Magaalada Burco Oo Dhimashadu Hadh Beeshay Iyo Oxygen La,aan Loogu Qudh Baxayo Cusbitaalka Guud.

0
Monday May 25, 2020 - 21:57:06 in News by
  • Visits: 4385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Burco Oo Dhimashadu Hadh Beeshay Iyo Oxygen La,aan Loogu Qudh Baxayo Cusbitaalka Guud.

    Magaalada Burco Oo Dhimashadu Hadh Beeshay Iyo Oxygen La,aan Loogu Qudh Baxayo Cusbitaalka Guud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Burco Oo Dhimashadu Hadh Beeshay Iyo Oxygen La,aan Loogu Qudh Baxayo Cusbitaalka Guud.


Burco(HWN):-Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa wajahaysa xaaladii ugu darnayd ee dhinaca caafimaadka.




Cusbitaalka magaalada Burco ayaa laga soo sheegayaa in qaar ka mid ah bukaanadii lagu hayey ay u geeriyoodeen Oxygen la,aan dhakhtarka haysata halka ay kor u kacday tirada dadka dhimanaya ee magaaladaasi.


Oday ka mid ahaa shacabka magaalada Burco ayaa la sheegay in cusbitaalka guud ee magaaladaasi uu ugu geeriyooday oxygen la,aan soo foodsaartay iyo dayac uu la kulmay.


Cabdirashiid Cabdiraxmaan Buraale oo uu dhalay marxuunka geeriyooday ayaa warbaahinta uga waramay dayac uu sheegay in aabihii u dhintay waxaanu yidhi "Aabahay ku dhawaad todobaad ayuu xasuusanayey, xanuunka uu la jiifayna waxa uu ahaa dhiigkar uu lahaa, markii uu dhiigkarku ka dagi waayeyna waxanu dhignay qaybta gargaarka deg dega ah, Oxygen ayaana lagu xidhay waxaana ay kalkaaliyeyaasha caafimaadku ka gudbiyeen warbixin ay gaadhsiiyeen guddida gobolka ee Covid-19 iyaga oo aan wax dhiig ah ka qaadin.”


Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "markii ay guddidu na waraysteen ee aanu sheegnay sida xaalku yahay waxay nagu yidhaahdeen xanuun ayaa magaalada ku jira markaa si ay dadka kale u badbaadaan waxaanu bukaanka gaynaynaa qaybta karantiinka, cusbitaalka Burco-na Oxygen-ta taalaa waxay ahayd mid caruurta yar loogu tala galay, waxaanan xaqiijinayaa in Oxygen-ta lagu xidhay ay ahayd mid bilaa awood ah.”


sidoo kale waxa uu sheegay in dayac badani uu ka jiro magaalada Burco "kama xumi geerida aabahay ku dhacday laakiin waxaan ka xumahay dayaca aabahay u dhintay, umada intaas leeg ee adeegooda loo magacaabay heer madaxweyne ilaa heer wasiir iyo dayaca ka muuqda goobaha Covid-19 ee Burco isma laha, sagaalkii habeenimo ilaa todobadii subaxnimo oo aabahay geeriyooday waxaan raadinayey dadkii hawsha Oxygenta qaabilsanaa iyada oo mudadaas laysku kay dhiidhiibayey, aabahayna inta ay meel ku tuureen ayey naga tageen, waxaana xusid mudan in Oxygen ciladaysan oo ilaa sadex ama afar jeer ka bakhtiday aabahay lagu xidhay.”


Dhinaca kale siyaasi Yuusuf Arts oo ka mid ah siyaasiyiinta magaalada Burco ayaa soo bandhigay heerka ay dhimashadu ka marayso magaaladaasi, isaga oo cadeeyey xaafad ay dhimashadu hadh beeshay maalin kaliya.


Yuusuf Artis ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yidh :-


Xabaasha Idinku Qoda Annagu Ma Awoodi Karno Inaanu Xabaal Diyaarino Dadka Dintay Oo Aad U Badnaa Awgii.


Sidaa waxaa yidhi nimanka Xabaalaha Burco Qoda.


Shalay waxaa ku dhintay magaalada Burco nin aanu ilmaadeer nahay oo la odhan jirey BASHIIR MAXAMED JAAMAC GUREY, sidii caadadu ahayd dadkii ehelka iyo asxaabta ahaa jaarkii iyo intii ka ag dhawey waxay qaybsadeen hawshii aaska marxuumka , ragii loo diray xabaasha waxay la kulmeen dhacdo aan in dhaweyd lagu aragxabaalaha Burco taas oo ahayd in la waayey xabaal diyaar ah iyo in ay diideen in ay qodaan nimankii xabaalo qodka ahaa waxay sabab uga dhigeen in aanay awoodi karin dadka dhintay oo aad u badnaa awgii sidaas darteed ehelada marxuumku waa in ay qotaan xabaasha .


Sidii ayaa ehelkii iyo dadkii kale ku diyaariyeen xabaashii.


Shalay waxaa xabaalaha xaafadda Hodan ee Burco lagu aasay 15 qof waxaa jira xabaalo kale oo badan oo ku yaal xaafadaha magaalada oo yagana dadka lagu aaso.


Waxaa is waydiin leh maxaa kordhiyey tirada dadka dhintay ma xanuunkan Covid-19 ayaa laayey dadka mise amar Alle ayaa ku dhacay? wa arrin u baahan baadhintaan ka weyn in aynu tirino oo Tacsiyadayno.


Loading...
Loading...