyeen kadib markii ay jaadkii fasaxeen muddadii loo qabtay muddo ka horaysa, markaa maxaa diiday in shacabkiina loo soo celiyo gaadiidkii laga qaaday mar haddii gudidii sharciga samaysay ay iyagii jabiyeen?

 

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...