Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Eedeyay Inay Ka Gaabisay Arrimaha Doorashooyinka

0
Tuesday May 26, 2020 - 08:36:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Eedeyay Inay Ka Gaabisay Arrimaha Doorashooyinka

    "Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in doorashada la qaban doono"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in doorashada la qaban doono"

Xisbiga Gurmad oo ah mid ka mid ah xisbiyada ka jira Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay habraacyada lagama maarmaanka u ah qabashada doorashada iyo dhaqan-gelinta doorasho lagu kalsoon yahay oo dhacda xilligii loogu talagalay.

 

Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wada shaqeyn la'aanta dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, diwaangelinta xisbiyada oo aan la dhameystirin, xaaladda amni ee gobollada qaar ay yihiin astaama muujinaya sida ay uga gaabisay dowladda arrinta doorashada, waxa uuna xisbigu ka diga muddo kororsi.

 

"Waxaan cadaynayaa in aan marnaba la aqbali karin in madaxda iyo dowladda Federaalka ee xilku ka sii dhamaanayo ay samaystaan muddo korodhsi iyo in ay doorashadu dhaafto wakhtigii loogu talo galay", ayuu yiri Cabdixakiim Cige oo ah xoghayaha guud ee xisbiga.

 

Mar sii horreysay maanta ayaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu bartiisa Facebook soo dhigay in ay jiraan qorshayaal muddo kororsi lagu doonayo oo ay maleegeysa Villa Somalia.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in doorashada la qaban doono xilligii loogu talagalay islamarkaana uusan jirin qorshe muddo kororsi ah.

 

BBC


Loading...
Loading...