Xukuumada Somaliland Oo Qufushay Geerashkii Dayactirka Doonyaha Ee Ay Samaysay Shirkada Fair Fishing + Sababta.

0
Wednesday April 10, 2019 - 22:31:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Qufushay Geerashkii Dayactirka Doonyaha Ee Ay Samaysay Shirkada Fair Fishing + Sababta.

    Saraakiil Sare oo ka Socotay wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga Somaliland ayaa Qufushay Geerashkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Sare oo ka Socotay wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga Somaliland ayaa Qufushay Geerashkii dayactirka Doonayaha ee Dhawaanta ay samaysay shirkada Fair Fishing oo Kaluumaystada iyo Xirfadlayashaba caawisa.


Axmed Aadan Madoobe oo ah Agaasimaha waaxda kaluumaysiga ee wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga iyo Cabdikariin Xirsi Farax oo ah latilyaha arimaha kaluumaysiga wasiir Xasan Gaafaadhi ayaa labadii casho ee u danbeeyayba joogay Berbera waxaana la sheegay safarkoodu inuu daaranaa sidii ay ula wareegi lahaayeen shaqada ay Berbera ka hayso hay’ada fair fishing oo Somaliland kula jirta heshiis ah taakulaynta kaluumaysatada.



Wararka aanu ka helnay illo xog ogaala ayaa noo xaqiijiayay in labadaa masuul ay ku amreen maamulaha hay’ada fair fishing Yuusuf Cabdilaahi Guuleed in uu ku wareejiyo xarunta baraf dhaliyaha iyo geerashka lagu dayactiro gadiidka bada oo dhawaan uun hay’adu samaysay.


Sida lanoo xaqiijiyayana Gudoomiyaha Hay’ada fair Fishing wuu ka diiday dalabkoodaa waxaanu u sheegay saraakiishan waaxda kaluumaysiga ee wasaarada ka socday in aanu awoodaa lahayn in uu wax wareejiyo iyaguna aanay Awood u lahayn in ay wax la wreegaan ,Arinkaninana yahay mid utaala masuuliyiinta sare ee hay’ada fair fishing iyo madaxda sare ee wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga.


Waxaana ugu jawaabeen masuulkan Gudoomiayaha ka ah Hay’ada fair Fishing Somaliland in Awood loosoo siisay sahaqadan inkastoo wasiirkii wasaaradu ugu maqan yahay arimo caafimad dalka dibadiisa, waxay u sheegeen in wasiir ku xigeenkii wasaarada Yurub Abiib iyo agasimaha guudba la ogyihiin, Waxaana ku saxeexnaa warqada Yurub Abiib


Intasi kadib labada masuul ee ka socday wasaarada xanaanada xoolaha waaxdeeda kaluumaysiga waxay u tageen badhsaabka gobolka saaxil waxanay usoo bandhigeen shaqada ay u yimadeen sida xogo aanu ku helnayna badhasaabku wuu dejiyay Waxaanu u sheegay in Qoraalkan aanu wax og ah ku lahayn oo si toosa ay ugu socoto hay’ada fair fishing, laakiin dheg jalaq umay siinin ee quful ayay kusoo dhufteen qaybta geerashka ah ee doonyaha lagu dayac tiro, halka Goobta baraf Dhaliyaha ay u suuro gali wayday in ay qufulaan sababtoo ah kaluun ayaa ka buuxay.


Hadaba hay’ada fair fishig waxay heshiis la gashay Xukuumada Somaliland sanadkii 2016 ,Heshiiskasina wuxuu dhigayay in mudo sadex sano ah ay taakuleeyaan kaluumaystada qalab iyo tabobarbana ay siiyaan, Sida La xaqiijiyayana Shan magaalo oo somaliland ah waxay ka sameeyeen xarumo barafdhaliye Sida saylac, laasqoray, Bulaxar, Berbera iyo Burco Dhamaantoodna Xarumahaasi way shaqeeyaan dana waaloo tabobary, waxay Bixyeen tabobaro iyo qalmba Mudadii Heshiiskana waxaa ka hadhay sadex Bilood, Laakiin Mar aanu wax ka waydiinay Masuulka fair Fishing Gudoomiyaha u ah Somaliland Wuxuu Noo sheegay in aanu garanayn sababta xiligan mushkilada keenaty waxaanu intaa ku daray in shirkad aahan aanay jabinayanin heshiiskii ay la galeeen Somaliland diyaaarna u yihiin waqtigeeda in ay dalka Somaliland ku wareejiyeen tacab badan iyo kaluumaystao xirafad leh oo qalabaysan.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...