Guddiga Xakameynta Covid-19 Ee Somaliya Oo Go'aansatay In La Kordhiyo Dadka Laga Baadhayo Covid1-19.

0
Tuesday May 26, 2020 - 08:55:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Xakameynta Covid-19 Ee Somaliya Oo Go'aansatay In La Kordhiyo Dadka Laga Baadhayo Covid1-19.

    "Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka COVID19"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka COVID19"

Muqdisho (HWN) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir gudoominayay Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta Covid-19 ayaa lagaga  hadlay Shirkaasi xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka

 

Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.

 

"Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka  COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khairere guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Khayre.

 

Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan.

 

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaan-geliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux.


Loading...
Loading...