Suldaankii Buurta U Baxay Ee Habarjeclo Oo Soo Bandhigay Fashil Dul Hoganaya Wasiiro Ceel-Afweyn Ku Sugan

0
Monday May 25, 2020 - 21:00:44 in News by
  • Visits: 4046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaankii Buurta U Baxay Ee Habarjeclo Oo Soo Bandhigay Fashil Dul Hoganaya Wasiiro Ceel-Afweyn Ku Sugan

    Suldaankii Buurta U Baxay Ee Habarjeclo Oo Soo Bandhigay Fashil Dul Hoganaya Wasiiro Ceel-Afweyn Ku Sugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaankii Buurta U Baxay Ee Habarjeclo Oo Soo Bandhigay Fashil Dul Hoganaya Wasiiro Ceel-Afweyn Ku Sugan

 

Hargeysa(HWN):-Wasiirada ka tirsan xukuumada hogaamiye Muuse Biixi ee ku sugan degmada Ceel-Afweyn ee gobolk Sanaag ayaa lagu eedeeyey inay carqalad ku yihiin nabad waarta oo la dhexdhigo beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Fadhi-gaab.


Suldaan Siciid Yuusuf oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey in wasiiradu ku fashilmeen nabad laga gaadho Ceel-Afweyn isaga oo soo bandhigay baaq ay u dirayaan mid ka mid ah beelihii ku dagaalamay Fadhi-gaab.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo Ku Baaqay In Talada Nabadaynta ...


Suldaan Siciid oo ka hadlaya baaqa ay dirayaan ayaa waxa uu yidhi "Hadaanu nahay Salaadiinta, cuqaasha, waxgaradkii iyo garboodkii beesha Axmed Faarax(Habarjeclo) waxaanu ku baaqaynaa xabad joojin u dhaxaysa beeshayada iyo beesha Sacad Yoonis(Habaryooni), nabad ayaanu haynaa.”ayuu u sheegay Sahantv oo uu u waramay.


Suldaan Siciid oo soo bandhigaya fashil ay la kulmeen wasiirada xukuumada ka tirsan ee Ceel Afweyn joogaa waxa uu yidhi "Wasiirada jooga ee xukuumada ka socda waxaanu qabnaa inay yihiin wasiiro carqalad ku haya nabada, ilaa maalintii ay yimaadeena wax ay sii xumeeyaan mooyaane aan wax wanaag ah soo kordhin, cida ay khusaysaana waa beesha Sacad Yoonis inta nabada jecel iyo guddiyada dhexdhexaadka ah ee aanu doonaynay inay si deg deg ah ugu yimaadaan.”


Suldaan Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Markii ay labada beelood shaqaaqadu ka dhexdhacday wasiiradu may joogin oo galbeed ayey jireen, badhasaabka iyo ciidamo ayaa yimid maalintaas, nabadana gacanta ayaanu ku qabanay ciidamadiina waa kala dirnay, iyada oo halkaas noo maraysa ayey yimaadeen, wasiiradu markii ay soo gaadheen deegaankii ay wax ka dhaceen waxay ka bilaabeen oo ilaa maanta wadaan inay dadka burburiyaan oo dadka qaar xidhaan oo nabadii ka horyimaadaan, reerihiina kala fogeeyaan oo ay nabadii fogeeyaan.”


Sidoo kale Suldaan Siciid ayaa sheegay in wasiiradu ay fogeeyeen nabadii laga shaqaynayey "Waxaanu ka codsanay oo aanu saxaafada u marinay inaanay ahayn kuwii nabada xidhayey balse ay iyagu nabada carqalad ku yihiin oo ay reeruhuna waxooda dhamaysanayaan oo aanu guddi dhex dhexaad ah rabno intaasba waanu u sheegnay laakiin dhag noomay dhigin oo ramadaan ka hor ayey yimaadeen wax ay ilaa hada ka hagaajiyeen nabadiina ma jiro, anagana way na kala fogeeyaan.”


Suldaan Siciid oo soo bandhigaya hab dhaqanka dawladu ka wado Ceel-Afweyn ayaa waxa uu yidhi "Halkan waxaanu ku aragnaa oo dawlado badan oo kuwa hada inaga ina haysta iyo kaligii talisyadu ka mid yihiin ay sameeyaan waxa loo yaqaano qaybi oo xukun, arinta hudheelka Hargeysa Club waa arin aniga igu kooban oo aan beeshayda la xidhiidhin.”


Ugu dambayn waxa uu soo bandhigay fariin uu sheegay inuu u dirayo hogaamiyaha somaliland "Madaxweynaha waxaan leeyahay wasiirada kaa jooga Ceel-Afweyn way ku fashilmeen oo way ku guuldaraysteen arintii ay halkan u yimaadeen markaa waxaan odhan lahaa kala noqo oo ka qaad culayska ay ku hayaan nabada.”

Loading...
Loading...