Jenaral Xaftar Oo Ay Garabkiisa Ka Baxeen Dagaalyahanno Muhiim U Ah
Bixitaanka dagaalyahannadaasi ayaa kusoo beegmaya xilli jananka ay guuldarooyin waaweyn kasoo gaareen duullaanka mudada sanadka ah uu ku doonayay inuu ku qabsado caasimadda Tripoli ee fadhiga u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.
"32 diyaaradood oo ah nooca milateriga ee Antonov ayaa kusoo degay garoonka Bani Walid si ay u daadgureeyaan calooshood u shaqeystayaasha Wagnar ee ka baxay aagga koonfurta Tripoli, lamana ogga halka ay ku socdeen," ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee xooggaga taabacsan dowladda.
Warbaahinta maxalliga ayaa ku warrantay in dagaalyahannada la daadgureeyay la geeyay deegaan ka tirsan gobolka Jufra ee bartamaha Liibiya, halkaasi ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka taabacsan Xaftar.
Khubarada
falanqeeya arimaha Liibiya ayaa rumaysan in tallaabadan ay dhabar-jab ku tahay
Jenaral Xaftar oo dhul ballaaran qabsaday markii ay u yimaadeen xooggaga Wagnar
sanadkii 2019.
In ka badan 1,400 oo calooshood u shaqeysatayaal Ruush ah ayaa la rumeysan yahay inay garab siinayeen Jenaralkan doonaya inuu gacanta ku dhigo guud ahaan Liibiya.
Bishii January ee sanadkan, wadahadallo nabadeed oo ka dhacay caasimadda Berlin ee Jarmalka ayaa guuldarro kusoo idlaaday, kadib markii dhinacyada isku haya Liibiya ay joojin waayeen colaadda.
BBC